Hargeysa: Qoyska Reer Seeraar Oo Xukuumadda Ka Cawday

0
1

Hargeysa (Hubaal) Qoyska reer Seeraar ayaa cabasho ka muujiyay xukuumadda Somaliland oo ay sheegeen inay burburisay hanta ay lahaayeen isla markaana ay si gaar ah u bartilmaameedsadeen dhisme ay ku leeyihiin magaalada Hargeysa. “Sidii dawladda Somaliland ay u soo gashay shantii subaxnimo iyo badhkii (5:30AM) ee xaafadayada qayb ka mid ah, intay yimaadeen iyagoo wata konton askari iyo cagafcagafyo ay galiyeen xaafada dhinac ka mida, iyadoon wax la nala ogaysiiyay oo la yidhi waxbaa la samaynayaa ama la idinka doonayaa aanu jirin.” Ayuu yidhi guddoomiyaha dhismaha seeraar building, mr. Axmed Seeraar oo warbaahinta la hadlay

Axmed Seeraar waxa uu intaasi ku daray. “Marka hore Waxan jecelahay dadkii roobabkaasi ku waxyeeloobay inuu Alle beddel kheyr qaba siiyo, laakiin dawladdii lagu aaminay shicibka markay ka seexato inay shicibkeeda daryeesho oo ay ilaaliso, waxay sanad ka hor markii roobabka noocaasi oo kale ah ay da’een inay dawladdu ka tabaabusheesato oo ay hagaajiso meelaha dhibaatiyinka iyo dooxyada biyihu maryaan.”

Axmed Seeraar Waxa uu sheegay in meesha laga burburiyay ee ay dhisteen ay sharci u haysteen, waxaanu yidhi “markii lana siiyay sharciga aanu ku daboolnay meeshan, sababta ugu weyn ee loo daboolayna waxay ahayd oo ku qoran arjiga, sixo-xumo iyo wasakh iyo dukhsi iyo qudhun oo meesha lagu soo daadin jiray oo meeshu xashiish-qub bay ahayd, markii aanu fasaxa waydiisanay maayirkii hore ee Jiciir, wuxuu isugu yeedhay dadkii xaafada ku noolaa, weliba qolooyinkii aad noogu dhawaa, waanan hagaajinayaynay, oonu hagaajinay.” Ayuu yidhi Axmed Seeraar

A REPLY TAGO

Please enter your comment!
Please enter your name here