HUBAALMEDIA.COM
“Inaynu Qabyaallada Ka Guurnaa Miyey Innaga Go’an Tahay?”
September 11, 2015 - Written by admin

Qalinkii: Prof. Cabdi Cali Jaamac- Lecturer: University Of Hargeisa

Dadka Afka- Soomaaliga ku hadla had iyo jeeraale waxay ka cawdaan qabyaaladda, qof kastaana waxad mooddaa inuu rabo in laga takhaluso. Haddana sidaas oo ay tahay, qabyaaladdu way sii naaxaysaa ama xoogaysanaysaa iyadoo baahysa, si ka badan sidii la filayay. Maxaa qaldan? Qabyaaladdu ma cifriit aan la loodin karinbaa mise innaga ayaan farba u taagin oo isu dhiibnay, maxaa yeelay waa qiime sare oo aynu ku faano. prof-Cabdi-Cali-JaamacHorta marka hore qabyaaladdu ma waxay faa’iido u tahay dadka mise madaxda(mucaarid iyo muxaafidba). Iyadu ma lagama maarmaan bay u tahay siyaasadda iyo nolosha kaleba. Runtii, dad badan baa raba in ay ka takhalusaan bahashan. Haddana waxa ay arkaan iyagoo ku dhex jira. waa maxay sababtu? ma munaafiqiinbaa?. May, may. ilama aha sidaas. Sababtu waxa weeye, iyadiiba meel kasta ka buuxda. lamana samayn wax lagu beddelo. Runtii dadka xun iyo dadka wanaagsaniba way galayaan saymaheeda kas iyo kama’ba inta xaaladdu sidan tahay.  bWaa in isbeddel la sameeyaa lagaga guurayo qabyaaladda. sidaas waxa ku taliya qof kast oo mudakar ah oo ilbax ah oo raba in uu jiilasha soo socda ka xorreeyo heeryada qabyaaladda ee aynu sidnay muddada dheer iyadoo aanay jirin sabab macquul ah oo aynu sidaa u yeello. Laakiin su’aasha qaaliga ahi waxay tahay Sidee baa loo maaraynayaa isbeddelkaas? waa yaabe Jawaabtu way fududahay. Hadday sidaas tahay ma isku daynay?. Jawaabtu waa yaabe waa maya. Oo maxaynu isugu dayi waynay? Jawaabtu waa mid u sahlan inta garanaysa. waana sidan: Hadday dadku yihii kuwo isbeddel diid ah iskuma dayi karaan in ay si ka duwan sidii hore wax u qabtaan.   Si qaybayaaladda loo yareeyo marka danbena looga guuro waxan u qori lahaa bukaankan aad- ka u liita laba dawo. Ta hore waa in siyaasadda la degaameeyo tiiyoo loo abaabulayo dadka degmo degmo iyo gobol gobol halka immika ay uga abaabulan yihiin qabiilooyin. Halka immika qabiilka daacadda loo yahayna, daacad loo noqdo degmada ama gobolka qofku ka soo jeedo. Tani waxay waafaqsan tahay abuuridda dawlad casri ah oo ku dhisan muwaadinnimo, maxaa yeelay dadka degaan ka soo wada jeedaa haba kala duwanaadaan reerahooduye, waxay wadaagaan dano badan sida waxbarashada, caafimaadka, waddada , biyaha Iwm.  Sidaasoo kale waxa dhici karta in qabiil kaliya uu dego in ka badan hal degmo ama gobol,laakiin wax ka dhexeeyaa aanay jirin marka laga reebo in ay isku abtiirsiin yihiin. Si loo hirgaliyo qorshahan, waxa loo baahan yahay in xisbiyadu ku salleeyaan hawlahooda degaamada iyo xaafadaha ee aanay reero ku salayn.Ttusaale markay soo sharaxayaan xildhibaanada golaha degaanka, ha ka soo xulaan dadka ku nool degamada iyo xaafadda iyadoon tixgalin la siinayn qoka qabiilkiisa iyo reerkiisa. Sidaas baa ka macquulsan sida immika aynu samayno, waayo xildhibaankani wuxu ogyahay inuu berri degaankii ku noqonayo si markale loo doorto sidaa darteed wax qabad ayuu la imanayaa. Halkaas baa degaamayntu kaga guulaysanayaas qabyaaladda kana dhigaysaa mid aan cidina waxba ku falayn oo laga baxay.  Hadda sida aynu siyaasadda u wadnaa ma aha mid caqli ku dhisan. Aniga–qoraaga maqaalkan–ayaa tusaale nool ah. Anigu aan isu kiin sheegee intiina aan ogayn waxan ka mid ahay golaha degaanka ee Hargeysa ee xilku ka sii dhammaanayo, kuna jira sannadkiisii u danbeeyay. Anigu waxan ku noolahay degamada Kodbur, haddana la igama soo dooran xaafaddaas. Dadka xaafadda ku nooli waxay ka soo jeedaan qabiilloyin kala duwan oo cid walba leh. Qaar waxay ahaan jireen berigii hore reer Burco, qaar kale reer Borama ama Berbera ama gobollada kale ee Somaliland. Dadka aan isbeddelka jeclayn ama horu-socodka ahayn waxay aaminsan yihiin in dadkaasi aanay ahayn reer Hargeisa, iyaguna way u markhaati furaan oo marka doorasho timaaddo waxay tagaan oo ka soo codeeyaan gobolada reerahoodu degaan. Aniguse waxan ka mid ahay dadka aaminsan in dadkaasi ay beri hore reer hargaysa noqdeen. Maxaa yeelay qaarbaa ku noolaa Hargeysa in ka badan 15 sano ama ka badan. Waxu heli kari lahaa qofkani saddex jinsiyadood oo yurub ah. Sidaas oo ay tahay, dadka aan isbeddelka jeclayni waxay aaminsan yihiin in reer Hargeysa ay yihiin dad gaar ah. Tusaale ayuun baynu Hargeysa u qaadanaye waa sdiaas oo kale magaalooyinka kale laftoodu. Haddii aad deganayd Borama 20 sano waxa laga yaabaa in wali laguu haysto in aad tahay reer Hargeysa. Tani waxabay ka soo horjeeddaa sunnaha illaahay ee isbeddelka nolosha iyo qawaaniinta kawnkan aynu ku uummanahay. Ma jiro adduunyada wax meeshiisa uun taagan oo aan isbedbedlin ama dhaqdhaqaaqin Haddii aynu dib ugu yara noqonno sheekadii xildhidhibaanimadayda.Rreerka aan ka soo jeedaa waxay sheegtaan in ay i doorteen. Haddana iyaga laftoodu-reerka- waxa ay kala deggan yihiin xaafado kala duwan oo magaalda Hargeysa ah. Markaa aniga cidina ilama xisaabtami karto. Waxa sidaa ka fiicnaan lahayd iyadoo layga soo doorto xaafadda aan ku noolahay halkaasoo aan danahooda ilaaliyo markaan golaha degaanka joogo, hadday noqoto iskuul, biyo ama caafimaad Laakiin immika sida wax yihiin waxay ka dhigaysaa hawshii dhammayd ee doorashada golayaasha degaanka mid aan macno badan lahayn oo maan-gaabnimo ku dhisan. Dawada labaad ee aan u qori lahaa xanuunkan waxa weeye in la dejiyo shurruc iyo xeerar aanay qabyaaladdu karayn. Waxase dhibku ka taagan yahay sidii loo fulin lahaa ee loo dhaqan gelin lahaa xeerarkaas iyo hanaankaas, si markaa loo gaadho caddaaladdii iyo dhexdhexaadnimadii loo baahnaa. Tani waxay u baahnaysaa in la sameeyo xaifisyo dadku u ashkatoodaan haddii ay cidi isku daydo in ay leexiso ama daba-martayso hannaankaas iyo xeerarkaas. Hawl-wadeenada xafiisyadaas waa in ay noqdaan dad lagu soo xushay daacadnimadooda iyo hufnaantooda. Matalan, golihii degaanka ayaa soo saaray xeer ama hab qofka muwaadinka ah ee dhul u baahani uu dhul ku heli karo. habkaasi wuxu sheegayaa tallaabooyinka loo baahan yahay in qofku qaado si uu dhulkaas u helo. xeerkaas ama hanaankaas waa in aanu noqon mid sir ah oo ku kooban madaxda oo kaliya, taasoo keenaysa in qofkii ay doonaana u sheegeen kii kalena ka qariyaan. Waa in laga baahiyaa qalabka warbaahinta laguna celceliyaa illaa inta ay ka ogaanayaan dadka saboolka ama danlayda ah ee waxyaalo badan laga qadiyay. sidaasi waa sida loo samayn karo xeerar iyo xeelado aanay karin qabyaaladdu. Tani waxay mar-kale ka dhigaysaa qabyaaladda wax aan dan laga lahayn oo laga baxay, maxaa yeelay dadku qabyaaladda waxay miciinsadaan marka ay waayaan caddaalad iyo dhexdhexaadnimo. Si loo fuliyo hababkan aynu kor ku soo sheegnay, horta waxa marka iyo horraameedba lagama maarmaan ah in la helo hoggaan daacad ah oo waxani ay ka go’an tahay. Waana inuu noqdo hoggaan horu-socod ah oo isbeddel doon ah, si loo abuuro dawladda casriga ah ee aynu u qalanno qarniga 21- aad.   Ugu danbayntii- uguma ahmiyad yar’e- gar iyo daw toona ma aha in dadkeenu ay u nooladaan sidii dad cawaan ah oo qabyaaladdu ka sayid calayso waqti adduunyadu isku soo dhawaatay oo ay noqotay tuulo kaliya, taasoo la iska ilaaliyo in lagaa dareemo cunsuriyad iska daa qabiil iyo wax la mid ah.

 Prof.  Cabdi Cali Jaamac 

 Lecturer: University Of Hargeisa

Waxaad Hubaal media kala soo xidhiidhi kartaan E-mailaddan 
Hubaal100@hotmail.com 
Hubaal100@gmail.com
 Hubaal100@yahoo.com
COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- DJIBOUTI NEWS
- Farshaxan
- Farriinnews
- Gabileymedia
- Gabiley24
- GabIleytoday
- Gabileynews
- GABILEYNEWS
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- MURTIMAAL.COM
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- Qodaalnews
- Qtlhost Website
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SAAXILTODAY
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- saylanews/a>
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews