Hubaal Ka Akhriso: Warsaxaafadeed Ku Suntan Baaqii Guddida Golaha Guurtida Ee Dhexdhexaadinta Kulmiye Oo Goordhaweyd Ay Soo Saareen Garabka Guddoomiyaha Xisbiga Kulmiye

0
20

REF: XK/XGX/004121/2014                                                                           Date: 30/05/2014 

 

Warsaxaafadeedkan oo ka soo baxay garabka uu hogaaminayo guddoomiyaha xisbiga Kulmiye iyo ku xigeenkiisa Maxamed Kaahin ayaa u dhignaa sidan:

kulmiye11

Uj : jawaaab celin baaqii guddida golaha guurtida ee dhexdhexaadinta khilaafka xisbiga kulmiye

 

Anagoo ka jawaabayna baaqii gudida dhexdhexaadinta ee golaha guurtida waxaanu halkan ku cadaynaynaa inaanu aqbalnay baaqaa  isla markaana aanu hakinay shirkii golaha dhexe ee qabsoomayey 31/5/2014 maalinta sabtida .

 

Waxaanu ka xunahay dhacdadii iyo qaabkii xalayto saqdii dhexe  loo weeraray wasiir ku xigeenkii hore ee amniga  c/laahi abokor.

Waxaa kaloonu ka xunahay hadalkii ka soo yeedhay wasiirka wasaarada arimaha gudaha ee qaraxyadii dhacay ku tilmaamay in kulmiye ka danbeeyey , waxaanu marwalba dhiiri galinaynaa amniga iyo xasiloonida dalka waxaanu leenahay cid alla cidii ka danbaysayna way iska soo bixi doontaa .

 

Waxaanu shacbiga Somaliland ugu baaqaynaa inay ilaashadaan  nabadooda ,wada jirkooda iyo xasiloonidooda .

 

ALLAH                 MAHAD             LEH

 

Xildhibaan : siciid cilmi rooble

A REPLY TAGO

Please enter your comment!
Please enter your name here