HUBAALMEDIA.COM
“Inay Maanta Laba Axmed Is Bedalaan Waxay Ka Mid tahay Sunnaha Dawladnimo Oo Ah Qori Isu Dhiib Iyo Maalinba Awr Dhaamiyo”
June 14, 2017 - Written by Mustafe Faro

Jewiga Madal Ay Shalay Xilka Kula Kala Wareegeen Wasiiru-dawle cusub Iyo Mid Hore

duulista

Hargaysa (Hubaal) – Manaasibad balaadhan ayaa shalay  lagu qabtay xarunta Wasaarada Duulista Hawada iyo Gaadiidka Cirka, munaasibadan oo ahayad mid si heer sare ah loo soo agaasmay, ayaa waxaa xilka kula kala wareegaayey Wasiiru dawlaha Cusub ee Wasaarada Duulista Axmed Cali Maxamuud iyo Wasiiru Dawlihii hore Axmed Nuur Faahiye. Waxa munaasibadaasi ka soo qayab galay Wasiirka Wasaarada Duulista Hawada iyo Gadiidka Cirka, Labada Wasiiru Dawle ee Xilka la kala wareegaayay, Agaasimaha Guud ee Wasaarada Duulista, Masuulyiin ka kala socotay,Wasaarada Duulista iyo Hay’adaha kale ee dawlada, Aqoon yahano, Ganacsato, iyo hawlwadeenada Wasaarada Duulista, iyo Dad weyne kale.

  Gudoomiyaha Gudiga dib u dhiska Madaarka Burco Sh Cali Mawliid, Xildhibaan Ibaraahim Caraale, Agaasimaha Waaxda Qorshayanta ee Wasaarada Duulista Aniisa,Maamulaha Madaarka Cigaal International Airport Maxamed Yuusuf,  Ganacsade Shabac,Mataan Suhayar, ayaa halkaasi Hadalo dardaaran ah uga soo jeediyay Wasiru Dawlaha Cusub, sidoo kalena kaalintiisii hawal karnimo ka tilmaamay Wasiiru Dawlihii hore.

Agaasimaha Guud ee Wasaarada Duulista Cumar C/laahi Aadan oo sii sabootiyaaya Wasiiru Dawlaha hore ayaa waxa uu yidhi:- “waxaan sii sagootiyayaa wasiir udawlihii hore ee Wasaarada Duulista Ahmed Nuur Faahiye oo runtii ahaa saaxiibkay intii uu halkan igala shaqaynaayayna aan ku bartay dabeecad wanaag dad jacayl, waan la qabaa sida la sheegay inuu Ahmed u qalmo xil xilkan ka sareeya insha allah waan u rajaynayaa Ahmed dadka iyo dalkuba wuu u baahan yahay”

Dhanka kale Agaasimaha Guud waxa uu soo dhaweeyay Wasiirudawlaha Cusub Waxaanuu sheegay in uu la shaqayan doono, Agaasimuhu waxa kale oo uu ka hadlay Hawada Somaliland ee ay maamusho ICAO, waxaanu yidhi:- “waxaad ogtihiin dhulkeenii iyo badeeniiba waynu maamulaa laakiin cirkeena ma maamulo qaramada midoobay  baa haysata waxaana maalin iyo habeen u ham iyo digleh inay hawdeena inaga la wareegto dawlada Muqdisho oo doonaysa inay keligeed maroorsato  arintaa runtii qarankuna wuu ka feejigan yahay.”

Wasiiru Dawlihii Hore ee Wasaarada Duulista Hawada iyo Gaadiidka Cirka Axmed Nuur Faahiye, oo halkaasi hadal ka jeediyay ayaa waxa uu yidhi:- “ugu horayn waxaan u mahadnaqayaa madaxwaynaha Qaranka Jamahuuriyada Somaliland xilkii uu iidhiibay mudo afar sano iyo badh ah ee maantana uu gartay inuu I nasiyo, madaxwaynuhu wuu I nasiyay sababta oo ah waxaan soo qaban waayay afar sano iyo badh oo aan mado sedex bilood gudaheeda aan  ku fashilmay ma jiro, oo xil gudasho aan ku qaadan waayay.” Axmed Nuur Faahiye isaga oo hadalkiisa sii wata waxa uu yidhi:-“Wasiir udawlaha cusubna sidii aad aniga iila shaqayn jirteen ula shaqeeya.” Faahiye waxa uu sheegay in uu Xisbiga Kulmiye la sii shaqayan doono waxaana uu yidhi:-“ Anigu waxaan ka tirsanahay xisbiga kulmiye guddida fulintaan ku jiraa markaa marna xisbigaan tegi jiray marna halkan, xisbigii aan kaga mashquulay shaqaan ku jiraa ayaan hada u madax banaanaaday waxaan u tafo xaydan doonaa arimihii xisbiga kulmiye waayo mudo 15 sanadood ah ayaan la shaqaynaayay aniga iyo wasiir udawlaha cusuba Ahmed Cali Maxamuud”. Wasiiru Dawlaha Cusub ee Wasaarada Duulista Hawada iyo Gaadiidka Cirka Axmed Cali Maxamuud, oo si niyad sami ah ugu farxay sida looga soo dhaweeyay Wasaaradan loo magcaabay ayaa waxa uu yidhi:- “waxaan u mahadnaqayaa madaxwaynaha Somaliland oo ii cugtay inaan kamid noqdo gacan yarayaashiisa waxa kaloo aan u mahadnaqayaa wasiirudawlihii aan bedelay Ahmed Nuur Faahiye oo si niyad wanaagsan leh iigu soo dhaweeyay xilkan, sidoo kale waxaan u mahadnaqayaa wasiirka wasaarada duulista oo runtii marka aan xagaa joogayna aan xan wanaagsan ka hayay markii aan imina aan ka arkay. Wasiiru Dawlaha Cusub Axmed Cali Baynax oo hadalkiisa sii wata ayaa yidhi:-“Waxaan aaminsanahay inaan kusoo kordhin doono Madaarka kor u qaadida adeega umadeena iyo martida inoo imanaysaba umadu, waxay kula doorataa cid hogaamin doonta iyadoo codkoodu ku xidhan yahay hadba waxqabadka iyo barmaamijkooda, Inaan wixii aan ku biirin karo ee wax wada qabsiya  ah aan ku biiriyo wasiirkayga duulista hawada Farxaan Aadan Haybe”. Wasiirka Duulista Hawada iyo Gaadiidka Cirka Farxaan Aadan Haybe oo munaasibadaasi soo gunaanaday, labada wasiirudawlena Xilka u kala wareejiyey ayaa yidhi:- “Ugu horay aad baan idiin ku mahadcelinayaa kasoo qaybgalkiina ka wasaarad ahaan anigoo ah odaygii wasaarada runtii sunaha dawladnimo ayay ka mid tahay waana qori isu dhiib in maalinba nin awr dhaamiyo oo uu qalinka, caqliga iyo fikirkaba uu ku deeqo sidii uu dalkiisa wax ugu tari lahaa ujeedadu maaha meel  loo soo shaqo tagee, oo masaariif lacag iyo aduun yaalee waa in dalka xoogaaga cududaada iyo caqligaaga u hurtaa si ubadkiinu ugu aayaan waa waajib qarankeena qofkasta oo ka mida saraan taas uun bay qayb ka tahay sida Madaxwaynuhuba ugu deeqay cimrigiisii oo dhan, ee cimrigiisa intii ugu badnayd ugu soo qaatay ama halgan ama hogaamin taas uun bay ka mid tahay inay maanta isbedelaan labo Ahmed na.”

Wasiir Farxaan oo tilmaamaya qofnimadii iyo hogaamintii Axmed Nuur Faahiye, ayaa yidhi:-“ “wasiir u dawlahaygii hore Ahmed Nuur Faahiye iyo wasiir u dawlahayga cusub Ahmed Cali Baynax,  Ahmed waan sagootiyayaa waxaan leeyahay Ilaahay wakhtigana hakuu kaalmeeyo maalmaha inta kuu hadhayna hakuu barakeeyo, wasiir udawlaha hore waxaan qirayaa inuu nin kaalin gala yahay hiraal leh hogaamin fiican leh dad isku hayn leh nin diin leh ah,  runtii qayb wayn bay ka ahayd markii aan wasaarada imi inaan si fudud  ula qabsado dhaqanka wasaarada  waayo ilaa aad la qabsato fahanto sida ay u taalo qayb walba sida ay u shaqayso fahanto halkii aad kaga xidhmi lahayd iyo wixii aad kusoo kordhin lahayd way adkaanaysaa waxaad noqonaysaa nin bad wayn ku dhex haftay, taa waxaan qirayaa runtii in Ahmed  iyo agaasimaha guud iyo agaasima waaxeedyadu miisaan wayn ku dhex lahaayeen.”

Wasiir Faraxaan  oo soo dhaweynaaya Wasiiru Dawlaha Cusub ayaa waxa uu yidhi:- “Wasiir udawlaha cusub isana waan soo dhawaynayaa runtii waa nin aanu meelo iska shabahno waayo arimaha bulshada ayuu kasoo shaqeeyay anigu arimaha bulshada ayaan ka shaqayn jiray ganacsigana labadayduba wanu kusoo dhex jirnay siyaasadana dee waakan muddada dheer kusoo dhex jiray marka runtii aad baan ugu farxay”

Waxaad Hubaal media kala soo xidhiidhi kartaan E-mailaddan 
Hubaal100@hotmail.com 
Hubaal100@gmail.com
 Hubaal100@yahoo.com
COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- DJIBOUTI NEWS
- Farshaxan
- Farriinnews
- Gabileymedia
- Gabiley24
- GabIleytoday
- Gabileynews
- GABILEYNEWS
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- MURTIMAAL.COM
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- Qodaalnews
- Qtlhost Website
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SAAXILTODAY
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- saylanews/a>
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews