“Ileyn Talo Isuma Kaa Sheegto’e aynu xajisano Maandeeq & Dariiqii Uu  Maykal Maryama Inoo Tilmaamay” W/Q: Axmed Maxamed  Gobanimo

0
1

 

 

Mustacmaradii Boqortooyada midowgay ee Britain (UK) markii ay dalkeena soo cago dhiganayeen 1884-kii waxa ay ku yimaadeen ogolaansho ay ka heleen odayaashii iyo duqaytidii reer Somaliland ee waagaas, kuwaas oo markii uu damcay inuu dalka soo dego, hor dhigay shuruud ahayd in marka hore aanay ogolaanayn inay heshiis ku wada galaan ciidooda hooyo, sidaasi darteedna ay lama huraan tahay inay wixii qaraar ah iyo wixii wada xaajood ah ee ay isku afgaran karaan ay ku kala saxeexdaan badda dusheeda,  isla markaana kala qortaan heshiis dhigan oo aan gorgortan lahayn. Go’aankaas oo ahaa mid kasoo maaxday maskax fayow iyo maan ka feejigan in aayaha ummadiisu madmadow galo, waxaa ay labada dhinac [ingiriis iyo odayaashii Somaliland] ay qoddobadii ay ku wada heshiiyeen ku kala qorteen Saan. Marka ay Somaliland iyo mustacmaradii Ingiriisku sidaas ku heshiiyeen waxa bedelkeeda iyadu xusid mudan in gumaystihii talyaanniga ee qabsaday Koonfurta Soomaaliya aanu haba yaraatee wax ogolaanshoa h ku haysan dhulkaas, balse uu si bani aadamnida ka baxsan u adoonsan jiray dadka soomaaliyeed eek u noolaa deegaannada koonfureed, waxaana waxyaabaha aadannimada ka baxsan ee uu kula dhaqmi jiray kamid ahaa in uu dadkaas ka dhigan jiray sallaan ama biriish uu kaga tallaabo wabiyada.

nimankii sidaas uu talyaani u galay ee uu dhibta intaas leeg baday ayaa markii dembe waxaa uu adoonsigii ugu badalay in uu ka dhigto raciyad uu isagu iska leeyahay oo uu u tabobarto nidaamka maamul ee uu doonayo in ay ku dhaqmaan, waxaa uu toban sanno u jaraynayay sidii ay ugu dhaqmi lahaayeen nidaamka dawladeed ee uu u hirgaliyey.

 

Aragtidii Maykal Maryama   xornimada ka hor soo jeediyey  iyo dareen celintii bulshada

Siyaasigii  Maykal Maryama oo hoggaamin jiray xisbigii NUF waxaa markii xorriyadu soo dhawaatay uu soo jeediyey aragti markii hore lagala hor yimi diidmo qayaxan balse markii dembe loo garaabay inay sax ahayd oo  odhanaysay  in ka hor inta aanay Somaliland xorriyadeed ka qaadan Ingiirska ay marka hore mustacmarada ka codsato in uu u tabo baro ama tabobar dhawr sanno ah ka siiyo sida loo dhaqo nidaamka dawliga ah ee uu ku wareejinayo, kadibna marka ay reer Somaliland maamulka dalkooda ka adkaadaan ee ay cago adag isku taagaan  ay xorriyadooda ka qaataan ingiirs, aragtidaas waa la diiday iyada oo ay kadoor bideen kalgacal walaalnimo iyo boholyow ay reer Somaliland u qabaan midnimo ay Soomaali isugu keenaan, sidaas darteedna waxaa ay goosteen inay midnimada Soomaaliweyn ee ay horseedka ka yihiin ay kabilaabaan soomaalidii koonfurta ee talyaanigu wabiyada kaga tallaabi jiray oo ay dawladnimadoodii iyo calankoodii si bilaa shuruud ah ugu darsadeen.

 

Hadaba aragtidii maykal waxaa loo garaabay markii ay shacbiga Somaliland yaqiinsadeen in ay fool hallowday xorriyadii, kalgacalkii ay soomaali u qabeenna ku hungoobeen, waxaana u caddaatay in nin la adoonsan jiray oo webiga lagaga tallaabi jiray aanay ka sugin cadaalad, taasoo sabab u noqotay in ay dadkii walaalnimada ula tagay ay cagta mariyaan.

Waxaynu mudo kadiba aragnay cagta inagoo kuhoos jirna waxbadana   khasaarnay maal iyo nafba, dabadeedna waxaynu lasoo noqonay 1991 kadib muddo dheer waxaynu kusoo dhacnay dariiqi maykal maryama.

 

Marka talo iskuma kaa sheegto maanta aynu xajisano Maandeeq way macaantahee. Somaliland umadda kunooli markasta waa dad wax dhisankara waanay muuqataa Somalilnd iyo koonfur intay kala tageen

qalinkii; Siyaasi Axmed Gobanimo

A REPLY TAGO

Please enter your comment!
Please enter your name here