HUBAALMEDIA.COM
Isaga Oo Kaliya Maahe Way Wadda Dawakhsanaayeen
April 5, 2017 - Written by Mustafe Faro

Qalinkii: Suxufi  Cabdiwali Cali Ismaaciil

12583851_1168733143166334_305184762_n (1)

Sheeko Qosol Ah: Maanta oo Arbaca ay bisha 4aad tahay 5 sannadda 2017-ka  waxa dhacday sheeko maadeys umad badan oo aan ka mid ahaa layaab iyo qosol intaba ku riday, hadaba sheekaddan ayaa dhacday Abaaro 12:40 Duhurnimo, aniga oo ka mid ahaa dadkii ku tukanaayey Masaajidka Rusheeye ee magaaladda Hargeysa oo loo garan og-yahay Masjidka Sheekh Maxamed Cumar Dirir, ayaa aniga oo Salaadda Ragcadihii hore I dhaafeen markii aan ka daba geeyey Jamacii intii idhaaftayna raaciyey,ka dib markii aan ka soo baxabay Salaadda ee Iridda dhinaca Bari ee Masaajidka aniga oo labadaydii Kabood gacmaha ku sita waxaan la kulamay sheekaddan.

Nin Dadiisu iila muuqatay Qiyastii ilaa 50 Jir oo Gadh-Casaan iyo Caddaan uu Xine mariyey oo aad u dheer isla markaana Laf Weyn oo Khamiis Xidhan, ayaan kula kulmay Albaabkii Masaajidka ee dhinaca dibadda, waxa uu ahaa nin aad u cadhaysan oo ka hor buuqaayey Masaajidka hortiisa, ninkan waxa hareeraha ka taagan rag ka mida kuwii Masjidka ku tukaday oo qaarkood aan waji garanaayey, hayeeshe meeshu waa masaajid oo dad badan ayaa kuwana ka soo dareerayaan Masaajidka kuwa kale sii galayaan oo Salaadda ku sii deg degayaan maadaama uu Jamacii dhaafay, waxa sido kale Masaajidka dibaddiisa fadhiya Masaakiin dawarsanaaya oo Haween iyo Caruur Oromadda Itoobiya u badan, hadaba markan ma deg degayn oo waan soo tukaday ee sida Somalida u Caadada ah, waxaan intii aan Kabaha Xidhanaayey Al-Baabka Masaajidka hortiisa dhegta u yar dhigay Ninkii oo ku qaylinaaya, waar waxani dad maaha ?, bal waxay wax  ka dayayaan eeg? Halkaas ayaan dhigay Kabahayga way kala baxeen ? iyo hadalo kale oo Cadho ka muuqato ayaa ka soo yeedhaayey ninkan cadhaysan.

Inta waxa  dheera oo dhegahayga ku soo duulaayey, Hadalo kale oo dadka Masaajidka ka soo baxay ee Ninkan Cadhaysnaa la hadlaayey oo qaarkood ku lahaayeen Ninkaasi, “waar wuxu waa Sharabaad ee waxba u noqon maysid ee masaajidka Buuqa ka daa oo cidna waxba kuma galayso ee ALLE ka xishood oo iska tag”, kuwa kale waxa ka soo duulaayey “waar malaha guddaha Masaajidka ayaad kaga timid Sharabaadka ee bal ku yara noqo oo orod ka soo eego”? hadii aan inta dhegaystay oo aan Kabahaygii gashaday, waxaan soo garab istaagay nimankii ninka cadhaysan la hadlaayey ka dib isagii oo hortayda ayaan sida Isha u mariyey Arkay in uu Labadii sii kabood wada gashan yahay oo aanu aheyn Nin Beer kabo ah laga xaday oo Tuug Kabo ka xaday u cadhaysan, inta ka dib isagii ayaan  si toosa u waydiiyey “Xaaji maxa kugu dhacay waadigan cadhaysane ma cid ayaa wax kugu sameysay oo is disheen”? Waxa uu iigu jawaabay “maya ee Qaar Habaar qaba oo Masaajidda uun loo soo diray inay wax ka xadaan ayaa Sharabaadkaygii (Inta uu Lugtii Midig oo uu hal sharabaad u gashan yahay sare u qaaday) lugtan mooyaane lugtii labaad ayey iga xadeen, Mise Indhahaygii ayaan qac ku siiyey markiiba Degta Midig waxa u saaran Sharabaadkan uu lugta kaliya ku gashan yahay kiisii 2aad oo ah ka buuqu ka taagan yahay oo Degta Midig lafteeda u saaran, markaasaan ku idhi “Xaaji hada Garabkaaga kan saarini waa Sharabaadkaagii”?

Kuye “KEEE,,ALAA, Walaahi waa runtaa ee Waa Sharabaadkaygii Adeer waan yar Dawakhay”, Mise dhamaan dadkii meesha taagnaa oo dhan ayaa wada yaabay oo marna qoslay marna wada yidhi “Waar inaga dhaqaajiya meesha wuu waalan yahaye (Hada waa kuwii iyaga oo hortaagan Indhahoodu qaban waayeen Sharabaadka Ninkan Degta U Saaran” , saan anigii laftaydu hoos isku idhi walaahi khaladka isaga oo kaliya kuma koobna ee dhamaan inta meesha taagneyd oo dhan ayaa wada dawakhsneyd, isaga laftiisina waxa uu la sii yaabay intaas oo qof oo isaga oo xanaaqsan ku mashquulsaneyd ee arki waayey una sheegi kari waayey waxay Indhahoodu eegayeen, waxaanu yidhi “Waar iyaga laftooda ayaaban Idhaamin Buuqa ila xoojinaayey ee Sharabadka aan Arki waayey itusi waayey”

Qalinkii: Suxufi  Cabdiwali Cali Ismaaciil

Abdiwali1991@gmail.com

Waxaad Hubaal media kala soo xidhiidhi kartaan E-mailaddan 
Hubaal100@hotmail.com 
Hubaal100@gmail.com
 Hubaal100@yahoo.com
COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- DJIBOUTI NEWS
- Farshaxan
- Farriinnews
- Gabileymedia
- Gabiley24
- GabIleytoday
- Gabileynews
- GABILEYNEWS
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- MURTIMAAL.COM
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- Qodaalnews
- Qtlhost Website
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SAAXILTODAY
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- saylanews/a>
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews