‘Isbadelka Siyaasaddeed Ee Mandaqadda Geeska Afrika Ka Socdaa Waa Fursad Ay Somaliland Ka Faa’iidaysan Karto’- – Siyaasi Axmed Maxamed Gobanimo

0
1

Sida laga warqabo gedgedoonka siyaasadeed iyo isbedellada dhaqan/dhaqaalle ee mandaqadda Geeska Afkrika ka socda toddobaadkii ugu dembeeyey oo dabcan Saamayn toos ah ku leh dalkeena JSL iyo geediga uu ugu jiro kamidho dhalinta himilladiisa [aqoonsi caalami ah iyo koboc dhaqaale] waxaa udub dhexaad u ah dawladda Federaalka ah ee Itoobiya oo ah dalka ugu awooda badan ee jaangoynta u ah dhaqdhaqaaqyada isbedelladaas.

Haddaba Dawladdeena Jamhuuriyadda Somaliland oo saaxiib dhaw muddo dheer la ahayd dhigeeda Itoobiya isla markaana xidhiidho iyo iskaashi ganacsi, mid derisnimo iyo mid bulsheedba  ay labada shacbi ee labadan dal wadaagaan ayaa la odhan karaa waxaa xilligan albaabka soo garaacday fursadii  uu dalkan Jamhuuriyadda Somaliland sugayay muddada rubuc qarniga ka badan ee uu halganka ugu jiray in uu dhamaystiro nidamakiisa dawladnimo iyo xuquuqda dadkiisa kaga maqnayd beesha caalamka.

Xidhiidhka saaxiibtinimo ee u dhexeeya Somaliland iyo Itoobiya oo qorshihii lagu unkay ay maskaxdiisa kasoo maaxatay isla markaana fikirkaasi aabo u ahaa raysal wasaarihii hore ee dalka Itoobiya Meles Zenawi, kaasi oo bud dhig u ahaa iskaashiga arrimaha maanka, xidhiidhka ganacsi iyo taageero dublamaasiyadeed oo uu siin jiray JSL. Haddaba haddii   Males Zenawi Waqtigiisii  uu qorshuhu sidaas ahaa, haatan isbedel baa kuyimi,  aragtidii siyaasadeed iyo qorshihii siyaasiga ahaa ee laga shidaal qaadanayay meesha wuu ka baxay intii ay xukuumadda Cusub ee Abby Ahmed reysal wasaraha ka yahay ay talada Itoobiya la wareegtay laba bilood ka hor.  Sidaas darteed waxaa loo baahan yahay in xukuumadda Somaliland ee madaxweyne Muuse Biixi Hoggaaminayaa ay la timaado qorshe la jaanqaadaya isbedelka siyaasadeed ka dhacay mandaqadda iyo itijaah cad oo lagula qabsanayo. Sidoo kale waa in loo xilsaaro arrintaasi ka midho dhalinteeda cid u fara dhuudhuuban oo xogogaal u ah siyaasadda khaarijiga.

Rasalwasaaraha cusub ee Ethiopia abbey ahmed iyo safarkii uu ku tagay Muqdisho wax dhibaao  inooma laha, mar haddii ay xulafo yihiin Imaaraadka carabta, kaasi oo saamayn weyn ku yeeshay geeska afrika waqtiyadan dembe.

Allaa Mahad leh

Qalinkii- Siyaasi Axmed Maxamed Gobanimo

Hargeysa, Somaliland

 

SHARE
Article hore“Wixii Ay Itoobiya & Somalia Kawada Hadleen, Deked Ama Arrin Kaleba, Somaliland Kuma Jirto”
Mustafe Mohammed Abdullahi better known as Mustafe Faro is a senior Somali journalist, writer and cameraman. Mustafe is the head of programmes of Hubaal newspaper - a daily Somali magazine issued from Hargeisa, Somaliland. He is the assistant editor of the Independent Newspaper in Hargeisa, also the assistant editor of Somali Commentator. You can contact him through his E-mail: loodh2013@gmail.com or +252 63 4097497

A REPLY TAGO

Please enter your comment!
Please enter your name here