HUBAAL Ka DAAWO: Da’yarta & Aqoonyahanka SUBEER AWAL Oo Cududdooda Ku Taageeray Musharraxnimada Muuse Biixi+VIDEO Dhamaystiran

0
47

Daawadayaal Kusoo Dhawaada Barnaamij Ku Saabsan Madal Ilyartu Is Qabatay Oo Xalay Lagu taageeray Musharraxnimada Muuse Biixi Cabdi…DAAWO Full Movie

Hargeysa (Hubaal)- Ururka Dhalinyaradda beesha Subeer Awal ayaa caawa xaflad ballaadhan oo ay ku taageerayaan musharaxa madaxweynenimo ee Muuse Biixi Cabdi ku qabsadeen hoteel Crowne magaaladda Hargeysa.
Boqolaal dhalinyaro ah oo ka soo jeedda beesha Mujaahid Muuse Biixi Cabdi ayaa sheegay inay si weyn u taageersan yihiin musharaxnimadda Muuse Biixi, isla markaana ay gaadhay wakhtigii ay dalka ka noqon lahaayeen madaxweyne.
Ugu horeyn Afhayeenka ururka beesha Subeer Awal Maxamuud Haaruun ayaa sheegay inay hoolkan iskugu yimaadeen dhalinyaro wada aqoonyahano ah, kuwaas oo si aqooni ku dheehantahay u sheegay aragtidoodda iyo ahmiyada weyn ee ay u hayaan xisbiga kulmiye, waxaanu sheegay inay nabadda cid ka jeceli aanay jirin si edeeb lehna u gudbinayaan fariintoodda.
Gudoomiyaha ururka beesha Subeer Awal Cabdiraxmaan Xasan Aadan ayaa sheegay in madaxweynaha iyo umadda Somaliland u sheegayaan inay si aan kala hadhlahayn u taageerayaan Muuse Biixi, isla markaana dareenkooda iyo garaadkoodaba si madax banaan oo aanay cidi soo abaabulin u cadaynayaan taageeradoodda.
Ku xigeenka ururka Subeer Awal Cabdirashiid Maxamed Aadan ayaa isna sidoo kale tilmaamay ujeedadda ay halkan iskugu yimaadeen inay tahay inay muuujiyaan taageerada ay u hayaan musharaxoodda Muuse Biixi oo hiil iyo hooba la garab taagan yihiin.

HALKAN Ka DAAWO SAWIRRADA iyo Xafladda Lagu Taageeray Muuse Biixi

A REPLY TAGO

Please enter your comment!
Please enter your name here