Inqilaabkii 1961-kii Iyo Sarkaalkii Ku Shahiidey.

0
1

Qallinkii: Mahad Cali-Salaan.

Ummaddu waa iney tariikhdeeda si cad u ogaata oo wax ku qaataan, 9-kii December 1961-kii  waxaa Hargeisa ka dhacay inqilaab dib loogu soo celinayey xornimadii luntey 1-dii July 1960-kii,waana goobta uu ku shahiidey Sarkaalkii Cabdillahi Saciid Caabi oo ku magac dheer Gacmo Dheere iyo askarigii Ahmed Cawad illaahay jannadda ha ka waraabiyo waa dhiigii ugu horey ee u daata  xoriyaddii luntey soo calinteedii Somaliland 54 sanno ka hor.

Ayaantay Maandeeq dhashee,uunku filanaayey

Ubadki oon dhadhamin bay u rareen,meel abaar badane,

in loo sahamiyoo bay ahayd,aad wax loo daya’e

Abidkiiba nimaan xoolo dhaqan,baan ku aamminaye

Way iba-kuryowdoo dar-xumaa,oodda loo ragaye.

Calankii Illaahay baxsheen,ku istareexayney

Ilmihiisu kuu ula sinnaa,oday kastoo joogey

Afar cisho markuu jirey ayey,ula abraareene,

Aqoon-badane Sheekh Yuusuf baa,aad u qoonsadaye.

Sida aynu wada ognahay 26-kii JUN 1960-kii  xornimo ayaan qaadaney, 1-dii julyna waa luntey xornimadii,haddana halgan baa bilaabmay 9-kii December 1961-kii ilaa uu socdey oo aan xornimadii luntey dib u helney 18-kii May 1991-kii.

Waxaan idha 26-kii jun 1960-kii waan qaadaney xornimo,se waxan helny 18-kii May 1991-kii waana xornimadii luntey 1-dii July 1960-kii.

Maanta waxaan boodhka ka tumeyna inqilaabkii 9-kii December 1961-kii ee Hargeisa ka dhacay iyo dhiigii ugu horeeyey ee u daa’ta sidii loo soo calin lahaa xornimadii luntey 1960-kii.

Markii Somaliland iyo Soomaaliya isku darsadeen 1960-kii markiiba koonfurtu waxay inoo aragtey inaynu dad waalan nahay oo waxba garaneyn iyaddoo sannad la gaadhin kolkan isku darsaney  waxay bilaabeen howshan xaq daradda ah:

1-Waxay inoo bixiyeen Somali Qaldaan iyo Fratello Fortunato Folle waa talyaani se waxay noqoneysa  ( Fratello=Walaalkii,Fortunato=Nasiibka lahaa, Folle=Waalnaa).Macnahani waxaa weeye WALAALKII NASIIBKA BADNAA EE INTUU XORIYADIISA DHAQSO U HELAY,HADDANA XORIYADIISII ISKA QAADEY EE XAMAR KEENEY 5 CISHO KA DIB.

2- Markii Jamuuriyadda Somalia la dhisey waxa loo dhisey sidan.

Madax-weyne  wuxu ahaa koonfurta.

-Ra’iisal Wasaaraha wuxu ahaa Koonfur.

-Wasiirka Arimaha gudaha,Wasiirka Arimaha iyo Dibada waxay ahayeen koonfur.

-Taliyaha ciidanka qalabka sida,Taliyaha Booliska,Taliyaha waardiyaha dhaqaalaha waxay ahayeen Koonfur.

-Magaalo madaxda koonfur.

-Dekeddii Soomaaliya waxay noqotey Xamar iyo Kismaayo.

-Sharcigii Wadanka lagu xukumayey wuxuu noqdey kii koonfur.

-Barlamaankii 90 Xildhibaan ayuu ahaa waxay qaateen 70 Xildhibaan.

Adigu wadan wadan kale qabsadey oo gacanta u galey maafiyadii talyaaniga ka soo qaad.

3- Markeynu lix bilood wada joogney koonfurtu waxay biloowdey in la raro wax ala wixii qalab dowladeed lahaa ee yaalley dalkii cusbaa Somaliland oo xamar loo raro waxay babuur isjiid ah socdeen 11 bilood ayuunba wax laga gurayey Somaliland oo Xamar loo gurayey.waa bililiqadii ugu horeysa ee Somaliland ay konfuurtu ay bililiqaysato.

Haddaba aan u soo noqdo inqilaabkii waxaa jirtey ingiriisku wuxuu soo tababarey saraakiil waliba ka soo qalin jabiyey SANDHURST COLLEGE oo ah College ay ka soo baxaan Sarakiisha Ciidanka.haddaba kooxdaa ayaa arkey waxa wadanka ka socda iyo dadkan ay ku habsatey AAFADDA SOOMAALI JACEL, waxay arkeen in maamulku koonfurtu xitaa been yahay oo nin aan waxba qorin uu parafosoor sheeganayo, shicibkooduna ugu markhaati furayo beenta.

Markey arkeen waxaas oo dhan oo in maamulka ciidamadda ee konfuurtu xitaa aanu waxba aqoon iyo maamul xumo.

kooxda ka soo qalin jabisey Sandhurst College ayaa waxay u adkeysan wayeen sida nacasnimadda ah ee aan u tuurney xornimadii aan qaadaney 26-kii Jun 1960-kii iyo dhaqanka xun ee ay koonfurtu innagu bilowdey sannad gudihii markii aynu  isku darsaney.

1-dii December 1961-kii ayaa aroor hore waxa ay bilaabeen iney inqilaab dhigaan waxay qabsadeen meel walba idaacada oo kaliya ayaaney qabsan,kolka ayaa lagu waa bariistey se dib ayaa looga wada qabsadey,waxa diidey innuu isdhiibo Sarkaal Cabdilahi Saciid Caabi iyo koox askar ah,nin la odhan jirey Dhiley Casar ayaa toogtey Sarkaal Cabdilahi Saciid Caabi iyo askarigii Axmed Cawad ayaa shahiidey.

Waxaa maalinta meesha ku shahiidey labadaa nin illaahay how naxariisto,waana dhiigii ugu horeeyey iyo labadii qof ee u shahiida sidii xamar leyskaga xoreyn lahaa.

Inqilaabka dhicisoobey waxaa jirey sababo loogu guuleysan waayey waxaana ugu weyna shicibka ayaaney lasocodsiin iyo ummadda oo wali caashaqsan Soomaali weyn.

Waad la wada socoteen wixii ka danbeeyey ee halgankii SNM iney u dhinteen Mujaahidiin ka badan 100,000.

Somalind ha noolaato………Horena how socoto…..

Mahadsan tihiin.

Qallinkii: Mahad Cali-Salaan.

London

mahadpobox@gmail.com

A REPLY TAGO

Please enter your comment!
Please enter your name here