HUBAALMEDIA.COM
Hargeysa: Xoghayaha cusub ee Dawladda Hoose Oo Codsaday Inaan Xilka-qaadistiisa Loogu Degdegin Sida Kuwii Ka Horreeyey
May 1, 2017 - Written by Mustafe Faro

“Waxan Rajaynayaa inay halkaas ku joogsato oo ay soo afjaranto dagaalkii xoghayuhu……”  xoghaye Cali Xasan.

xoghayaha dawladda hoose cali xasan

Hargeysa:(Hubaal)-Xoghayaha cusub ee dhawaan loo magacaabay dawladda hoose ee Hargeysa, ayaa muujiyey sida uu u dhibsaday xilka-qaadisaha sanka isku haya ee inta badan lagu sameeyo ragga mansabkiisa qabta, waxana uu codsaday inaan lagu degdegin xilka qaadistiisa.

Xoghaye Cali oo shalay markii uu xilka la wareegayey hadal kooban jeediyey, ayaa sheegay inu isagu xilka ku raagi doono maadaama sida uu sheegay uu yahay masuul xagga dawladda dhexe oo xaq u leh magacaabistiisa kasoo dallacay, “Waan dareemayaa in beryahan dambe isbeddelka xoghayeyaashu aad u batay, waxanse jecelahay in tani maadaama oo ay ka timi wasaaradda arrimaha gudaha inay halkaas ku joogsato oo ay soo afjaranto dagaalkii xoghayuhu,” ayuu yidhi xoghaye Cali Xasan.

Cali Xasan Cawaale oo hadalkiisa sii wata, ayaa sheegay inay haboon tahay in qofka fursad uu ku shaqeeyo la siiyo si uu wax u qabto, waxana uu yidhi, “Way fiican tahay in qofka marka la magacaabo fursad la siiyo, waxana dhacaysa in qofkii xilkii laga qaado iyada oo aanu wax badani u suurtoobin.”

Ugu dambayntii waxa uu xoghayuhu caddeeyey inuu si hufan ula shaqayn doono shaqaalaha dawlada Hoose iyo weliba madaxda kale ee ay shaqo-wadaagta noqon doonaanba,“Waxan ballan qaadayaa inaanu shaqaalaha iyo guddida fulintaba inta aan meesha joogo in si caddaalad ah ula shaqayn doono oo aan dhawri doono xuquuqda shaqaalaha, iyagana waxan ka codsanayaa inay shaqada barbar galaan,” ayuu yidhi xoghaye Cali Xasan Cawaale.

Waxaad Hubaal media kala soo xidhiidhi kartaan E-mailaddan 
Hubaal100@hotmail.com 
Hubaal100@gmail.com
 Hubaal100@yahoo.com
COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- DJIBOUTI NEWS
- Farshaxan
- Farriinnews
- Gabileymedia
- Gabiley24
- GabIleytoday
- Gabileynews
- GABILEYNEWS
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- MURTIMAAL.COM
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- Qodaalnews
- Qtlhost Website
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SAAXILTODAY
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- saylanews/a>
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews