Hargeysa: Nin Mindi Ku Weeraray Wiil 14-jir ah

0
6

Hargeysa, (Hubaal) –  Abaaro Labadii Duhurnimo ee shalay ayaa Nin ku hubaysani Mindi waxa uu ku weeraray Arday 14 jir ah oo ka soo baxay Imtixaanka Dugsiga Xaafada Sheekh Nuur ee Magaalada Hargeysa, sida ay HCTV u sheegeen dad goobjoog ah.

Ninka Mindida sitay ayaa laba jeer Ardayga kaga dhuftay Misikta iyo Bawdada, waxaana Ardayga ka soo gaadhay dad goobta joogay.

Ilaa iyo hadda ma cada sababta dhabta ah ee ninkani u weeraray Ardayga, balse Axmed Cabdilaahi oo ka mid ahaa dadkii goobta joogay ayaa sheegay in markii uu waydiiyey sababta uu Ardayga midida ula dhacay ayaa sheegay inuu u sheegay inuu ka amaan waayey.

Ciidamada Bileyska ee Saldhiga Bileyska ee xaafadda Sheekh Nuur ayaa xidhay ninka dhaawacyada u gaystay Ardayga lskuulka ka soo baxay.

SHARE
Article horeMaxkamadda Gobolka Maroodi-Jeex Oo Xukun Ku Riday Tifaftiraha HCTV
Mustafe Mohammed Abdullahi better known as Mustafe Faro is a Somali journalist, writer and cameraman. Now Mustafe is the chief editor of Hubaal newspaper - a daily Somali magazine issued from Hargeisa, Somaliland. He was former the assistant editor of the Independent Newspaper in Hargeisa, also the assistant editor of Somali Commentator. You can contact him through his E-mail: loodh2013@gmail.com/mustafefaro@hotmail.com or +252 63 4097497

A REPLY TAGO

Please enter your comment!
Please enter your name here