Hargeysa: Maxay Ka Dhigantahay Soo Dhaweynta Cumar Carte Qaalib?

0
1

Masuuliyiin, Ganacsato Iyo Dad Badan Oo Kale Ayaa Shalay Madaarka Hargeysa Ku Soo Dhaweeyey Dr. Cumar Carte Qaalib

Hargeysa(Hubaal)-Dad badan oo ay kamid yihiin Guddoomiyaha Xisbiga UCID Eng. Faysal Cali Waraabe, Ganacsato, Salaadiin iyo ma huraan kale, ayaa Madaarka Hargeysa ku soo dhaweeyey Siyaasiga Maxamed Cumar Carte oo mar Reysal-wasaare ka soo noqday Soomaaliya, sanadihii 2002-diina hogaaminayey Urur Siyaasaddeedkii Hormuud ee ka qaybgalay Doorashadii Goleyaasha Deegaanka Wakhtigaas.

“Waa siyaasi Taariikh ma guurto ah ku leh Soomaalida dhexdeeda, khaasatana Somaliland iyo Soomaaliya, markii Dawladdii Maxamed Siyaad Barre la riday wuxuu ahaa Ninkii yidhi Ciidamada Milateriga ee Gobollada Waqooyi ha isu dhiibaan Xooggaga SNM” sidaa waxa yidhi Cali Guuleed oo ah Ganacsade ka mid ahaa dadkii soo dhaweeyey.

Maayirka, Caasimada Hargeysa, ahna Guddoomiyaha Golaha Deegaanka Cabdiraxmaan Maxamuud Caydiid ayaa isna sheegay “Cumar Carte Taariikhda ma guurtada ah ee uu leeyahay waxa kamida inuu yahay Ninkii Ururka Jaamacada Carabta ku daray Soomaaliya”.

Guddoomiyaha Xisbiga UCID, Eng. Faysal Cali Waraabe oo ka hadlay soo dhaweynta Siyaasigan da’da weyn ayaa sheegay “wuxuu ahaa Nin Diblomaasiya oo shaqo badan soo qabtay…”- “waa Nin weyn oo siyaasi ah” ayuu yidhi.

Inkasta oo aannu Cumar Carte Warbaahinta ka hadlin inuu ka soo muuqday mooyaane, haddana dad badan ayaa aaminsan inuu yahay shakhsi wax badan ka qaban kara qadiyada Somaliland, siiba marka laga hadlayo arrimaha xidhiidhka Carabta oo uu kamid yahay dadka ugu dhuunta daloola Soomaalida marka laga hadlayo.

SHARE
Article horeXukuumadda Somaliland Oo Sheegtay Inay La Socon Doonto Xogta La Isugu Gudbiyo Telefoonnada Iyo Baraha Bulshada
Mustafe Mohammed Abdullahi better known as Mustafe Faro is a senior Somali journalist, writer and cameraman. Mustafe is the head of programmes of Hubaal newspaper - a daily Somali magazine issued from Hargeisa, Somaliland. He is the assistant editor of the Independent Newspaper in Hargeisa, also the assistant editor of Somali Commentator. You can contact him through his E-mail: loodh2013@gmail.com or +252 63 4097497

A REPLY TAGO

Please enter your comment!
Please enter your name here