HUBAALMEDIA.COM
“Inta Uu Cadho Iyo Ciil Buuxsamay Ayuu Jawaankii Inta Uu Degta U Ritey Oo Ku Tiraabay Halqabsigan Maalin Walba La Adeegsado”
June 6, 2017 - Written by Mustafe Faro

Af-maldaha Halqabsiyo Lagu Xifaaleeyo Magacyada Degaannada Soomaalida Qaarkood!!!. Q: 2aad W/Q: Maxamed Baashe

“Salaadiinteenna Iyo Qolyahan Baanidda Ka Dhiganaya Qumbula-Dariyaha Wax Gumaada Sow Kuma Shimbiro-Waaqlayn Karno, Ma Shimbirtaas Reer Oodweyne Ayaynu Ka Liidannaa?”

qoraa maxamed baashe xaaji xasan

Beeni maxay tari Booramaan ka imide!

Muxumed Faarax Jiir runlow aan weligii been sheegin buu ahaa oo reer Boorame ah. 1940-addi xilligii Talyaaniga Itoobiya qabsaday ayaa waxa la qaban jirey oo xabsiga la dhigi jirey ciddii ka tallowda dhinaca Somaliland oo Ingiriisku haystey. Muxumed iyo saaxiibkii ayaa Boorame ka tegey, una tallaabay dhinaca Aw Barre oo Talyaanigu haysto oo u laydhsi tegey. Waa la qabtay. Saaxiibkii baa yidhi Muxumed iminkaba Boorame ha sheegan in aad ka timiday. Waa loo yeedhay, Xaggeed ka timid? Runtii baa lagu sii daayey oo waxa uu yidhi “Beeni maxay tari Boorama ayaan ka imide”.

Maax Dugsiiyow Dila yaa mari:

Dila waxa ay ka tirsan tahay gobolka Awdal. Nin wadaag ahaa oo reer Dila ahaa ayaa qolo kale oo Dila safarradeedu soo mari jireeni waxyeeleeyn. Godob ayaa gashay qoladaas wadaadka wax u gaysatey. Maax Dugsiiye waxa uu ka mid ahaa cuqaasha Dila. Islaan Cirro-tidic la odhan jirey oo reer Dila ahayd ayaa caaqilkaas ku soo goosatay oo halqabsigan laga dhaxlay, iyada oo godobtaas shaaca ka qaadaysa, una digaysa kuwii wax gaystey: Maax Dugsiiyow Dila yaa mari! Axmedweli Goth ayaa labadan halqabsi ila soo wadaagey.

Wixii wacan baan wed daynayn ee Wajaale wanaagsanaydaa!

Wajaale waxa ay ahayd magaalo ganacsi oo cammirnaayd. Waxa ay magaalagu burburtay 1964 dagaalkii Xabashida iyo Soomaalida. waxa is taagay dhaqdhaqaaqii ganacsigii xamaamiga. Waxa dhacday busaarad. Halkaas ayuu halqabsigu ku biyo shubayaa. Khadra Kaahin ayaa halqabsigan ila soo wadaagtey.

Wajaale ama siigo kugu qaadday ama simbiriirixo!

Wajaale waxa ay ku taallaa degaan carro madow ah oo marka uu roobku da’o ay adag tahay sida loogu socdaa. Si dhib yar ayaa loogu simbiririxoodaa. Ciidda ayaa dhoobo noqota oo sibiibix noqota, waxana ku yaraada cufis-jiidadkii ka cagta iyo dhuka u dhexeeyey. Xilligaas roobabku da’ayaan waxa dhoobada ku silitaysa baabuurta oo aan la xakamayn karin shookaantooda. Dhinaca kale, Wajaale xagaagii waxa ka dhaca dabaylo siigo wata oo xawligoodu aad u korreeyo. Dabayshaas iyo siigada ay kicisaa indhaha ayey dadka ka tuurtaa. Waa khatar haddaanad ka digtoonaannin, oo waxa dhici karta in ay macawista iyo dirica dadka ka fayddo oo aad ku sigato in ay ku qaawiso.

Ilaahi Wanlaweyn webiga ku darow Wajaalenena waayirka u goo!

Koox fannaaniin ah ayaa Wajaale riwaayad u qaadday. Riwaayadaha waxa lagu jili jirey marka la soo bandhigayp meelo dusha ka furan. Roob aan kala qaadayn ayay kooxdii la kulmeen. Faysal Cumar Musteeg (AHUN) oo kooxda la sicdey ayaa soo xusuustay berigaas sidii Daadadku u qaadeen Wanlaweyn (Daafeed) oo ka mid ah gobolka Shabeellada Hoose, dabadeedna waxa uu halkaas ka baxshey halqabsigan awaadhka ah ee uu labada magaalo ku mataanaynayo. Labadan halqabsi ee kore waxa aan ka qoray Cali Cumar.

Jabkaaguba waa Jabuuti tag oo adoon joogsan jeelka ha lagu dhigo!

Xilligii Faransiisku Jabuuti haystey waxa soodinaha Jabuuti ilaalin jirey askar qaqabata dadka doonaya in ay sharci la’aan ku soo galaan. Magaalada gudaheedana waxa ay ka baadhi jireen cid xadka soo jiidhay oo ku dhuumanaysa o oaf Soomaali ku hadlaysa. Qolo la qabtay markii ay magaalada soo galeen ayaa halqabsigan bixisay.

Ama afgooye aad, ama Afweyne raac, ama afkaaga hayso!

Afgooye waxa ay ku taallaa gobolka Shabeellada Hoose oo uu ku oolli jirey xabsi dadka siyaasadda loo haysto lagu xidhixidhi jirey. Xilligii kelitalisnimada iyo car juuq dhehdu xadhkaha goosatay ayaa halqabsigani soo baxay oo dadka lagu kala doorsansiiyey in ay ama aamusaan oo wixii ay qabaanba qarsadaan, ama taliska raacaan ama ciddii labadaas laga waayaa in ay Afgooye xabsiga ku yaalla joodariga iyo bustaha u sii qaataan.

 “Shimbirtii Oodweynaay Hodhodho”!

Waagii jaadku (qaadku) dhulkeenna soo gelayey ee dadka sahiisu qabtaa ama u xaraaradooda cunitaankiisu dhif iyo naadirka ahaayeen ayaa nin jaadka ka ganacsada oo gaadhi wataa galbeed ka yimi oo u soo kicitimay magaalada Oodweyne, si uu qaad uga iibiyo, si uu dadka uga iibiyo. Waxa ay ku beegnayd baa la yidhi 1950-naadkii dabayaaqadoodii. Waagaas dadka belwedaha lihi dhulka way ku yaraayeen, dadkana way ka faquuqnaayeen oo ma aanay la soo dhex gelin jirin caadadoodaas oo way la dhuuman jireen inta badan. Ninka sigaarka qiijiya ama dhuuqaa waxa loo yaannay “af-ku-dable”. Ninkaas qaadwalaha ahi oo magaciisa la odhan Maxamuud Dhegoole, waxa uu ahaa reer Hargeysa. Maxamed Cali Haybe oo ay isku xaafad ahaayeen, waxa uu ii sheegay in ay Maxamuud wada degganaan jireen xaafadda Oktoober ee Dunbuluq, Hargeysa. Dhowaan ayuu Maxamuud geeriyooday, sida uu ii xaqiijiyey Maxamed Cali Haybe oo ay jiiraan in badan ahaayeen. Xilligaas uu dhallinyarada ahaa ee qaadka ka ganacsan jirey, markii uu Maxamuud Oodweyne u soo dhowaaday, ayaa baabuurkii ka caddilmay. Qaadkii ayuu gaadhigii ka soo rogey oo magaaladii. Suuqii magaalada ayuu kolba maqaaxi laga shaaheeyo jawaankii la tegey oo ka naadiyey in uu jaad iib ah hayo. La ye “cidiba kaam bay odhan waydey oo cid u soo heenta oo ka iibsatuu waayey”!. Magaalada Oodweyne waxa ku badnaa xilligaas shimbiro codad kala jaad ah ku heesa. La ye “jaadlihii oo dhabanka iyo dhoofka isku haya oo ka walbahaarsan suuq waaga jaadkiisa iyo baarixinnimada ku soo abbaaran, ayaa maqlay shimbiro geed saaran oo ka dul ciyaya. Codadkii shimbiraha ayuu dhegta u raariciyey oo dhex galay”. Magaalada Oodweyne sooyaal ahaan waxa ay ku taal meel doox mareen ah, dhir sare na leh oo qudhac u bandanna leh. Geed magaalada ku yaal ayaa caanka ahaa dhirtaas qudhacda ah. Waxa geedkaas oo hadhaciisa lagu nasan jirey, garta lagu qaadi jirey, laguna hoos shaxi jirey, loo yaqaannay Doqon-ma-waaye. Sohda Shimbiraale ayaa magaalada u dhowayd. Ceelal biyood aanay guntoodu engegin ama qallalin roob-waa’ kasta ayay ku badan dooxaas. Togdheer oo la tibaaxo in waddanka ay ugu biyo badan ayay Oodweyne taas la wadaagtaa oo obocdeeda in biyo badani jiifaan ayaa laga tibaax bixiyaa, taas baa oggolaanaysa in shimbiro badani u soo hiloobaan, kuna noolaadaan gu’ iyo jiilaal dhirtaas hadhaca ah iyo biyaha ceelasha ama dixda Oodweyne. Waxa haddaba codadkii kala duwanaa ee shimbiraha uu qaad-walihii ka dhex maqlay shimbir uu is moodsiiyey in ay isaga u gol leedahay oo shubaalinaysa, kuna celcelinaysa cod iyo luuq isku sidkan, wata naaxiyadd u eg “Yaa kaa iibsan, yaa kaa iibsan, yaa kaa iibsan”!. La ye “inta uu cadho iyo ciil buuxsamay, muraaradillaacayna oo wixii hore ba shimbirtani ugaga darraatay, ayuu jawaankii jaadka ahaa inta uu xidhxidhay oo degta u ritey oo cidhibta ku dhuftay ku tiraabay halqabsigan taariikhda galay ee nolosha maalin walba loo adeegsado kufaa-kaceeda”!. Dad baa sheekadan si kale uga warramay oo tilmaamay inuu sheekada keenay in hoos hurday qudhaca Doqon-ma-waaye. Shimbiro ay ka mid ahaayeen qoolley, qudunquuto, yaryaro iwm ayaa geedka ka dul washiirinayey oo hurdadii ninkaas kaga ciyaaray. Qoolley ayaa ugu ci’ badnay baa la yidhi. Kolkii uu heesaha shimbarahaas u adkaysan waayey ayaa inta uu kacay ku tiraabay sida la weriyey hal-qabsiga. Sheekada hore ayaa se loo badan yahay. Allaa se og xaqiiqada. Iyaba waa tan oo kale ee bal ka sitee labadaas dhagax dhexdood iyo halkaas shareeran ee uu ninkaasi murtidaas kala soo baxay?! Wax la ina tus, waxna inoo laaban ee maxaynu maanta murtidaas ka baran karnaa?. Salaadiinteenna iyo qolyahan war-saxaafadeedka iyo haddii aannu “reer hebel” nahay ku dawakhay ee qolo kasta leh, ee baanidda iyo faanka ka dhiganaya qumbula-dariyaha ama nuclear-ka wax gumaada iyo in ay cirka iyo dhulka inoo kala hayaan ee handadaadda iyo dhaarta ku waashay, saw innagu ba kuma shimbiro-waaqlayn karno oo ma odhan karno: “SULDAANOW hodhodho; YAA KAA IIBSAN, YAA KAA IIBSAN, YAA KAA IIBSAN!” Ma shimbirtaas reer Oodweyne ayaynu ka liidannaa?.

Qalinkii Maxamed Baashe X Xasan

mohamedbashe@hotmail.com

Waxaad Hubaal media kala soo xidhiidhi kartaan E-mailaddan 
Hubaal100@hotmail.com 
Hubaal100@gmail.com
 Hubaal100@yahoo.com
COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- DJIBOUTI NEWS
- Farshaxan
- Farriinnews
- Gabileymedia
- Gabiley24
- GabIleytoday
- Gabileynews
- GABILEYNEWS
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- MURTIMAAL.COM
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- Qodaalnews
- Qtlhost Website
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SAAXILTODAY
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- saylanews/a>
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews