HUBAALMEDIA.COM
HUBAAL Ka Akhri: Waraysi Khaas Ah Oo  Galabta Uu Wasiir Faratoon Kaga Hadlay Dablay Niskii Dembe Ee Xalay Laascaannood Ka Xaday Kambuyuutarkii Diiwaangelinta Codbixiyeyaasha 
September 12, 2016 - Written by Editor-in-chief Hassan-Keefkeef

Wasiirka Arrimaha Gudaha Somaliland waxaa  Kale Oo Uu Ka Hadlay Tallaabo  ay Xukuumaddu Ka Qaadanayso Wada Hadalka Khaatumo

HUBAAL Ka Akhri: Waraysi Khaas Ah Oo  Galabta Uu Wasiir Faratoon Kaga Hadlay Dablay Niskii Dembe Ee Xalay Laascaannood Ka Xaday Kambuyuutarkii Diiwaangelinta Codbixiyeyaasha 

“Xilli Waa Soo Dhawaadkii Ah Oo La Seexday Ayay Koox Hubaysan Oo Gaadhi Wataa Ay Weerareen Goob Diiwaan Galintu Ka Socoyay Oo La Hurdo Askari iyo Kombiyuutar Ayaanay Qaateen.”

“Falkaa Argagixiso Haddii Uu Ku Caddaado In Ay Geysteen  Khaatumo Somalilandna Waxay Ka Fiirsanaysaa Wada Hadalka Ay La Bilawday Kooxdaas’ Wax Dhaato Ahna Lama Qaadan.” Wasiirka Arrimaha Gudaha Somaliland

Laascaanood (Hubaal):- Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha Somaliland Yaasiin Maxamuud Xiir(Faratoon), ayaa ka hadlay koox dablay hubaysan ah oo xalay niskii dambe weerar ku waaday guri  ku yaalla magaalada Laascaanood  oo ka mid ah goobaha ay  ka socotay diiwaangalinta Codbixiyeyaasha maalmaha dheeraadka ah ee magaalada Laascaanood kooxdaas hubaysan oo qafaashay askari ka tirsan ciidanka Booliska isla markaana qaatay Kombiyuutar ka mid ah qalabka diiwaan galinta Codbixiyeyaasha oo aanay markaa wax dhaato ahi ku jirin.

Waxaanu sheegay in kooxdaas oo hubaysani ay  Xalay markii la seexday niskii dambe in ay weerareen goobtaa  ka midka ahayd gooaha diiwaan galinta codbixiyeyaashu ay ka socotay isla markaana ay askartii iyo guriga ay qabsadeen ka dibna ay xidh xidheen dadkii ciidankii joogay halkaana ay ka qaateen Kombiyuutar aanay wax dhaato dhaato ahi ku jirin oo laga shubay .

Waxaa kale oo uu ka hadlay Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha Somaliland kooxda falkaa geysatay ee  askariga qafaalatay qaadatayna Kombiyuutarka   lagaga hawl galayay diiwaan galinta codbixiyeyaasha Laascaanood  in ay u tuhun san yihiin kooxda Khaatumo in ay geysatay taasoo uu sheegay haddii ay ku caddaato kooxda Khaatumo in ay Somaliland,na ka fiirsanayso  wada hadalka ay  la bilawday Kooxda Khaatumo.

Waxaa kale oo uu intaa raaciyay in booliska magaalada Laascaanood ay xalay si wanaagsan u shaqaynayeen iyadoo xalay lagu jiray diyaar garawga Munaasibadda Ciidal ADXA oo saaka Caalamka Islaamka oo dhan laga ciiday.

faratoonWasiir Faratoon oo Waraysi Siiyey degelka Xogsoormedia.com  isaga oo ku sugan  magaalada Laascaanood waxaa uu ugu horreyn ka hadlay goobta diiwaan galinta ee xalay  la wareeray iyo noocyada qalabka la qaatay iyo cidda ay u tuhmayaan in ay falkaa geysteen,ayaa ku jawaabay. “Xalay niskii dambe ayay koox dablay  hubaysan ah oo gaadhi wata ayaa weerar ku qaaday goob ka mid ah goobaha diiwaan galinta codbixiyeyaashu ay ka socotay ee Laascaanood xilligaas oo ahaa goor dambe oo dadku wada seexday ka dib markii xalay oo dhan lagu guda jiray u diyaar garawga munaasibadda Ciidal Adxaha oo saaka la tukaday, kooxdaasi markii ay goobta weerareen waxay ku qabsadeen Askartii waardiyaha ahayd  oo ay xidh xidheen waxaanay qaateen hal kombiyuutar oo goobta yaallay oo aanay wax    dhaato ahi ku jirin sida ay  noo xaqiijiyeen Gudiga Doorashooyinka oo noo sheegay in Kombiyuutarada marka shaqada lagu dhameeyo ee goobta  la xidhayo in wixii dhaato ah ee is diiwaan galiyay laga shubo. Waxaa kale oo ay qafaasheen mid ka mid ah Askartii booliska ahayd ee goobta  joogay, isla waabarigii xalayba  ciidanku way ka hawl galeen    iyagoo ciidankau xalay  oo habeen ciid loo diyaar garoobayo ahayd ay si wayn u shaqaynayeen oo ay nabad galyada magaalada si wanaagsan u sugeen intii dadweynuhu suuqa ku jiray ee ay wax iibsanayeen oo illaa 2,dii . habeenimo ahayd. Laakiin markii dambe ee dadku kala seexday ayuu falkan argagixiso dhacay waxaanan  hadda ku jirraa ka dawlad ahaan hawl galkii lagu soo furan lahaa askariga la qafaashay iyo Kombiyuutarka aanay waxba ku jirin ee ay qaateen halka ay tageenna warkooda waanu haynaa.”

Wasiirka  oo aanu waydiinay in ay jirto cid ay u tuhun san yihiin falkaasi,ayaa ku jawaabay. “ Falkaa waxa gaystay  kooxda Khaatumo oo iyadu imika bur burtay oo dhawr fariiqo oo is haya noqotay  waanan ka war qabnaa halka ay la tageen   iyo askariga ay qafaasheen xaaladiisaba.”

Wasiirka Arrimaha Gudaha oo ka jwaabayay su’aal aanu ka waydiinay falkaa haddii ay geysatay kooxda Khaatumo siduu u saamayn karo wada hadalkii ay Xukuumaddu la furtay iyo siday wada hadaladaasi u sii socon karaan ayaa  yidhi. “Horta koox kaliya maanta maaha oo iyaga ayaa is aya oo way bur bureen oo fariiqooyin ayay kala noqdeen  laakiin haddii uu falkaa argagixiso  uu ku caddaado in ay kooxda Khaatumo geysatay Somaliland,na waxay ka fiirsanaysa wada hadalka ay kula jirto  waana  la iska arkayaa oo talo qaran ayaa laga yeelanayaa oo dawladda ayaa go,aan ka gaadhaysa sababtoo ah wada hadal nooma socon karo lamina wadi karno cid aan xeerinayn wada hadalka oo falalka noocaas ah geysanaysa oo aan wax xidhaaba jirin.” Ayuu  yidhi Wasiirka Arrimaha Gudaha Somaliland Yaasiin Maxamuud Xiir Fartoon oo khadka tilifoonka ugu warramayay Degelka wararka ee Xogsoormedia.com isagoo ku sugan magaalada Laascaanood.

Waxaad Hubaal media kala soo xidhiidhi kartaan E-mailaddan 
Hubaal100@hotmail.com 
Hubaal100@gmail.com
 Hubaal100@yahoo.com
COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- DJIBOUTI NEWS
- Farshaxan
- Farriinnews
- Gabileymedia
- Gabiley24
- GabIleytoday
- Gabileynews
- GABILEYNEWS
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- MURTIMAAL.COM
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- Qodaalnews
- Qtlhost Website
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SAAXILTODAY
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- saylanews/a>
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews