HUBAAL Ka AKHRI: Guddoomiyaha Xidigaha Geesku Muxuu Ka Yidhi Su’aalaha La Iska Weydiiyo Fanka Kooxdiisa?

0
29

Hargeysa, (Hubaal) – Dad badan ayaa laga yabaa in ay u arkaan fanaanka iyo fanaaniinta kuwo u dabran oo ku eeg uun heesaha Jacaylka u badan ee dhalinyaradu ku madadaalato. Sidoo kale, waxaa jira su’aalo badan oo dadka qaar iska weydiiyaan kooxda fanka ee Xidigaha Geeska oo baryahan danbe ka muuqatay saaxada murtida iyo maadda.

Haddaba, Mustafe Sh. Cumar Geedi oo Ah Tifaftiraha Wargeyska SAXAFI  ayaa isaga oo arrimahaas ka duulay guddoomiyaha Kooxda Xidigaha Geeska oo ka dhisan Hargeysa, waydiiyay qaar ka mid ah su’aalaha aadka la isku weydiiyo oo ay ka mid tahay in wax door ah ay wacyi-gelinta bulshadda ka geystaan ka sokow madadaalada. “Haa, waxaanu ka heesnay oo dadka uga dignay Tahriibka… waxaanu ka hadlay qiimaha Wadaniyadda, Fayadhowrka iyo caafimaadka, Ciyaaraha, Saxafaafadda, Cashuuraha iyo dawladnimadda, Kaalinta haweenku ku leeyihiin bulshadda, Wadooyinka iyo arrimo badan oo ku aadan horumarinta habka fekerka Bulshadda oo aanu jecelahay inaanu ka qaybqaadano horumarinteedda.” Sidaas ayuu yidhi Xassan Dhuxul (Laab-Saalax) guddoomiyaha kooxdaasi.

Waxaa heesaha amuurahaas ku waajahan qaarkood loo arki karaa kuwo mashruuc ah oo aad dhaqaale ku kasbateen tusaale ahaan heesaha Waddooyinka oo kale miyaanay sidaas ahayn ayaanu haddana su’aalnay. Waxaana uu kaga hal-celiyay oo uu yidhi Laab-Saalax;“Waa laga yaabaa in dadka qaar sidaas u arki karaan iyo in aanu u qaadnay heesahaas maalin ku dherga. Laakiin, marka koowaad, soo saarista iyo sameynta heesahaas sidan tan dhismaha Wadooyinka oo kale, (Dalkiina u hurra waxaad haysaan) maaha kuwa aanu mashruuc ku qaadanay iyo xataa kuwo ka yimi fikir ahaan dhinaca dawladda. Balse, waxaa Fekerka in aanu sameyno heestaas lahaa fanaanka Maxamed BK. Waxaana fududeeyay xeer hoosaadkayaga oo dhigaya in aanu wixii dan guud ah ka qayb-qaadano. Waana abuur dhiirigelin siinaysa dadka jecel heesaha waddniga ah ee wacyigelinta u badan.”

Dadka qaar waxa ay u arkaan inay fanaaniintu dadka u horseedo uun fusuq iyo is dhexgal aan Diinteena ku samcanayn ee ay reebtay, taas maxaad kaga jawaabaysaa ayaanu weydiinay Guddoomiyaha Kooxda Xidigaha Geeska. Waxaana uu yidhi. “Waxaa laga yabaa in ay dadka qaar fekerka caynkaas ah qabaan. Wayna dhici kartaa inay jirto…balse maaha waxaanu iqtiraacnay iyo dhaqan aanu bulshadda ku soo kordhinay. Waxaanu sii anbaqaadnay uun masraxiyad iyo dhaqankii Soomaalida oo ciyaaraha dhiirigelinayay.”

Kooxda-xidigaha-geeskaHad iyo Jeer waxaa dadka waayeelka ahi u arkaan dhalinyaradda waqtigan inay suugaantii meel kaga dheceen oo Labteentii ka qaadeen arrintaas maxaad kaga jawaabaysaa ayaan weydiinay, waxaana uu yidhi Gudoomiyaha Xidigaha Geesku. “Haddii ay dhaliishaasi jirto, anagu ma nihin kuwa Suugaanta Labeenta ka qaaday, balse waqtiga ayaa ka qaaday xigmada. Taas waxaa barbar socota dhaqankii miyiga oo looga soo digo rogtay. Magaaladuna waxaa ay keentay in wax badan oo ka mid ahaa Hoddantinimaddii Afka Soomaaliga laga soo tago. markaas, afkii hooyo ee Jaamudka ahaa haddaad ku heesto dhalinyaradda maantu maba fahmi karayso, si markaa aad isu af-garataan dadka aad u heesayso waxaad u baahantahay inaad afkoodda kula hadasho. Weliba waxaanu barbar wadnaa intaas inaanu wax badan ilaalino Nuxurka Afka oo aanaan dadka yaryar dartood uga wadda tagin murtida, waxaananu isku daynaa weliba inay wax badan oo wanaagsan ka bartaan.”

Dhawaan Xamar ayaad ka soo laabtay oo waa lagu xidhay, kamana aad hadal.arrintaas faahfaahin naga sii.? “Xamar waan tagi karraa oo magaalooyinka dunida ayay ka mid tahay, Waana la’I xidhi karaa oo muwaadiniinta caadiga ah ayaan ka mid ahay…Sababta aan uga hadli waayayna waa iyaddoo aan u arkay in arrinkii fankayaga la siyaasadeeyay.”

Xasan Dhuxul

A REPLY TAGO

Please enter your comment!
Please enter your name here