HARGEYSA: Qeylo-dhaan Kasoo Yeedhay Dhibaatooyin Xafladaha Layskugu Meheriyo Lammaanayasha Cusub Ee Lagu Qabto Masaajidada

0
29

“Masaajidkan meherro badan ayaa ka dhaca, dadka meherka samaysanayaa dhaqaale la’aani ma hayso ee waxa   dhacday in yaradkii, gabaatigii iyo xoolihii la kala qaadanayeyba……”

 

Hargeysa(Hubaal):-Gudoomiyaha xafiiska diwaanka zakada Somaliland Ayaa sheegay In ay dhibaatooyin la soo derseen meherrada lagu qabto masaajidada ee magaallada  Hargeysa. Sheekh Siciid Maxamed Faarax ayaa soo bandhigay dhibaatooyin ay dhalinyaradu ku hayaan qaar ka mid ah masaajidada Hargeysa. Sheekh Siciid oo shalay khudbadii jimcaha ka jeedinayey masaajidka Cumar Cismaan ee magaalada Hargeysa ayaa   hadalkiisa ku bilaabay “Caruuro yaryar oo dhalinyaro ah ayaa dhibaato badan ku haya agagaarka masaajidkan, waad ogtihiinoo marka tafsiirka la dhiganayo sheekhu waxa uu wakiishay laba dhalinyaro ah oo ka tirsan qolada kitaabka dhiganaysa kuwaas oo fadhiisanaya labada albaab ee masaajidka waxaana baabuurta masaajidka timaadda laga ilaalinayaa dhalinyaro jajabsanaysa, taasna waa laga yimid oo kabihii ayaa laga xadayaa masaajidka taas oo ah mushkilad labaad oo timid.”

Sheekh Siciid ayaa sidoo kale sheegay in masaajidka Cumar Cismaan ee uu khadiibka ka yahay uu dhibaato kala kulmayo meherada lagu qabto waxaanu mar kale yidhi “Masaajidkan mehero badan ayaa ka dhaca, dadkaas meherka samaysanayaa dhaqaale la,aani ma hayso ee barakada masaajidka iyo ducada culimada ayey hadhsanayaan oo ay is leeyihiin meherkiina halkaas ku qabsada bal in ilaahay idiin barakeeyo guriga cusub ee aad yagleelaysaan, dhalinyaradiina waxay gaadhay heer ay mobile-ladii xadaan oo shalay ku yar ayaa lagu qabtay mobile uu xaday, waxa kale oo dhacday in yaradkii, gabaatigii iyo xoolihii la kala qaadanayey in la boobo, oday lixdan jir ah oo gadhkiisu xinaysan yahay ayaa lagala cararayaa boqolkii kun ee uu u soo kalahay, waana dhibaato aad u weyn, tafsiirkii ayaan laga dhigan karayn, salaadii ayaan laga tukan karayn, meherkiina masaajidkii lagu qaban kari maayo.”

Qaar ka mid ah masaajidada magaalada Hargeysa ayaa hore looga mamnuucay in lagu qabto meherada kala duwan, ka dib markii ay dhibaatooyin badan gaysteen dhalinyaradu.

A REPLY TAGO

Please enter your comment!
Please enter your name here