Ismaaciil Buubbaa Lafahiisa Uma Roona Mid Guri Yaalna Uma Roona…W/Q: Axmed J. J. ‘Xanjeer’

0
51

Maalmahan Ismaaciil Buubbaa oo ay ahayd inuu iska aammusnaado, ceebtiisana qarsado, ayaa Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Md. Muuse Biixi Cabdi, ka codsaday inuu hooyadii u hiiliyo. Runtuse waxay tahay inuu Madaxweyhuhu kolkii uu ka reeyey,isaga iyo qayrkiiba, uu hooyadii iyo habaryarihiiba u hiiliyey. Hayeeshee isagu waa  ina Buubbaaye, ubadkii uu ka tegey inaadeerkii(AHN)Mujaahid Ibraahin Koodbuur muxuu ku samaysay?

Sida aad sawirkaku arkaysaan lacagtii loo ururshey agoontii uu ka tegey Marxuunku oo 1989kii da’doodu kala ahayd sida hoos ku cad xaggee buu mariyey?

  1. Cabdirisaaq Ibraahin koodbuur oo markaa gu’ jir ahaa
  2. Raxma Ibraahin koodbuur oo markaa lix jir ahayd
  3. Cabduraxmaan Ibraahin koodbuur oo markaa siddeed jir ahaa

Dad Allaw u fiirsada:

 

Sida ku cad warqadda sawirkeedu kor ka muuqdo, lacagta uu agoonta ka lunsaday waxay kala tahay:

38, 000  SR (Saudi Riyaal) oo ka kala timid Riyadh, USA, UK, Canada

10,000 SR (Saudi Riyaal) oo ka kala timid Jeddah iyo Nawwxigeeda

8,000 SR (Saudi Riyaal) oo ka kala timid Dhahran iyo Jubail

Isugeyn waxay dhantahay lacagtaasi 56,000 SR

Warqadda halkeeda hoose waxa ku sawiran jeeg gaar ah oo lacagta ku qorani ay tahay 5,000 oo Riyaal. Wadarta guud ee uu agoonta ka lunsaday waa 56, 000 + 5,000 = 61, 000 oo Riyaal.

Ismaaciil Buubbaa oo loo haysto Siyaasi weyn oo daacad u ah dadka iyo dalka JSL waa kaa maanta hortiinna la soo dhigay iska ogaada.

Ayaa qoondarro lagu sheegayaa ma Wasiirka mise Buubbaa?

Wargeyska warsugan,  tirsigii shalay cadadkiisii 588aad, ayuu aqoon yahay, Siyaasi Buubbaa ku qoray sidan:

“Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta iyo Wacyigelinta Saleebaan Guri Barwaaqo!! Weydiintu waxay tahay Wasiirku Ma Saleebaan Guri Barwaaqaa baa? Buubbaa aqoon iyo cilmi weynaa?”

Siyaasi aqoon yahan Buubbaa sawka cidlada degey

Isaga oo hadalkiisa sii wata ayuu Aqoonyahan Ismaaciil Buubbaa  sheegay inuu Guri Barwaaqo ka been sheegay Ina Cabdalla Xasan oo uu ku tilmaamay inuu ahaa nin reer Somaliland ah. Yaab! Waa yaab iyo yaabka yaabkii!! Bal aan eegno buugga taariikhda Daraawiishta ee uu qoray Aw Jaamaca Cumar Ciise boggiisa 3aad ee hoos ku xusan:

Xilligii uu Ina Cabdalle Xasan dagaalka bilaabay halkee buu ka bilaabay? Waxa uu sheegay Aqoonyahanku inuu ka bilaabay Buuhoodle!! Buuhoodle miyaanu Ingiriisku ka talinjirin oo aanay ka tirsanaan jirin Somaliland? Maantana miyaanay ka tirsanayn Somaliland?

Waxa uu caddaystay siyaasaddiisii faqashnimo ee ku taargeersanaa maammulka caga jiidka ah ee  muqdisho.

Hadal iyo dhammaantii aqoonta iyo siyaasadda ha la siiyo xaal aad u weyn oo waafiya, hana lagu wargeliyo Ina Buubbaa inuu buugga si fiican u akhriyo, cudurkii Soomaaliweynna uu meesha ka baxay.

Axmed J. J. ‘Xanjeer’

A REPLY TAGO

Please enter your comment!
Please enter your name here