“Illaa Immika Waxa Guulaystay 30 Gabdhood, Oo Ka Jawaabaya Saamigii Uu Madaxweynuhu U Qoondeeyey Haweenka”

0
1

 Guddoomiyaha Hay’adda Shaqaallaha Dawladda Oo Hambalyo Ku Sagootiyey   50-Kii Qof Ee Ku Soo Baxay Imtixaankii  Shaqaalaha Cusub ee  Gobolka Sool

 

Hargeysa (Hubaal) – Hay’adda Shaqaalaha Dawladda ee Somaliland, ayaa Xarunta Gobolka Sool ee magaaladda Laascaanood Ka dib Imtixaan lagu kala Calaf qaaday oo ay halka kaga qaaday 190 qof loona galay Kaalmo shaqo oo dawladdu qaadanayso waxaay Hay’adda shaqaalahu si rasmi ah u soo bandhigtay hambalyona u dirtay 50-kii qof eek u guulaystay shaqaalihii dawladdu ay ka qaadatay Gobolka Sool. Guddoomiyaha Hay’adda Shaqaalaha Dawladda ee Somaliland md Sharmarke Axmed Muxumed Geelle, ayaa maanta waxa uu si rasmi ah magaaladda Laascaanood ugu soo bandhigay 50-kii qof eek u guulaystay Shaqooyinka ay dawladdu ka qaadatay Gobolka Sool, waxaanu Guddoomiye Sharmarke Geelle Hambalyo iyo duco u diray dhamaan Xubnaha nasiibka u yeeshay inay ku soo baxaan Imtixaankii dawladdu shaqaalaha ku qaadatay.

Md Sharmarke Axmed Muxumed Geelle oo kulan sabootin iyo hambalyo ah Laascaanood kula sii qaatay 50-kii guulaystayaasha Gobolka Sool ku soo baxay Imtixaankii Dawladdu shaqaalaha halka kaga qaadatay waxaana qoraalkii guddoomiye sharmarke Geelle u dhignaa sidan.

Hambalyo Guulaystayaasha Gobolka Sool

– Waxaa si habsami ah u soo dhammaaday Tartankii Gobolka Sool halkaas oo hubin iyo kala hufid kadib ay gobolka Sool u ansaxday in ay imtixaanka u fadhiistaan 190 tartame balse ay soo xaadiray una fadhiisteen imtixaanka 172 tartame.

-Tartamayaasha 172-ka ah ayaa u kala baxayay 134 rag ah halka gabdhahu-na ka ahayeen 38-tartame.

-Ugu dambayn, tartan xalaal iyo xirfad ku dhisan kadib waxaa soo guulaystay 35 wiil iyo 15 hablood.

-Hambalyo dhammaan tartamayaasha Gobolka Sool waxaanan u rajaynayaa mustaqbal wanaagsan

-Kulan is barasho iyo bogaadin ah kadib, waxa aan hadda u soo jeednaa Gobolka Togdheer oo berito Insha Allah ay tartan kaalmo shaqo ka bilaabmayaan halkaas oo ay ku sugan yihiin madaxdii Hay’adda Shaqaalaha Dawladdu.

SHARE
Article horeMaraykanka Oo Si Rasmi Ah U Soo Celiyay Cilaaqaadkii Dublamaasiyadeed Ee Soomaaliya
Mustafe Mohammed Abdullahi better known as Mustafe Faro is a senior Somali journalist, writer and cameraman. Mustafe is the head of programmes of Hubaal newspaper - a daily Somali magazine issued from Hargeisa, Somaliland. He is the assistant editor of the Independent Newspaper in Hargeisa, also the assistant editor of Somali Commentator. You can contact him through his E-mail: loodh2013@gmail.com or +252 63 4097497

A REPLY TAGO

Please enter your comment!
Please enter your name here