Haweenay Rakaab Diyaaradeed Ugu Hanjabtay Inay Dhammaantood Dilayso

0
120

Ammaanka diyaaradaha Rakaabka ee Adduunka ayaa muddooyinkan dambe si aad ah loo ilaaliyaa, dhacdo aad u layaab badan isla Markaana Argagax galisay Rakaab Diyaaradeed oo u kala gooshayey Magaalooyinka Gobolka California ayaa waxa lagu baahiyay Wargeyska Daily Mail. Dhacdadani ayaa waxay aheyd in haweenay Rakaab ahi ay mid ka mid ah shaqaalihii Diyaarada ugu hanjabtay inay Rakaabka saaran diyaaradaasi dhammaantood ay qudha ka jari doonto, kadib markii Suulliga Diyaarada haweeneydaasi la gashay Sigaar oo ay ku dhex cabtay. Sigaarka ayaa ka mid ah waxyaabaha ka reeban in lagu cabo Diyaaradaha waxaanay Cabista Sigaarku Halis galin kartaa Ammaanka diyaarada, sidaasi awgeed waxa loo sameeyay Diyaaradaha Bottom digniin ah oo ciyaya marka qof sigaar ku dhex cabo. Haweenaydan xattaa waxay isku dayday inay bottom-kaasi cadisho si aanu ugu qaylin isla markaana aan loo ogaan inay sigaar ku dhex cabayso Diyaarada, balse arrintaasi way u suurta gali weyday waxaana dareemay mid ka mid ah shaqaalihii Diyaaraada. Intaasi kadib, Haweenaydan ayaa markii diyaaradaasi caga dhigatay Magaalada Sacramanto waxa gacanta laga galiyay ciidammada sida ay sheegeen madaxda shirkada diyaaradaasi laheyd ee Southo West.

A REPLY TAGO

Please enter your comment!
Please enter your name here