Horta Ma Nala Wada Aragteen In Axmed Siilaanyo Aanu Ku Dhicin Inuu Doorasho Qabto!-Muj.Cali Xaraaro

0
33

Horta waa ilaahay mahadii, haddii maanta nalala arkay Axmed siilaanyo ku dhici karin inuu doorasho qabto waxa mar walba ka maqli jirteen isagoo leh aniga maalin la iigu dari maayo aniga iyo rag badan oo kaleba waxaa uu leeyahay waxba kama jiraan horta taayadii ayey noqotay.

Mujaahid-Cali-Xaraaromarkaa hanaloo qiro inaanu ninkaas naqaano madax weynihii ka horeeyey mudane Daahir Rayaale Kaahin weligii wuxuu yidhi; kamuu noqon laba jeer ayuu kursigiisii badka dhigey, marna wuu heley marna waa laga heley, Axmed siilaanyo kuma dhici karo inuu kursiga badka dhigo.

markaa waxaan odhan lahaa talo kale halooga wareego weliba sidii la yeeley oo kale haloo eryo waa wuxuu ber yahanba wedey shaqadiisii ahayd kala qaybi oo isku dir si aan loo haleelin shirkii Baligubedle waxay ahayd bil Ramadaan shan boqol oo odey oo soomanaa ayaa ku yidhi; xilka iska wareeji oo weliba tartanka doorashada kama soo qayb geli gartid, waxay u raaciyeen hadaad sidaa yeeli weydo intaanu ku xidh xidhno ayaanu Siyaad Barre kuu geyn anaga iyo dad kayagana nasaamax ayaanu ku odhan waayo adiga ayaa ka xun Siyaad Barre.

ninka aan weli arag dadka qaxootiga ah ee bacadka wadhan darxumo iyo daranyo u dhamaatay dul cad iyo ilaa daroor hadba dhinac u socda dhiri dhaba marka aad joogto ayaad uugu dhawdahay mana jirto waxaad uugu maqantahay oo la taaban karaa markii intaas oo dhaliila loo daran dooriyey Axmed siilaanyo ayuu ku jawaabey caawa cishaa iga dabadii ayaan jawaabta idin siinayaa, ka dibna odayaashi way ka diideen iyagoo ka baqanaya inuu ka baxsado ayey ku celiyeen kuna yidhaahdeen madaama imika lawada joogo waxa qudha ee meesha loo fadhiyaana ay tahay inaad xilka iska casisho si hawlihii kale loo guda galo, sidaa awgeed naga aqbal ergeda oo shirka ka sheeg inaad ka tanaasushey xilkii gudoomiye nimada ururka SNM dabeeto sidii ayaa lagu kaxeeyey hareeraha laga galay oo halkii shirka loogu talay lagu geeyey, halkiina wuxuu ka sheegey inuu xilkii uu hayey iska casiley mar qudha ayaa la isla kacay oo qaylo iyo farxad la oogsaday in yar ka dibna hawlihii ayaaba la bilaabay.

hadaba waxaan leeyahay Axmed siilasnyo waa ninkaa umada cadawga ku ahaa weligiiba waxse ka sii xun kuwa sidaa u garanaya ee hadana dib uugu soo celiyey umada iyagoo danahooda gaarka ah ka eegey oo qudha imika iyo haatana waxa ina hor taala sidii umada looga kaxayn la haa xataa hadii lagu rogmanayo ninkiise talo kale halala eego.

W/Q: Mujaahid Cali Xaraaro

A REPLY TAGO

Please enter your comment!
Please enter your name here