Hoggaamiyaha Mucaaridka Kenya Oo Summad U Noqday Cudud Xoogan Oo Taageeraya Madax-bannaanida Somaliland

0
1

Warbaahinta Ugu Afka Dheer Kenya Oo Raila Odinga Ku Sifaysay Iftiin U Soo Baxay Gooni-isutaaga JSL

Nairobi(Solna)- Wargeyska Daily Nation ee ka soo baxa  Magaalada Nairobi ayaa shalay  baahiyey in  Raila Odinga oo ah Hoggaamiyaha xisbiga mucaaridka ah ee ODM  ee Kenya, uu  yahay cod xoog leh oo badhi-taari kara madax-bannaanida Somaliland. Warbixintaas oo Wakaallada Wararka Somaliland (SOLNA) soo xigatay,  ayaa  Wargeyska Daily Nation xaqiijiyey  in Ra’iisul-wasaarihii hore ee Kenya Raila Odinga oo   lagu waday inuu ka soo qaybgalo shir maalgashi oo Somaliland dhowaan  ku qabatay Nairobi, hase ahatee uu dhoofay 11kii habeenimo. Wargeysku wuxuu sheegay in Mr. Odinga oo  xiligan   ah Wakiil sare oo Midowga Afrika  u qaabilsan kaabashayaasha dhaqaalaha iyo horumarinta, loo malaynayo inuu kulan gaar ah la yeeshay wefti ka socday dawladda Somaliland ka hor intii aan la qaban shirkii maalgashiga, waxaana la caddeeyey in Raila Odinga uu u han weyn yahay Somaliland.

Waxa kaloo,   Joornaalka  Daily Nation  weriyey in Bishii October ee la soo dhaafay  oo  xilka   midowga Afrika  loo magacaabay  Raila Odinga ay  xukuumadda Somaliland soo dhaweysay magacaabistiisii, waxaana khubarro u dhashay Somaliland ay madaxweyne Muuse Biixi u soo jeediyeen inay qaddiyadda aqoonsi raadinta la kaashadaan xulafadooda Midowga Afrika.

Warku wuxuu intaas ku daray in Raila Odinga uu si joogto ah u hoggaamiyey  dhaqdhaqaaqyo Kenya loogu boorinayey inay  u aqoonsato Somaliland dal madax-bannaan. Warbixintu waxa kaloo ay intaas raacisay in Wasiirka Ganacsiga Kenya Peter Munya, uu isaguna taageeray aqoonsi raadinta  Somaliland xilligii uu ahaa  Badhasaabka Gobolka Meru. Mr. Odinga wuxuu ka mid ahaa siyaasiyiin sarsare ee qaarada Afrika ka soo jeeda oo  xukuumadaha dalalkooda  u soo jeediyey  inay aqoonsadaan Somaliland oo uu ku dooday  inay waxtari doonto xasiloonida gobolka Geeska Afrika.

SHARE
Article horeXogaha Shirqoolkii ay Somaliya 1989kii Muj: Idiris Cusmaan ku Khaarajinaysay Sidii J. Khoshogi
Mustafe Mohammed Abdullahi better known as Mustafe Faro is a senior Somali journalist, writer and cameraman. Mustafe is the head of programmes of Hubaal newspaper - a daily Somali magazine issued from Hargeisa, Somaliland. He is the assistant editor of the Independent Newspaper in Hargeisa, also the assistant editor of Somali Commentator. You can contact him through his E-mail: loodh2013@gmail.com or +252 63 4097497

A REPLY TAGO

Please enter your comment!
Please enter your name here