HUBAAL KA AKHRI+DAAWO VIDEO Jaamac-Shabeel Oo Xaraaradda Cirka Isku Shareertay Ee Xisbigooda Kala Jebisay Ka Hadlay

0
50

“Dhadhamo-raacu way fara badan yihiin, Kuwa Marka Horena Aamusan Marka Dembena Dhaameelka Guranaya… macaan jecel ayuun baa abuuraya dhibaatada, Madaxweynuhuna waa bani aadam, laakiin…”

Jaamac-SHabeelHargeysa (Hubaal)- Guddoomiyaha Golaha Dhexe ee Xisbiga Muranku ka dhex oogan yahay ee KULMIYE Garyaqaan Jaamac Ismaaciil Cige (Jaamac-Shabeel) ayaa ka hadlay xaalada xisbigu ku jiro iyo xubnaha ka falliidhmay garabkooda ee u ugoostay dhinaca Xukuumadda.
Jaamac Shabeel oo la hadlay warbaahinta maanta waxa uu yidhi “Dhadhamo-raacu way fara badan yihiin, Soomaaliduna waxa hore u tidhi nin soori kaa qaaday waa nin seefi kaa qaaday”. Sidaa ayuu yidhi Jaamac-shabeel, waxaanu intaa ku daray ‘ way wanaagsan yihiinba kuwaasi, marka horena aamusan ee la moodayo dad damiir leh, marka dembana dhaameelka guranaya, inay soo baxaanna way wanaagsan tahay si ay ummaddu u aragto”.

Guddoomiyaha golaha dhexe ee waqtigiisu dhammaaday ee KULMIYE Jaamac Ismaaciil Cige (Shabeel) waxa uu carrabka ku dhuftay in ay magacaabayaan xog-haye cusub, isagoo daba socda Xoghayihii guud ee xisbigooda oo u goostay dhinaca xukuumadda, “ waa la magacaabay [xoghayaha] beddelkiisana mid kale ayaa la magacaabayaa wax dhib ahi kuma jirto. Xisbigana xaaladdiisu way wanaagsan tahay oo dhibaato kale ma jirto’e macaan jecel madaxweynaha ku hareeraysan oo been 24ka saacadba ku akhriyaya ayuun baa abuuraya dhibaatada, marka hadal lagaala hadhi waayana bani aadam baad tahoo wax baa kaaga duxaya oo marka ay beenaalayaashu isu kaa bedelaan wax baad ka qaadanaysaa. Madaxweynuhuna waa bani aadam, laakiin waxaan anigu ogahay intaas oo jeer oo ay been u sheegeen oo hortiisa aanu ka cadaynay inay been ahayd waxa loo sheegay

A REPLY TAGO

Please enter your comment!
Please enter your name here