Imaaraadka Oo Shaaciyey Inay Maalgashiga Ugu Badan Ee Afrika Ka Fulinayaan Somaliland

0
1

Hargeysa(Hubaal)- Dawladda Imaaraadka Carabta ayaa sheegtay in Jamhuuriyadda Somaliland ay hoggaaminayso dalalka Afrika ee ay  siiyaan maalgashiga tooska ah.

Warsidaha East African Business Week, ayaa daabacday shalay Warbixin ka soo baxday  Xafiiska Maalgashiga Dibadda ee Tooska (FDI)  ee Imaaraadka ayaa  shaaciyey  in Somaliland hormuud ka tahay dalalka ay maalgashanayaan, waxaana kaalinta labaad ku  jira dalka Masar. Dawladda Imaaraadku  Waxay caddeysay  inay Somaliland wax kala qabanayaan dhinaca casriyeynta dekedda Berbera oo ay gelinayaan dhaqaale lagu qadaray 442 Milyan oo Doolar. Isla markaana ay saldhig Millatari ka furanayaan magaalo xeebeedda Berbera bisha June ee sannadkan.

Sidoo kale waxa Xafiiska maalshiga FDI ee dalka Imaaraadku sheegay inay  doonayaan inay noqoto  dekedda Berbera marin biyoodka ugu muhiimsan ee Geeska Afrika.

Mashaariicda ay maalgashanayso Imaaraadk Carabtu waxay  iskugu jiraan horumarinta dekedaha, Gaadiidka, macdanta, cusboonaysiinta tamarta, deegaanka iyo horumarinta adeegyada maaliyadda.

Siday faafisay Wakaalladda Wararka Somaliland (SOLNA) oo soo xigatay warbixinta  East African Business Week,oo  ku warantay  in danjiraha Somaliland u fadhiya Kenya Md. Baashe Cawil Cumar oo hore u ahaan jiray Wakiilka Somaliland ee Imaaraadku uu kaalin weyn ka qaatay suurtogelinta iskaashiga iyo maalgashiga Imaaraadka Carabtu ka fulinayo Somaliland.

SHARE
Article horeSaaxiibtinimada Somaliland & Itoobiya Waa Mid Aan Safaad Gelin!
Mustafe Mohammed Abdullahi better known as Mustafe Faro is a senior Somali journalist, writer and cameraman. Mustafe is the head of programmes of Hubaal newspaper - a daily Somali magazine issued from Hargeisa, Somaliland. He is the assistant editor of the Independent Newspaper in Hargeisa, also the assistant editor of Somali Commentator. You can contact him through his E-mail: loodh2013@gmail.com or +252 63 4097497

A REPLY TAGO

Please enter your comment!
Please enter your name here