Ismaaciil Buubaa Oo Shirkado Shisheeye Ku Xidhiidhiyey Dagaalka Soomaaliya Ku Soo Qaaday Ciidammada Qaranka Ee Tukaraq Ku Sugan

0
1

‘Dagaalka Tukaraq Waxa Ka Dembeeya Shirkado Shisheeye Oo Damacsan In Holhol Ay….” Ismaaciil Buubaa

 

Hargeysa (Hubaal) – Siyaasiga Ismaaciiil Hurre Buubaa ayaa sheegay in Dagaalka Ay Soomaaliya dabada ka riixayso ee ay malleeshiyada maamulka Puntland ku soo qaadeen Somaliland uu yahay mid ay   shirkaddo shisheeye mindida daabkeeda hayaan kuwaasi oo u muuqda damac ka haya shidaal ku jira deegaanka Holhol ee gobolka Sool. Md. Buubaa oo u warramay Bulsho TV waxaa uu xusay in deegaanka Holhol oo ku yaalla Gobolka Sool uu yahay meel lagu tuhmayo in uu ku jiro Shiidala Badani isla markaana ay jiraan shirkaddo shisheeye oo ku qasbaya Puntland in ay la wareegto deegaankaasi si ay uga faa’iidaystaan shiidaalka halkaasi ku jira “Dagaalkan (Tukeraq) waxa uu salka ku hayaa Puntland oo ka soo horjeeda wadankii la isku odhan Jiray Jamhuuriyadda Soomaaliya ee 1960kii isu tagay, waxaanu ahaa mid ka kooban Soomaaliya iyo Somaliland, wada hadalo culculisina ay bilaabmaan ayay ahayd” ayuu yidhi Ismaaciil Hurre Buubaa, Waxa uu intaasi ku daray in Dagaalka ka socda Tukeraq uu yahay mid lagu doonayo in lagu qabsado goobo shiidaal oo ku yaala Gobolka Sool Maamulka Maanta Joogga Puntland iyo siyaasiyiinta Maanta Joogta ayaa u aragta in Gobolka Sool uu ku jiro Pertol faro badan, Holhol in ay macno weyn leedahay, qorshahooduna maaha wax kale ee waxa uu yahay in Gobolka Sool Gacanta lagu qabto, sidoo kale shirkaddo ajanabi ah oo arrintaas ka danbeeyaana waa jiraan, markaas dano aan ahayn kuwo soomaaliyeed, Dano Somaliland iyo Dano Puntland ayay ila tahay dhibaatada maanta socota in ay ka danbayso” ayuu yidhi.

SHARE
Article horeXukuumadda Somaliland Oo Dalka Ka Mamnuucday SBS TV Iyo SOMNEWS TV
Mustafe Mohammed Abdullahi better known as Mustafe Faro is a senior Somali journalist, writer and cameraman. Mustafe is the head of programmes of Hubaal newspaper - a daily Somali magazine issued from Hargeisa, Somaliland. He is the assistant editor of the Independent Newspaper in Hargeisa, also the assistant editor of Somali Commentator. You can contact him through his E-mail: loodh2013@gmail.com or +252 63 4097497

A REPLY TAGO

Please enter your comment!
Please enter your name here