HUBAAL Ka Daawo: Sawirka Maanta iyo Giraanta Siyaasaddeed Ee SOMALILAND

0
33

Farshaxanka Sawir-gacmeedka casriga ah ee Aamiin Caamir ayaa maanta boggiisa internetka ku daabacay Sawir ku suntan xaraarrada waqtigan ka oogan Somaliland, gaar ahaanna saaxadda xisbiga talada dalka haya ee KULMIYE
Farshaxanku waxa sawirka uu daabacay ka muuqday Madaxweyne Siilaanyo oo jilbaha haysta guddoomiyaha Xisbiga KULMIYE Muuse Biixi Cabdi oo ku fadhiya KURSI uu Calanka xisbigu ku shaqlan yahay, waxaana Madaxweynuhu ka codsanayaa Muuse Biixi inuu doorashada uga tanaasulo, isaga oo ku tiraabaya “Duco qaado oo doorashada dembe ii daa”. Hase yeeshee Guddoomiye Muuse ayaa laftiisu isaga oo ka hal celinaya codsiga Siilaanyo ugu war celinaya tiraabtan “Anigoo doorasho geli ka duco qaadan maayo.
Akhriste maxaad sawirkan ka fahantan, maxaase aragtidaada ku dhereran labada weedhood ee labadan masuul tahay?. Fadlan ra’yigaaga ka dhiibo
“Maalintii uu Silaanyo xilka ku wareejiyay Muuse Biixi illaa hadda oo 4 sannadood ka soo wareeggeen dad baan Ogolayn In Muuse Lagu Wareejiyo Guddoomiyenimada..”

Sawirka Maanta

A REPLY TAGO

Please enter your comment!
Please enter your name here