HUBAALMEDIA.COM
“Hoggaaminta Hayaanka Dimuqraadiyadda Somaliland
August 28, 2016 - Written by Mustafe Faro

Qormadii 1aad ee Sooyaalka Siyaasadeed Ee Agaasimaha Guud Ee Wasaarada Madaxtooyada. W/Q: Sacad X. Maxamuud Gadhle23-500x333

Hayaanka dimuquraadiyadu waa nidaam hab Doorasho oo ay ku dhaqmaan  Wadamo badan oo Dunida guudkeeda ku yaala waana nidaam hab doorasho oo ay Bulshda qaybaheeda kala duwani Xuquuqdooda ka heli karaan waxaanu Dalka S/land ka hirgaliyay nidaamkan hab doorasho ee Dimuquraadiyada Sannadkii  2001 iyadoo Bulshada S/land u codaysay Distoorka Qaranka Jamhuriyada S/land 31/5/2001 iyadoo doorashadii u  horaysay ee Golayaasha Deegaanku Dalka ka dhacday Maalin ku Taariikhaysan 15/12/2002. Iyadoo qormadan diirada ku saari doono Sooyaalka Siyaasadeed  ee Gabadhii Koowaad ee ka mid noqota Golayaasha Deegaanka Dalka  gaar ahaan 21 Xildhibaan ee loo doortay  Golaha Deegaanka Dagmada Gabiley waa Marwo Khadra X Ismaaciil Yoonis { Khadra X Gaydh }oo maanta  haysa Xillka Agaasimaha Guud ee Wasaarada Madaxtooyada. Marwo Khadra X Ismaaciil Yoonis { Khadra X Gaydh } Aabaheed waxuu ka mid ahaa Maalqabeenadii u horeeyay ee  Bulshada Soomaaliyeed Magaciisu wada gaadho sidoo kale Alle ha u naxariistee waxuu ahaa  X Ismaaciil Yoonis { Xaaji Gaydh} Oday Samo Talisa oo hadal yaqaana isagoo Xaajigu ka mid ahaa Odayadii  Xoriyad doonka ahaa sidoo kale Xaaji Ismaaciil Yoonis { Xaaji Gaydh } waxuu ka mid noqday Gudi Sheekh iyo Shariifba lahayd oo Magaalada Muqdisho  u tagtay in Darajada Dagmonimada Gabiley gaadho” iyadoo Taariikhdu xusayso in Odayadii dib ugu soo laabteen Deegaanada Gabiley ka dib markii ay mudo Bilo ah joogeen Magaalada Muqdisho  halka ALLE ha u naxariistee {Xaaji Gaydh } uu kaga hadhay Magaalada Muqdisho ilaa uu ku soo guulaystay 1963 in Magaalada Gabiley Darajada Dagmonimo qaadato sidoo kale Alle ha u naxariistee  Xaaji Gaydh waxaa  lagu xasuustaa Kaftano Murti Xambaarsan oo taariikhda ku xusan .

Sida ku cad Sooyaalka Siyaasadeed ee Marwo Khadra X Gaydh waxay kaga qornayd Liiskii Murashaxiinta Ururkii Kulmiye  ee Madaxwayne Siiraanyo Aasaasay  NO 2  Liiskaas oo loo gudbiyay Kumishanka Doorashooyinka Nassib wanaagna Marwo Khadra X Gaydh waxay  noqotay Marwada kaliya ee loo  doortay  Xilldhibaanada Golayaasha Deegaanka Dalka halka Ururkii Kulmiye uu kaalinta Labaad u galay Sadex Urur oo u soo gudbay Darajada Xisbinimo .

Sidoo kale Marwo Khadra X Gaydh waxay  libin laabtay in Xisbigii Kulmiye la barbar joogsato dadaalo xoogan oo ay ku xaqiijinaynayso sidii Xisbiga Kulmiye ugu guulaysan lahaa Hogaaminta Dalka waxaanay qayb wayn ka qaadatay kaanbaynadii uu Xisbiga Kulmiye u soo galay siduu u xaqiijin lahaa Hogaaminta Golaha Wakiilada waxaana hubaala in Doorashadii Golaha Wakiilada ee Dalka ka dhacday 29/9/2005 in ay si hagar la”aana ugu ololaysay Murashax C/casiis Samaale nasiib wanaagna uu ku guulaystay in uu ka mid noqdo Shir Gudoonkii Golaha Wakiilada Maalin ku taariikhaysan 29/10/2005.

Sidoo kale Agaasimaha Guud ee Wasaarada Madaxtooyada Marwo Khadra X Gaydh waxay u tartantay Hogaaminta Golaha Deegaanka Dagmada Gabiley iyadoo Maalin ku Taariikhaysan 13/3/2006 loo doortay Gudoomiye ku Xigeenka Dagmada Gabiley waxaana xusid mudan guul daradii ku dhacday  Xildhibaan Muxumad Ciise Cige {Tiyota } oo kula tartamay Gudoomiye ku Xigeenka Golaha Deegaanka Dagmada Gabiley  halka  Gudoomiye loo doortay Xuseen Muxumad Axmad   { Jameeco}.

Sida ku cad Sooyaalka Siyaasadeed ee Agaasimaha Guud Wasaarada Madaxtooyada  Marwo Khadra X Gaydh 11/5/2011 Wasiirkii Wasaarada Arimaha Gudaha ee waqtigaa DR Gaboose ayaa ku sime Maayar uga dhigay  Dagmada Gabiley ka dib markii Hanti Dhawrku  baadhis Xisaabeed ku sameeyay Maayarkii Waqtigaa Aadan Muxumad Bade kuna eedeeyeen in uu ku kacay Musuqmaasuq inkasta oo Eedayntaa Maxkamad la hor keenin .

Hogaamintu waa Galad Eebe waxaa  xusid mudan in Agaasimaha Guud ee Wasaarada Madaxtooyada Marwo Khadra X Gaydh in ay  mudo 1o Bilooda oo u dhexeeya  11/5/2011 ilaa 13/3/2012 oo Maayarka  Dagmada Gabiley  ahayd ay ku Talaabsatay Waxqabad Muuqda oo Diiwaanada ku qoran  iyadoo ka xusi karno Waxqabadkii Muga lahaa ee ay ka muujisay Kartida Haweenka  qodobada soo socda  :

1:  Marwo Khadra X Gaydh waxay noqotay Maayarkii Koowaad ee dib u dhis iyo Balaadhin ku sameeya Xarunta Dawlada Hoose  ee Dagmada Gabiley waxaanay  dhistay Hoolka Shirarka Dawlada Hoose oo meesha ka saaray Kiradii ay Dawlada ka kiraysan jirtay Hotelada Magaalada.

2: Sidoo kale Marwo Khadra X Gaydh waxay Wadooyin Shana ka dhistay Gudaha Magaalada Gabiley oo Diiwaanka Waxqabadkeeda ku xusan .

3: Sidoo kale Khadra X Gaydh waxay Kaalmo Lacageed ku dartay Mashaariic ka socotay Dagmooyinkii ka go”ay Dagmada Gabiley waxaanay  noqotay Maayarkii Koowaad ee Bulshada Dagmooyinka WAjaale iyo Alaybaday Kalsoonida Golaha Deegaanka soo celisa.

4: Mar kale Khadra X Gaydh waxay samaysay Wado Laamay 500 Mitira ah oo dhex marta Magaalada Kalabaydh gaar ahaan Wado Dhib badan ku haysay Gawaadhida jaadka keena .

5: Sidoo kale Marwo Khadra X Gaydh waxay iibisay Dhulka uu ka dhisan yahay Guriga Martida waxaana xusid mudan goobta  ay u doortay oo ah  goob ka duwan Dhulka kale oo Dhagxan waawayn oo Dabiiciya  oo is dul  saran  ALLE dhigay waxaana lagu Magacaabaa{ Dhagaxa Carabka}

6: Sidoo kale Marwo Khadra waxay markiiba bilawday Dhismaha Guriga Martida hadii Laba Bilood Xillka hayn lahaydna oo Sannadku u buuxsami lahaydna waxaa hubaala in ay dhamays tiri lahayd dhismihiisa .

Marka Taariikhdu sidaa ka marag kacayso miyaan dafiri karnaa Hogaaminta Dumarku ku hanan karaan Xillka qaranka u hayaan ? Miyaan Xaqiri karnaa Kartida Dumarku ku Hugaamin karaan  Masuuliyada  Qaranka?

Ugu danbayn Madaxwayne Axmad Siiraanyo waxuu u magacaabay Marwo Khadra X Gaydh Agaasimaha Guud ee Wasaarada Madaxtooyada 1/3/2016  waxaana hubaala in Dumarku hanan karaan Xillalka iyo Masuuliyada Qaranka oo aan looga baqanayn anigoo Bulshada ku guubaabinaya in Hablaha Waqti Dheeraada la siiyo si kor loogu  qaado Aqoonta Haweenka iyadoo aynu arkaynu Hanka Dumarka Caalamka oo  Madaxwaynaha gaadhsiisan .

Qalinkii Abwaan Sacad X Maxamuud Gadhle

Waxaad Hubaal media kala soo xidhiidhi kartaan E-mailaddan 
Hubaal100@hotmail.com 
Hubaal100@gmail.com
 Hubaal100@yahoo.com
COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- DJIBOUTI NEWS
- Farshaxan
- Farriinnews
- Gabileymedia
- Gabiley24
- GabIleytoday
- Gabileynews
- GABILEYNEWS
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- MURTIMAAL.COM
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- Qodaalnews
- Qtlhost Website
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SAAXILTODAY
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- saylanews/a>
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews