Ilmo aan dhibcayn. W/Q: Cabdicasiis Ibraahin Ciise {Daacad}

0
45

Noloshu waa halgan

Aqoontu waa hub

Qalinku waa hooto.

— Hoodo Ayaan —-

cabdicasiis ibraahinNolosha ku siisa ladnaanta iyo liibaantu, haku siiso laciifnimada iyo lee-leelka adduunyo. Maalin walba waxa hadal daaya kumanaan ruux oo nolosha kugula nool, se wax wara kama haysid. Maqaal iyo meelo kale in lagu sheegaa waa mid dhifa, in la soo hadal qaado ayaa ah iyana mid naaddir ah. Ilmadu marka aanay dhibcayn maaha in indhuhu gudheen, ee waa naxdin iyo nasteexo dayn, damiir iyo damqasho joojin iyo dareen la’aan inagu timid. Kuma tiiq-tiiqsanayo hadalka ee macnaha aan uga gol leeyahay ayaa ah, daryeel iyo daacadnimo, dabiib iyo duudsi la’aan, damqasho iyo danayn. Taas oo ay u baahan yihiin carruurta Derbi-jiifka ahi.

Damiirka dawladnimo iyo ka dadnimo marka aannu shaqaynayn, ma shaqaynaayo kii diinneed ee ina fari lahaa xumaanta iyo samaantu. Waxa aan uga dan leeyahay iimmaanka nafteenu waxa uu ina siinayaa naxariista iyo qalbi debacsanaanta. Taas oo ina dhaxal siinaysa in aynu kala saarno qabow iyo kulayl, macaan iyo qadhaadh.

Macaanka nolosha, waxa macneeya ninka arka qadhaadhkeeda. Waxaa ka warami kara qofka surbacaada, saxariira, surmiya una seega seexasho iyo soo jeedba naftiisa.

Haddaad moodaysid in aad nolol raaxo badan ku jirto, ogow barri waad ka soomiye. Haddaad nolol rafaad leh ku jirtana ogow waad ka bixi adoo halgamayee. Mawduuca aan rabo in aynu is dareensiino iyo kaalinta uu inoogu jiro. macnihiisa iyo mudnaantiisa aynu rabnaa waa “Dersiga nolosha iyo dardaaranka derbi jiifka”.

Xasan waa wiil da’ yar. Waxa ay hooyadii geeriyootay isaga oo 5bilood ifka jooga, aabihii waxa uu ku noolyahay Magaalada Hargeysa waana qaadle. Xasan waxa gacanta ku haysa Ayeeydii Hooyo oo iska cad ah, mana laha abti iyo cid la korisa Ayeeydii. Marka laga reebo saddex dumara oo u habaryar ah, kuwaas oo reero leh. Mid ka mida ayaa dibadda jirta biilkana u soo dirta Xasan iyo Ayeeydii.

Muddo 4sanno ku dhaw markii ay Ayeeydii Xasan la silicday way cuslaatay, wayna tamar daraysay. Markii ay dareentay in ay sii socoto ” waayeel wedkii oge” waxa ay go’aansatay in ay inanka (Xasan) ku wareejiso korniinkiisa Aabihii, wayna u geeysay sidii na ku geeriyootay.

Xasan waa afar jir, xoog iyo qurux isku darsaday. Waa wiil cayaar badan oo farxaan ah, nasiib daro se Aayadii ayaa noqotay mid ka xumaata korniinka Xasan la siiyay iyo ka ubadkeeda oo 3 ahi qabaan.

Collaadin dheer waxa ay Xasan Aayadii ku dirtay Aabihii oo nacsiisay. Isna kama caqli badani, canaan iyo cadho ciil kula dul dhac.

Daryeel la’aan, dilmo iyo canaan joogto ah markii uu u adkaysan waayey Xasan waxa uu naftiisa u go’aamiyay in uu iskaga haajiro gurigan Aabihii.

Xasan waxa uu naftiisii kool-koolinta iyo koboca wanaagsan lagu soo koriyey uu ku aaminay, Ay’da iyo bahalka dooxa ku nool. Markii uu noloshii raaxada lahayd ee uu magaca wacan ku lahaa kasoo dhex baxayna waxaa loo bixiyay mid cusub, oo ah ” Xabagle” isagoo ka go’ay qoyskii Aabihiis kuna biiray qoys cusub oo la yidhaa ” Derbi-jiif”.

Baaba’a nolosha, qanaca iyo quusta uu iska taagay darteed waxa uu siticmaalaa Isbiirto. Taas oo uu isku ilowsiiyo wakhtiga uu werwerka ku qaato, si aannu naftiisa u haligin una cadaabin.

Cid ka daba timid Xasan oo soo baadi doontay may jirin. Taasina wax ay isaga ku hurisay dab iyo kulayl cadaawad ah, oo uu u qabay waalidkiisa dayeeli waayey.

Isagii oo koox la mida ku jiraa waaka, Buundada( Birijka) hoosteeda ku seexda cawda iyo bacaha la qubo. Wakhtiyada badankooda waa la col, sida Roobabyoowga, Dhaxanta iyo xiliyada kulaylaha waayo! ma haystaan gabood iyo gaashaan ay iskaga celiyaan. Derbi-jiifku waxa ay u nugul yihiin halisna ugu jiraan xanuunada. Waxa kale oo ay diif badan ka qabaan gaajada iyo hu’ isticmaalida. Wiilkii yaraa ee la ilaalin jiray, wiilkii yaraa ee farxaanka ahaa, wiilkii yaraa ee ciyaarta badnaa, wiilkii yaraa ee sida fiican loo koriyey ee quruxda badnaa, wiilkii yaraa ee lagu magacaabi jiray Xasan, maanta waa uu xumaaday, wuu cadho iyo fikir batay, wuu cunto iyo xanaano dareeyay, wuu foolxumaaday oo nabarada wajigiisa ku yaal waad argagaxaysaa. Magaciisana waxa la yidhaa ” Xasan Xabagle”.

Saddex goor wuu xanuunsaday, mar Hargab xun ayaa asxaabtii iyo qadhaabkiisa ka reebay. Mar nabar xooggan ayaa madaxa kaga dhacay oo aad buu u dhiig baxay, una sakaraaday. Marna Gaastari ayaa ku dhacay oo bas uu la gaadhay.

Xasan maanta cid aan Alle ahayn ma haysto, balanbalna wuu dhammaystay. Laakiin dardaarankiisa nolosha ayaa ah “Haddii aan helo nolol leh, daryeel, dulqaad, danayn iyo diif-tir waxa aan rajaynayaa in aan ka mid noqdo kumanaanka nolosha ku guulaysta”. Xasan iyo inta la midka ah waxa cadaawad ba’an ku haysa Dhaxanta bishan Diisember, taas oo fiidka gaysa inta leh hoyga guryahoogii, intii kalena meelahaas ku laalaabta. Xasan waxa uu ku jiraa inta kolayada nasiibka u yeelatay, ee gaboodka ka dhigta bacda soo jiidata qabowga. Baaqa uu dirayaa waa helidda daryeel bini’aadannimo iyo danayn walaaltinimo.

Inta diirka leh waxa aannu ka codsanaynaa in ay hoos noo fiiriyaan. Annagu ma nihin ajaanib, ma nihin garac ee waxa aannu nahay ilmaadeeradiin, walaaladiin, ila’abtiyaashiin iyo habarwadaagyadiin. Waxa aannu idinka rabnaa daryeel saaxiibtinimo, mid walaalnimo, mid muslinnimo iyo mid Alle dartiiya. Inta naga dhimata wakhtiyadani cadad ma le, inta naga xanuunsata ee daryeel li’ u nafbaxdaa tiro male. Kaliya waxa is caawiya inta wax haysata Sheekh iyo Shariif, dawladdayadu maaha mid danaysa da’yarta oo maalin walba waxa aannu aragnaa derbi la dhisaayo. Annagana aan nala daryeelayn.

Dardaarankaygu waxa weeyi inta aad qoraalkan gaadhsiinaysaa, saaxiib ha dareemaan dhibta haysata inantooda suuqa usoo baxday, inantooda xabagta cabaysa, inantooda lagu faro xumaynaayo dariiqyada. Uma adkaystaan haddii ay inantoodu dhaxdo dhallinyaradu, laakiin way u adkaystaan tan la midka ah ee suuqa u soo baxday. Dareema oo fahma in inanka xabaglaha ahi uu yahay walaalkaa, inanta xagablayda ahina ay tahay walaashaa. Markaa waxa aydun fahmi in aynu inagu nahay dhallinyaradii waddanka.

Marka xisbiyada lagu bixinayo lacagta cadadka badan, marka dhallinyarada ilaa annaga ah la lug goynaayo, marka buuqa, xasaradda iyo qaylada nala galinaayo daryeelkayaga lagama fikiro ee waa lanagu danaystaa. Laakiin marka ay waxqabad sheeganayaan, naguma soo daraan. Taasi miyaanay ahayn danayn la’aanta dhallinyarada. Waxa aan dhallinyarada waddanka meel kasta haka soo jeedaane aan ogaysiinayaa ” Xisbi been idiin sheega iyo siyaasi danayste ah iska ilaali ” ” Saaxiib intaa iga gaadhsii aqoonyahanka dhallinyarada ah ee jaamacaddaha ku jira”.

Dhudhunkaad i goysaa

Waa dhantaalankaagee

Dhidibkaynu taagniyo

Dhismihii adkaan jiray

Inaan kala dhantaalnaa

Dheg xumo iyo ceeb iyo

Talo dhacantay weeyee

Dhaxdinbaan wadaagnee

Aayaha dhasheeniyo

Midnimada ma dhawrnaa ~ Abwaan: Cabdi Adan Xaad Qays

Dareen wadaagga gabayga iyo maansada ee bini’aadannimada, hadana ila dhugo erayadan tolmoon.

Dadku waaari mayee,

kol haddaan la daynayn,

wadka laga danbaynayn,

duunyo iyo kaneecaa,

ajashaada go’ysee,

durki mayso taaduye,

dibna looma dhigayee,

inta dullin ku dili laa,

ama ciil ku dabi laa,

ilaahay daraadii dadyow,

maad u dhimataaan. ” Darman iyo Dalxiis– Cabdi Qays”

A REPLY TAGO

Please enter your comment!
Please enter your name here