Is-beddelka Toggan Ee Wasaaradda Warfaafinta Somaliland Iyo Doorka Madaxda U Saraysa

0
1

Agaasimaha Guud Ee Wasaarada Warfaafinta Oo Shaqo-Wanaag Lagu Majeertay Iyo Dareenka Shaqaalaha

Hargeysa(Hubaal)-Shaqaalaha kala duwan ee Wasaaradda warfaafint, dhaqanka iyo wacyi-galinta somaliland ayaa taageero shaqo iyo mahad-naq u muujiyay Agaasimaha guud ee wasaaradda Warfaafinta dhaqanka iyo wacyi-galinta somaliland Mudane Mukhtaar Maxamed Cali.

isbedel weyn oo dhanka maamulka iyo hufnaanta shaqo ah ayaa ka muuqda wasaaraddaasi tan iyo markii ay maamulkeeda la wareegeen masuuliyiinta uu kamidka yahay agaasime mukhtar, waxaana xawli ku kordhay wax soosaarkii warbaahinta, sida Telefishanka, Idaacadda, Wargeyska Dawan iyo Wakaalada Wararka oo dhamaantood mustawahooda wax soo saar kordhay.

Shaqaalaha wasaaradda ayaa sheegay in mudadii uu joogay Agaasime Mukhtaar Maxamed Cali uu muujiyay dadaal shaqo oo ka dhex muuqada wasaaradda waxaanay sheegeen in dhamaan howlahii wasaaraddu u xilsaarnayd ay u socdaan si habsami ah.

Dhinaca kale waxay sheegeen shaqaalahu in Agaasimaha guud fududeeyay isagoo gudanaya waajibaadkiisa shaqo socodsiinta barnaamijyada iyo tayayntooda, taasina ay boodhka ka tuntay barmaamuj soo saareyaasha oo markii hore ka caajisay shaqada,haddase u kala dheereeya soo saarida barmaamujyada.

Geesta kale shaqaalaha ayaa guud ahaan ku tilmaamay masuuliyiinta wasaaradda qaar isla jaan qaaday oo barbar taagan shaqaalahooda iyagoo ku amaanay madaxwaynaha somaliland xulistii masuuliyiintan uu hor-moodka u yahay Wasiirka wasaaradda warfaafinta, dhaqanka iyo wacyi-galinta somaliland Mudane Maxamed Muuse Diiriye.

Mudadii ay joogeen masuuliyiintan ayaa waxa wasaaradda ka hirgalay mashaariic badan iyo tayaynta barnamijyada, iyadoo si daah-furan looga shaqaysiiyey shaqaalaha iyo qalabka Warbaahinta Qaranka.

Arrinta xusida mudan ayaa ah in uu meesha ka baxay khilaafkii lagu yaqaanay Wasaaradda, isla markaana wakhtiga ay masuuliyiintani jooggeen aan wax ismaandhaaf ah oo ka dhexeeyaa dibada u soo bixin, taasoo laga garan karo in xaaladii wasaaradda oo dhami isbedelay.

Waxa hore caado u ahaan jirtay isku dhac iyo khilaaf jiitama oo dhex mari jiray Wasiirrada iyo madaxda ka hoosaysa ee Wasaaraddaasi, waxaana u dambeeyey kii ka dhex qarxay Wasiirkii hore Cabdiraxmaan Guri barwaaqo iyo madaxdii ka hoosaysay oo gaadhay heer shaqaalaha uu sameeyey.

Ugu dambeyn, horumarka Wasaaradda Warfaafintu wuxuu ka dhigan yahay guul Madaxweyne muuse ka gaadhay xullashada masuuliyiinta uu igmaday Hay’addaha dawladda, iyadoo ay tahay markii ugu horaysay ee muddo sanad ah aan wax khilaaf ahi ka dhicin Wasaaraddan muhiimka u ah Qaranka.

SHARE
Article horeGud. Faysal & Boqor Cismaanow, Hadalkiinu Ma Waafaqsana Dariiqyada Shareecada Islaamka Ee Xalinta Khilaafka
Mustafe Mohammed Abdullahi better known as Mustafe Faro is a Somali journalist, writer and cameraman. Now Mustafe is the chief editor of Hubaal newspaper - a daily Somali magazine issued from Hargeisa, Somaliland. He was former the assistant editor of the Independent Newspaper in Hargeisa, also the assistant editor of Somali Commentator. You can contact him through his E-mail: loodh2013@gmail.com/mustafefaro@hotmail.com or +252 63 4097497

A REPLY TAGO

Please enter your comment!
Please enter your name here