“Hartinimadu Ma Wax La Isku Dhacaa, Waar Joojiya Dhul Boobka Aad Waddaan Haddii Kale Waxaydin Arki Doontaan Garoowe Oo Bisaduhu Ku Dhex Meeraan”

0
1

Somaliland Oo Ka Digtay Cawaaqib-Xumo Ka Dhalan Karta Kaantaroolka Garoowe Ee La Keenay Xuduudka Gobolka Sool Iyo Dhul Ballaadhsi Puntland Ka Waddo Deegaannada Bixin Iyo Qol

Laascaanood (Hubaal) – Maamul-gobolleedka Soomaaliya ee Puntland ayaa Kaantaroolka Laga galo Magaalada Garoowe u soo rarray Xuduudka Gobolka Sool, arrintaasina waxa ka cadhooday Ciidammada Millateriga ee Somaliland.

Saraakiil ka mid ah Ciidammada Qaranka oo shalay Warbaahinta kula hadlay Magaalada Laascaanood ayaa ka digay Cawaaqib-xumo ka dhalan karta Kaantaroolka Garoowe ee la keenay Xuduudka Gobolka Sool iyo weliba dhul ballaadhsi ay Saraakiishu sheegeen in Puntland ka waddo deegaannada Bixin iyo Qol oo dhammaantood ka mid ah Gobolka Sool ee Somaliland.

Mid ka mid ah Saraakiisha la hadlay Saxaafadda ayaa isagoo arrimahaa ka hadlaya yidhi “Hartinimadu ma wax la isku dhacaa, waar joojiya dhul boobka aad ka waddaan Bixin iyo Qol. 3 Cisho gudahood waa in halkaa lagaga waantoobaa, nabadgalyadiina iyo naftiina ilaashada oo noo daaya Annaga.”

Sarkaalkan oo hadalkiisa sii wata ayaa ku hanjabay “Haddaydaan joojin, tallaabada aanu ka qaadno waxaad arki doontaan Garoowe oo Bisaduhu ku dhex meeraan…” ayuu yidhi.

Puntland ayaa sheegata Mulkiyadda Dhuleed ee Gobollada Sool, Sanaag iyo Buuhoodle oo Somaliland Maamusha.

SHARE
Article horeBURCO: Wasaaradda Diinta Oo Huteellada Miyuusiga Laga Garaaco U Digtay
Mustafe Mohammed Abdullahi better known as Mustafe Faro is a senior Somali journalist, writer and cameraman. Mustafe is the head of programmes of Hubaal newspaper - a daily Somali magazine issued from Hargeisa, Somaliland. He is the assistant editor of the Independent Newspaper in Hargeisa, also the assistant editor of Somali Commentator. You can contact him through his E-mail: loodh2013@gmail.com or +252 63 4097497

A REPLY TAGO

Please enter your comment!
Please enter your name here