Itoobiya, Dekadda Berbera Iyo Dheelitirka Isbedelka Miisaanka Awoodeed Ee Geeska Afrika. W/Q: Brendon J. Cannon iyo Ash Rossiter.Waxa Turjumay Cabdiqani Xaaji Cali Yuusuf

0
126

 Waxa Qoray Brendon J,Cannon Oo Bare Sare Ka Ah Jaamacadda Khalifa Ee Dalka Imaaraadka, Jaamacadda Hargeysana Ka Ahaa La Taliye Iyo Ash Rossiter Oo Isna Bare Ka Ah Isla Jaamacaddaas

Waxa turjumay: Cabdiqani Xaaji Cali Yuusuf

ARAGTI GUUD (GUNDHIG): Markii ay dhacday madax bannaanida dawladda eratariya 1993kii, itoobiya waxay noqotay waddan xidhan oo ku tiirsan jaarka gaar ahaan dalka Jabuuti si ay u isticmaasho suuqa caalamiga ah,  ku tiirsanaantani waxay caqabad iyo carqalad ku noqotay yoolkii itoobiya ee ahaa inay noqoto  awood buuxda oo aan lagula loolami Karin geeska afrika, maqaalkani waxa uu sharaxaad ka bixinayaa siday itoobiya iskugu dayday  inay saamayn ku yeelato  dano gobol oo dheeraad ah oo ku yaal seeraha xeebaha ah ee geeska,si ay kor ugu qaado siyaasadda iyo dhaqaalaha la xidhiidha waddankaasi xidhan, marka la eego dooda ugu wayn, maqaalkani waxa uu ina tusayaa siday itoobiya uga sii gaashaamatay khatarta iyo fursadaha la xidhiidha faragelinta iyo korukaca wadamada carbeed ku leeyihiin dekadaha gobolka iyo siday cagta u saartay ujeedooyinka siyaasadda dibada ee gacanka (gaar ahaan imaaraadka) si ay shookaanta ugu qabato maalgashiga lala rabo magaalada dekadda ah, halkaasi oo ay addis ababa ka heli karto qorshe-faa,iideedka ugu wayn- waa berbera  ku taala waddankaan wali la ictiraafin e Somaliland- intaa waxa dheer horumarinta dhismaha dekaddan aan wali la dhisin ee geeska afrika waxay noqon doontaa-anaguna ku doodaynaa- meel muhiim ah oo laga garto dheelitirka awoodda geeska, suuragalna ka dhigaysa in itoobiya heshiiskeedu u horseedi doono inay u sarrayso gobolka gudihiisa. Korukacan dhaw ee ku lug leeyihiin dawladaha gacanku[1]  xeebaha geeska afrika waxay horseeday in lagu dhaqaaqo horumarinta dhaqdhaqaaqa dekadaha gobolka, arrintanina waxay ku timid heshiisyo dhawr ah oo ay sameeyeen  waddamada geesku si ay  ugu lug yeeshaan awood qaybsiga gobolka iyagoo eegaya danahooda, waddamadaasi waxaa ka mid ah waddanka xidhan ee itoobiya oo qaatay qorshaha ah inay dhimaan ku tiirsanaanta dekadda jabuuti ee ay kala soo degaan kana dhoofiyaan iyagoo cusboonaysiinay, horumarinaya isticmaalayana dekado kale, dekadaha gobolka, dekada suudaan ee dalka suudaan, berbera oo ku taal Somaliland gobolka soomaaliya, iyo mombasada Kiiniya,  waana horumarinta dekadda berbera gaar ahaan taasi oo sheegaysa inay tahay ta ugu adag marka loo eego hirdanka awoodeed ee geeska iyo waliba xeerka caalimiga ah. Marka la eego dhanka qorshaha dhul-ahaaneed, danaynta ay itoobiya berbera danaynayso  macno wayn bay u samaynaysaa, waa mide saddex dedkadood marka la eego berbera ayaa ugu dhaw itoobiya uguna habboon siinaysana suurtagalnimada ay ka furan karto si wayn, inkastoo la cidleeyay gobolada bari ee itoobiya ganacsigeedii, gaar ahaan dhoofitaankii xoolaha iyo beeraha. Si kastaba ha ahaatee dekaddu waxay ku taala jamhuuriyadda Somaliland taasi oo madax bannaanideeda ku dhawaaqday 1991kii kana madax bannaan soomaaliya,hase ahaatee aan  wali la aqoonsan, sidaa darted  inay matasho  madax xanuun siyaasadeed iyo mid sharciba dawladaha raba inay ku lug yeeshaan waa muhiim. inkastoo wax ka qabashada  heshiiska dekaddan uu helay danayn aan sii buurnayn marka loo eego meelaha ay khusayso ,hadna waxa suuragal ah in natiijo ballaadhan laga helo, waxa ku jirta Djabuti oo ku kaliyaysatay ganacsiga badda , de facto cidlaynta soomaaliya  iyo aragtida ah awoodda gobolka ee soo kacaysa, itoobiya waxay noqonaysaa cidda xukumaysa gobolka, akhrinta iyo indho-indhaynta jirtaa waa aragtiyo badan oo is biirsaday oo laga leeyahay arrimaha dibada; waxay u aragtaa dhacdooyinka qaar gudaha laga soo abaabulay, iyagoo diidaya inay wakiil ka noqdaa waddamada geeska afrika inkastooy yihiin kuwa matalaya  goobta ugu ballaadhan dhacdooyinka dhacaya (Ulrichsen,2011; Burke,2016;Lefebvre 2012).  Baabiintanina waa arrinta khatarta ku ah xidhiidhka itoobiya oo ah awood goboleed oo dan ka leh qorshaha geeska iyo waliba gobolka dekada laga hirgalinayo iyo waliba cidda hirgalinaysaba. Runtii marka la eego arrinta itoobiya iyo dekada geeska gaar ahaan berbera waxay diiradda saaraysaa siday ku hoggaamin lahayd inkastoo loolanka awoodaha geeskuna raadinayo danaynta ka mid noqoshada ku lug lahaanshaha arrimaha dibada ee gobolka. Waxaynu bilaabaynaa inaynu baadhno damaca iyodanaha ay itoobiya ka leedahay hoggaaminta gobolka, inagoo si gaar ah ugu kuur galayna dhibaatada ka haysata inaanay lahayd bad ay wax u soo maraan iyo waliba danteeda u dhiganta dekeda berbera ee Somaliland, maqaalkani intaa ka dib wuxu u gudbayaa inuu faahfaahin ka bixiyo sida xoogga leh ee wadamada khaliijka u saareen waxqabadkooda geeska afrika  u qarxisay afganbinta agaasin dekedadeed oo  laga hirgaliyo gobolka taas oo keentay in la isku sidko dantii itoobiya ka lahayd gobolka. Ugu danbayntii waxaynu daba gal ku samayn waxqabadyada ay itoobiya qaadi doonto si ay ku hormariso danteeda iyo khataraha lid ku ah ee iman kara

KALA SARRAYNTA GEESKA IYO DANAHA ITOOBIYA

Aragtida ah in gobolada loola dhaqmo halbeeg xun marka la baadhayo siyaasadda caalamiga ah waxay ahmiyad wayn heshay dagaalkii qaboobaa ka dib. In lagu qeexo gobolada heer dawladaha isku xidhan si adag oo hufan taasi oo amaankooda aan la kala saari Karin, Buzan Waever iyo De Wilde (1998) waxay ku doodayaan in adduunka badankiisa loo qaybiyo xidhmo amni oo gudaha ah. Ka soo qaad  xidhiidhka amni ee xoogga badan kaasi oo u dhexeeya Itoobiya, Eratariya Jabuuti iyo Soomaaliya, geeska afrika wuxuu samaynayaa gobol marka sidan loo eego.

Aqoon ahaan markaan awoodda saarno gobolka ee aan kala dhigdhigno waxa inoo soo baxay in si taxadar leh loo qaybsado awoodda gobolka (Frazier & Ingersoll, 2010; Garzon Pereira 2014). Dhanka kaliya ee wax laga waydiin karaa waxa weeyi haddiiba awoodaha soo socdaa ay qoolka ka furaan dabarka labada dhinac ah ee nidaamka caalamiga ah(Lake,2009) waxay awoodaan inay la wareegaan xukun  gobolkooda oo ay ahaadaan awoodda gobolka (Buzan &Waever 2003)[2]. Inkastoo  sifooyinka iyo matalida awoodaha gobolka lagu loolamayo, si baase loo qaadankaraa, marka koowaad  awoodaha gobolku waxay u baahanyihiin inay yeeshaan  sarrayn marka loo eego aasaaska awoodooda  ee labarbardhigo jaarkooda, arrimahaana waxa lagu qiyaasi karaa xaddiga bulshada, awoodda dhaqaale, iyo awoodda geesinimo ee ciidaanka[3]. Ta labaad waa inay jirtaa caddaalad darro ka dhan ah qaybsiga awoodda taasi oo u ogolaanaysa awoodaha gobolka inay awoodda saaraan siday saamayn ugu yeelan lahaayeen gobolka (Destradi,2010;95; Buzan &Waever 2003;55-62). Ta saddexaad waa inay leeyihiin danayn siyaasadeed o ay ku xukumi karaan jaarka ama ugu yaraan noqdaan kuwo hoggaamiya haddiiba ay maamulitaanku suuragal ahayn (Genrewol, 2014; 5).

Marka alaab ahaan oo kaliya loo eego, sidoo kalana la barbardhigo jaarkeeda, itoobiya waxay si fiican u sheeganaysaa inay tahay awoodda gobolka. Waa marka koowaade waxay leedahay dad lagu qiyaaso 100 milyan,  kaasi oo ka badan dawladaha ay jaarka la tahay,waxa kale oo ay leedahay ciidanka ugu tayo iyo tiro badan ee geeska-waana mid kor u kac samaynaysa marka loo eego jaarkeeda[4]. Guusha dhanka dhaqaalana waxay sax iyo qalad kay doontaba ha noqotee itoobiya u tahay karti awoodeed oo soo kacaysa, deegaanka itoobiya ee macaashka laga heli karaana waa  cunsur horumar ahaaneed gaar ahaan waxay leedahay biyo dabiici ah oo ku filan, isku soo wada duuboo awood qaybsiga geeska afrika ee xad dhaafka ahina waxa uu la jiraa Adiis ababa, hase yeeshee su,aashu waxa weeyaan waa maxay damaca hoggaamineed?.

Itoobiya waxay leedahay hadaf cad oo ayku hoggaamiso, ku soo daynsato  -marka loo eego aragtida Douglas Lemke- kala sarraynta gudaha geeska afrika (Lemke, 2002;49) dawrka hanka  itoobiya  ee ah inay dusha ka maamusho xidhiidhka gobolku si kastaba ha ahaadee waxa curyaaminaya  khilaafka u dhexeeya iyada iyo dawladaha jaarka ah, waxay dagaal la gashay Soomaaliya iyo Eratariya, dawlada Eratariyana waxay si hoose ula safatay ciddii ka soo horjeedda itoobiya oo soomaaliya ah (Genrewold, 2014;11) ka mid noqoshada kursiga ururka afrika waxay  wadahadal siinaysaa Adis Ababa marka loo eego gobolka, hase ahaatee hoggaaminta sharci ahaan  waxa wiiqaya dhibaatada ka jirta gudahaa taasi oo ay ka mid tahay faqri aad u daran, khilaaf qawmiyadeed, iyo  cabsida laga qabo cunto yaraanta (Dehetz,2008) itoobiya way noqon kartaa awoodda sarre ee gobolka hase ahaate isku daygaasi  ay rabto inay ku aasaasto  qoraal aqoonsiyeed oo ah inay tahay hogaanka gobolka waxa si wayn u diiday jaarkeeda, taasi oo ka dhigaysa arrinta ah damaca hormuudka gobolka (Shirm,2010; Flemes &Wojczewski,2010)   arrinta u baahan in la caddeeyo, waa is xukumadda  ugu muhiimsan ee ay itoobiya ku doonayso hogaaminta geesku waa iyadoon haysan bad ay wax marsato, hadiyo goorna waxa jiri doona goldaloolo wayn oo u dhaxaysa rabitaanka iyo awoodda ay ku matali karto gobolka maadaama ay si xooggan ugu tiirsantahay mid kamid ah jaarkeeda si ay u isticmaasho biyaha caalamiga ah.

ITOOBIYA WAA LA HAREEREEYAY

Si aanu caad ku jirin markaan u eegno dhaqdhaqaaqa ugu wayn ee dekaduhu taariikh ahaan lahaayeen waa daad guraynta alaabaha laga soo rarayo maraakiibta loona rarayo gaadiidka iyo taasi lidkeedba (Jacobs, Ducruet & De Lsnhrn,2010;97).  Filashada ah in la helo ganacsi jaban iyo qiimaha gaadiidka, dekaduhu waxay qabtaan inay isku xidhaan waxsoo saarka iyo warshadaha, sababahaa darted  dekaduhu waxay sameeyaan udub dhexaadka dhaqaalaha waddanka qorshihiisa gaar ahaan wadamada  horumaraya (de Langen 2007; Humphrey &Schmitz 2002;1018) caksiga wadamada xidhan ee horumaraya waxay ku qabaan khasaare (Paudel 2014;Faye. Et al.2004) lahaansho la,aanta bad toos ahi waxay kaa joojinaysaa inaad dhex gashid dhaqaalaha adduunyada, waxaanad u baahanaysaa kharash gaadiid oo dhib kugu ah marka la barbardhigo wadamada badaha leh[5]. Dhimintaanka kharashka socod ee baddu  iyo isku socodsiinta hawlaha tiknoolajiyeed waxay sii xumaynayaan miisaan darrada ay isku yeelanayaan  kuwa badda leh ee haysta dekad la horumariyay iyo kuwa kale. Sidoo kale xaqiiqda ah in ganacsiga ka yimaada waddan xidhan uu sii maro waddan madaxbanaan si uu u isticmaalo markabyada caalamiga ah waxay abuuri kartaa khatar siyaasadeed oo daycni. Haddii waddan xidhan iyo jaarkiisuu geediga u mari jiray is qabsadaan  dibloomaasi ahaan ama ciidan ahaan, waddanka jaarka ah ee geediga loo yahay waxa uu xanibi karaa xuduudda, waxa uu samayn karaan isbadal uu ku xaddidayo socdaalkaasi kaasi oo carqalaynaya ganacsiga, amaba si fudud hadaan u eegno waxay kordhin karaan cashuurta ay saarayaan  alaabtaasi la soo dajinayo.  Xitaa iyadoonay jirin isku dhac toos ahi waddamada bad ahaan xidhani waxay aad ugu nugul yihiin inay jaarkooda ay geediga u maraan kala kulmaan siyaasad layaableh .

Xaqiiqdii itoobiya waxay la silcaysay kutiirsanaanta ay ku qabto jaarkeeda si ay u hesho bad ay wax u soo maraan (Wuhib,1997) qabsashada asmara  1991kii ee ay jabhadda Xoraynta dadka Eratariya (ELPF) ku qabsatay, iyo afgambigii nidaamkii dhargiga ahaa Mingista Xayla Maryam wuxuu markiiba keenay in Eratariya ay shaaca ka qaado inay ka madax banaantahay itoobiya 1993kii. Waayitaanka gobolka Eratariya iyo Dekaddii Badda cas ee Masaawa iyo Casab, itoobiya waxa noqotay dhul go,doon ah. Inkastoo itoobiya ay  si cad u isticmaalaysay dekadda Casab, halkaasi oo saddex meelood oo ganancsiga itoobiya ahi uu ku mari jiray lacag la,aan  ilaa iyo 1997kii- waxa lagu qasba inay  u wareegaan Dekadda Jabuuti, taasi oo xilligaasi  lahayd waddo tareen aad u liidata iyo qalab dakadeed oo tag daran (Faye et al.,2004:45-46). Gacan ku haynta ay jabuuti ku haysay alaabta itoobiya iyo waxsoo saarka paatroolka waxay sii afar laabmatay mudo yar gudahood taasi oo keentay in la hormariyo qalabkii dekadda (Styan,2013;5)  tusaale ahaan dadka iyo dhaqaalaha itoobiya way kobceen waxayna u baahantahay inay ballaadhiso awooddeeda soo dejinta iyo dhoofineedba (Baanka Adduunka:2017)

Horumarku wuu ahaa mid gaabis ah haseyeeshee iyadoo la kaashanayo  hawlaha waawayn ee dekadda wayn ee magaceeda la yidhaah Dekadda Adduunka ee Dubai (DP world) Jabuuti waxay horumarisay inay dhisato deked heer sare ah oo qalabkeedu u dhamaystiran yahay dabayaaqadii sannadkii 2000, kaasi oo xilligaas awood u lahayd inay sii haysto dalabka dhaqaalaha itoobiya ee barwaaqoobay (Chorin,2010; The Economist,2008). Markii la furay 2009kii dhismayaashii qalabka ee Dooraaleh iyo dekadiiba waxay noqdeen qalabka kaliya ee gobolka ka jira awoodana inuu maamulo 15000 (shan iyo toban kun) oo ton lyo waliba maraakiibtii oo qalabkooda sidata (Styan,2013;6) dhankaasi  itoobiya waxay isku dayday inay ka baxsato qiimahaasi sarreeya ee uu ku kacaya addeega xammuulku iyo waliba wakhtiga uu gaadiidku qaadanayo inuu soo dejiyo ama dhoofiyo alaabtii ay la tacaalayeen wadamada ka xidhan dhanka baddu iyadoo la hormarinayo awoodda marinka Jabuuti(DCA) (Gallup,Sachs & Melinger,1999; stone,2001) horumarinka kaabayaasha dhaqaale iyo xuduudaha qaranku aad bay u adagtahay in la diyaariyaa marka loo eego maalgashi la mid ah oo waddanka gudihiisa laga fulinayo. DCA-waa mashruu  hal xuduud leh ah oo si wadajir ah loo dhisay- waxa uu caddeeyay guul dhexdhexaad ah, ugu yaraan marka loo eego dhanka dhaqaale, kaba soo qaad in  si qunyar leh loo fuliyay loona dhisay, sidoo kale khilaafyada soo noqnoqda ee jabuuti a ee ka dhanka ah geedi socodka iyo cashuurta(Cannon;2015) 750 Kiiloo mitir ee Itoobiya iyo Jabuuti waddada tareenka ah waxa dhisay Jayniiska iyagoo waliba daymiyay jabuuti, taasi waxay  hoos u dhigtay safarkii dheeraa ee adiis lagaga iman jiray saddexda cisho iyadoo waddo la marayo inuu ku soo ururo 12 saacadood waa lagu guulaystay.

Hadana iyadoo ay jirto horumarkaasi ballaadhani, itoobiya waxay aad ugu kalsoontahay dekadda jabuuti-iyadoo  95 boqolkiiba  ku tiirsan  dekadda Jabuuti kala soo degitaanka iyo dhoofinta badeecadeeda (Gessesse, 2015)[6].

Isku hallaynta  jabuuti waxay ku soo gocatay Adiis abaa, taasi oo sahaminaysay doorasho kale oo lagu yaray karo isku hallaynta ay ku qabto jaarkeeda dhanka waqooyi bari ilaa iyo 2006dii (Giorgis,2008) waxay fahantay itoobiya inay ahmiyad siiso qorshaha ku saabsan amnigeeda gudaha kaasi oo sheegaya inaad si dheeraad ah loogu kalsoonaan hal jid –gancsi oo kaliya iyo alaab laga maarmaan ah.  Sidaa darted itoobiya waxay dhiishka saartay inay badbaadsato jidkay u mari lahayd dekedaha wadama deriska ah gaar ahaan dekedda berbera.

Danta ay itoobiya ka leedahay berbera waxaa hubaal ah inay macno samaynayso marka loo eego qorshaha deegaanka sidaan hore u soo sheegnay.intaa waxa dheer horumarinta kaabayaasha dhaqaale ee la xidhiidha kordhinta ganacsiga ka imanaya ama tagaya dekedda berbera siina maraya waqooyi bari ee itoobiya waxa uu isku xidhi doona awoodda adiis ababa ee ku saabsan magdhawga, ha ugu badnaadaan gobolada soomaalida iyo oromadu degto(Krgslr,2013;Richards & Bekele,2011). Hadana sababo  badan oo sharci, siyaasaad iyo saadba ah, itoobiya ma awoodo wali inay si buuxda uga faa,iido Dekada berbera.

Aan ku bilawno Dekada bebera waxay ku taalaa Jamhuuriyada Somaliland, taasi oo shaaca ka qaaday madaxbannaanideeda ay ka qaadatay Jamhuuriyadi Soomaaliyeed 1991kii, hase ahaatee aanay wali beesha caalamku aqoonsan, ka soo qaad in itoobiya xidhiidhisay  dawrka hoggaaminta labadaba Iskutagga Wadama Afrika iyo Dawlad Goboleedka (IGAD) ballan qaad iyo gargaar laga helo waddan gooni isku taagay sida Somaliland oo kale waxay u taagantahay xabaal siyaasadeed iyo madax xanuun sharci waayo gobol muhiim  oo gooni u goostay latacaalayana  rabshad dhextaala iyo waliba fallaagooyin kala socda (Yihun,2014) itoobiyana waxay ka aamustay inay si rasmi ah u aqoonsato Somaliland (Jeffret,2016) si kasta ha ahaatee jiritaanka- si rasmi ah ha noqoto ama yaanay noqone- Somaliland  waxaa taageeray oo bartay  itoobiya 1991kii si ay u kobciso danaha ay gobolka ka leedahay iyado Adiis ababana ka furatay  safaarad aan rasmi ahayn caasimada Somaliland ee hargeysa (Kaplan,2008, Rudincova,2016)[7]. maxaa yeelay danaha itoobiya ay ka leedahay horumarinta dekada berbera iyo dhiirigalinta xidhiidh dhaw oo hargaysa lala sameeya waxay dhaafsantahay ahmiyad ku habboon sida xalinta itoobiya ay ka xidhantahay dhulka ay bad u mari lahayd iyo arrinta dhaqaale  ee dhoofka iyo soo dejinta, sida saxda ahi waxa weeyi horumarinta iyo ballaadhinta dekada berbera waxay isku mar taageraysaa laba tiir oo waawayn oo ay itoobiya siyaasadeeda gobol  si daruuri ah uga leedahay oo ah kala qaybsanaan la,aanta itoobiya, damaca hoggaamineed iyo waliba inay badbaado. Ta hore waxay ku lugleedahay in la helo cidlaynta eratariya  si loo wiiqo ilaa la gaadhsiiyo heer ay furka tuurto, si rasmi ahna dib ula midawdo itoobiya ama noqoto  dawlad sahal loo wadan karo oo macmiil ah (Bereketeab,2017, Bereketeab,2013) ilaa iyo 2015kii itoobiya oo kaashanaysa Qaramada Midoobay waxay iska kaashadeen  dacwado isdaba socda oo ka dhan ah ku xadgudubka bini,aadanim oo ay danbi ku gashay xukuumadda madaxwayne Isayaas Afaweerki asmara gudaheeda, waxaanay sahashay in edeg lagu ooto waddanka Eratirya. Tiirka labaad ee ay heshay waxa weeyaan  markii awoodii adiis ay ka nasatay inay ku adkaysatay xaaladda hadda jirta ee dagaaladda somaliya ka jira (Cornwell,2006) marka si fudud loo sheegana itaal darradda soomaliya waxay ka dhigantahay in itoobiya awooddeeda iyo dareenkeedaba  saarayso joojinta dhibaatada amniga gudaha ee isdaba jooga ah iyo sii waditaanka cidlaynta iyo cadaadiska oo la saaro dawladda Eratariya.

Itoobiya ilaa wakhtiyadan danbe waxay ku socotaa hadafkeeda marka loo eego somaliya in ka badan inta bulshada caalamku ay ka shaqaynayaan dhibaatada soomaaliya(Menkhaus,2013) hadafyada is huwan ee beesha caalamku waxay xoogga saarayaan xasilooni daradda siyaasadeed ee somaaliya (Cannon,2016a) gaar ahaan caasimadda Muqdisho waxay keentay awood la,aanta dawladda federaalka soomaliya (DFS) oo ay ka samayso wax macno leh xaqiiqda madaxbannaanid Somaliland  sidoo kale gobolada waqooyi bari ee Puntland.

Itoobiya waxay diiradda saartay hormarka iyo isticmaalka dekadda berbera iyo agagaarka dhinaca ku hayaba. Si kastaba itoobiya waxay is heshay iyadoon awoodin inay si buuxda uga faa,iidaysato fursadahaasi si ay u ballaadhiso saamaynta iyo awoodda maaha oo kaliya suurtagalnimada sharci iyo madax xanuunka siyaasadeed ee ay heshiiska kula galayso Somaliland, waase yaraanka khayraadka iyo awoodda dadeed. Tusaale ahaan marka lagu noqdo 2005tii  itoobiya iyo Somaliland waxay saxeexdeen heshiis laba geesood ah oo khuseeya isticmaalka dekadda berbera iyo adeega  geedi socodka (African Intelligence,2016) 2008diina itoobiya oo ay matalayso Shirkadda Maraakiibta ee itoobiya (ESL) waxay mar labaad soo bandhigtay siday u danaynayaan dekadda berbera (Port Strategy 2011) si kastaba ha ahaatee waxa la waayay  khibradii farsamo iyo khayraadka muhiimka ahaa ee lagu badali lahaa dekadda biyahaa bunniga ah lahayd oo soo yaraanaya looguna badali laha ganacsi la hirgalin karo oo leh xudun  laga dhoofiyo lagana soo dejiyo rarka (Davison,2016) intaa waxa dheer waddo xumo ka timaada xuduuda itoobiya oo soo marta wajaale tagtan berbera waxay carqalad ku riday isku socodkii alaabaha.

Itoobiya waxay isku dayday inay ka tallaabsato dhibaatooyinkaas iyadoo saxeexday heshiis saddex geesood ah oo ay la gashay Jaynaha iyo Somaliland 2011kii kaasi oo khuseeya gaasta iyo saliida iyo isku socodsiinta alaabaha. Heshiiska waxa kale oo ku jiray dhisme baaxad wayn oo lagu sameeyo dekedda berbera iyado ay fulinayso Shirkad jayniis ah oo la yidhaah Petro Trans. Isla xilligaasi (ESL) waxay dhigtay  dalab ah 9 markab oo waawayn oo jayna laga keeno, waxayna carabaabtay rajadeeda ah inay noqoto saamilaha ugu way nee dekadda, qiyaastiina  in lagu xidho Dhismayaasha Caalamiga ah (Port Strategy,2011) si kastaba heshiiskaasi lama hirgalin qayb ahaan maxaa yeelay Petro Trans may awoodin inay hesho caymis dekedda ah iyo talo ay qalab ku keento (Anderson,2012) dekadda berbera waxay ahayd mid aan laga shaqayn, qayb ahaan  itoobiyana  may awoodin inay keento maalgashadayaal iyo shirkado ku dhiiri galiya inay qaataan khatarta siyaasadeed iyo ta sharci ee la xidhiidha ganacsiga Somaliland (Ahmed, 2000; Houssein,2005; Yusuf,2015) si kastaba faafitaankii dagaalkii  kanaalka babul Mandab iyo gacanta cadmeed ee soomaaliya, Yemen waxaa ka bilaabmay dhacdooyin isdaba jog ah oo abuuray carin iyo fursado addiis ababa u timid taasi oo suurta gal ka dhigi karta inay gobolka dib u habayso.

SOO GELITAANKII DAWLADAHA GACANKA CARABTA

Waxa jira xidhiidh qoto dheer oo u dhexeeyay gacanka carbeed iyo geeska afrika kaasi oo ku dhisnaa ganacsiga iyo isku socoka dadka. Awoodda ay saartay jiyoo politicalka ee gacanka carbeed ku leeyihiin gobolka  gaar ahaan seeraha xeebta, waxay qayb ka tahay dedaalka lagu ilaalinayo ganacsiga iyo khayraadka la rabo, sidoo kale  waa jawaab la siinayo awoodda soo socota ee iiraan dhamaadkii 2000 (Ulrichsen,2011, Burke,2016) 2008dii eratariya waxay u damaanad qaaday iiraan inay isticmaasho dekadeeda Casab, iyagoo siiyay Dahran saldhig ay ku fushato dhaqdhaqaaqa badda ee badda cas iyo badwaynta hindiya (Lefebvre.2012) maamulada sucuudiga iyo yamanba way ka calool xumaadeen inay iiraan isticmaasho gobolka eratariya, gaar ahaan  Jasiiradaha yaryar ee Haanish eek u yaala badda cas, iyadoo ay u noqonayso marin  ciidan oo ay mucaaridka shiicada xuutiyiinta ah ee waqooyiga yemen isticmaalaan( Al arabiya,2015) . marka ahmiyad la siinayo caasimadaha khaliijka in ka badan koboca iiraan ee ciidamadda badda ee hadda jooga badacas/gacanka cadmeed, gaar ahaan waliba xidhiidhka ay la leedahay eratariya  waxay is waafaqeen  koritaanka muuqda ee dawladaha khalijku ay ku soo dhexgaleen  dalalka shisheeya (Ulrichsen,2011;120-121) burburkii nidaamka gobolka ka dib waxa ku xigay 2011kii oo uu dhacay kacdoonkii gu,ga carabta, Sucuudi Carabiya iyo iimaaraadka (UAE) iyo waliba Qatar  waxay si cad ula qabatimeen faragalinta siyaasadda arrimaha dibada (Young,2013) waxaa intaa dheer, aragtida ah in Maraykanka oo uu gadhwadeen ka yahay Baraak Obama ay isha ka laliyeen ama ka aamuseen dhaqdhaqaaqa ay iiraan oo lid ku ah wadamada khaliijku ka wado gobolka waxay u horseeday wadamadii khaliijka in  isku filnaashuhu yahay khiyaarka kaliya ee manta jira.

Horraantii sannadkii 2015ka sannado ka dib mucaariddo aan isdaba joog ahayn ee ka jirtay waqooyiga dalka,  xuutiyiinta iyo xulafadoodu waxa la wareegeen caasimadda sanca. Markay bilaabeen xuutiyiintu inay mudaharaad ku tagaan dhankaa iyo koonfurta cadan sucuudigu wuxuu ogaysiis ku bixiyay hawlgal milatari oo uu carab ku kaashanayo si u wiiqo xuutiyiinta  soona celiyo xukuumadda (Knights &Mello,2015) Sucuudiga iyo imraaadku- labada xubnood ee ciidamo leh xulafada- bilawgiiba waxay isticmaaleen Jabuuti  oo ku gudban Gacanka cadmeen si ay xudun uga dhigtaan hawlgalka lagu galayo koonfurta yemen (Reuters Staff,2015a, Alwasat,2015, Emarat TV,2015)[8]. si kastaba ha ahaatee dhamaadkii bisha April 2015, dhawr todobaad markii lagu jiray ololaha, muran iyo isku qaylin ayaa ka dhex dhacday dibloomaasi imaaraad ah iyo abaanduulaha ciidamada cirka ee  Jabuuti taasi oo kala dhantaashay heshiiskii laba geesoodka ahaa ee u dhexeeyay Imaaraadka iyo Jabuuti (GSN,2016)[9]. xidhiidhku markiisu horaba waxa uu ahaa mid qadhaadh ka dib markay jabuuti iskudayday inay qasab u gasho dib uga wadahadlidda heshiiska Dekadda Caalimiga ee Dubay (DP World) kaasi oo soddon sanno ahaa  (2006-2030),wada hadalkiina markuu hakaday, waxaa dhacday in eedayni timaado taasi oo sheegaysa in shirkadda Dubay lagu helay musuqmaasuq khatar ah (Stevis & Fitch,2016) isla natiijadaasi , Imaaraadku ( gaar ahaan sucuudigu) waxa u dhaqaaqeen dhanka eratariya, taasi oo ku gebogebawday heshiis rasmi ah oo wadashaqayneed in lala yeesho Iiraan (Solomon,2016) tuuritaanka la tuuray dawladihii carabta badankoodii, eratariya waxay  heshiis kiro ah ku samaysay Jasiiradeeda Haanish iyo dekedeeda casab iyo wixii qalab yaalayba, iyadoo la gashay Imaaraadka Muddo  30 sanno ah. Kani waa qayb ka mid ah heshiiyo ballaadhan oo ay wada galeen Imaaraadka iyo Eratariya (Hokayem &Roberts,2016;2017) saxeexitaanka  heshiiskani Casab Waxay noqotay Saldhigii koowaad ee  uu ku yeesho imaaraadku  meel ka baxsan jasiiradda Carabta (Getachew,2010) Haddaynu si yar u tilmaano, Casab waxa inbadan horumariyay Imaaraadka, hadda waxa lagu tiriyaa saldhiga ugu casrisan dhanka hawada[10], xero lagu tababaro ciidamada, iyo waliba deked muhiim ah oo leh gundheer taasi oo dhismo ku socdo (Katzman,2017;17)

HURINTA TARTANKA ITOOBIYA IYO ERATARIYA

Inkastoo fikradda ka danbaysa heshiiska imaaraadka iyo eratariya uu  ku soo wareegay khilaafka yemen iyo meesha ku habboon ee loo siiyay deked ka soo horjeeda  kanaalka Baabul Mandab, hehshiiska Imaaraadka iyo Eratariya wuxuu fadqalo ku yahay dheelitirka awoodda gobolka ee xasaasiga ah  taasi  axsaan u samaynaysa Itoobiya. Ganbaleelka digniinta ayaa ka garaacmay Adiis ababa marka la arkay sharcijabinta cidlayntii eratariya taasi oo hoggaamiyayaasha itoobiya ay qaateen aragtida ah isbalaadhin kasta oo ay hesho awoodda eratiriya waxay keensanaysaa in la waayo awoodda itoobiya. Itoobiya waxay haysataa sababo la taaban karo marka la eego siday ugu dhiirantahay Eratariya. Guddi ilaalo oo Qaramada midoobay u soo diray inay ka soo warbixiyaan eratariya aya waxay warbixintoodii ku soo afmeereen in waddanku uu taageero siiyo ciidamo hubaysan oo itoobiya jooga waxaanay siiyeen gabaad iyo meel lagu nabad galo falaagada ka soo horjeedda dawladda itoobiya iyagoo waddankooda ku haya. (UN Monitoring Group,2016;3)[11]. ku eedaynta mawjado xasilooni darro ah oo gobolka agagaarkiisa ah iyo adiis ababa dhamaadkii 2016ka lagu eedeeyay eratariya, afhayeenka dawladda Itoobiya Getachew Reda ayaa sheegay in “ay jiraan waddamo si toos ah ugu lug leh, cabbaynta,maalgalinta iyo tababarida kooxahaasi fallaagada ah” (Reuters Staff,2015b)

Marka la raaco adkaynta xidhiidha ka dhexeeya Imaaraadka iyo Eratariya iyo dhaqdhaqaaqa dhisme ee dekadda Casab, hoggaanka itoobiya waxa uu ka cabsi qabaa in dareenka Imaaraadku u u soo laalaadsamo dhanka Eratariya.  Aragagax itoobiya  waxa uu keenay inay sarkaal sare u diraan Abu Dabay Oktoober 2015 si ay uga barido hoggaanta waddanka oo aanay la sii wadin heshiiska ay la gashay Eratariya awoodeedana saarto isticmaalka iyo dib u habaynta dekadda berbera (CDE,2016) sida uu Werqneh Gebeyehu  Wasiirka Gaadiidka Itoobiya u dhigay “waanu ku faraxsannahay  inaan aragno Imaaraadka oo maalgashaday somaliland marka loo eego eratariya” isagoo ku daray “ ma jeclin inaan aragno wax maalgashi ah oo tagay eratariya……” (Somaliland Sun 2016)

Itoobiya waxay isku dayaysay inay ku guulaysto danaha abu dabay iyo dubay ay ka leeyihiin Dekeda berbera wakhtiyada qaar iyo  qiyaastii wadahalkan degdega ah ee ahaa  markii ugu horraysay ee adiis Ababa ku mashquusho Imaaraadka markuu tix galiyay Berbera. Runtii kulankii Itoobiya iyoimaaraadka  ee guddida wasiiradu si wada jir ah ku qabteen Abuu dabay waxa uu dhacay Abril 2015ki markii xaddi ganacsi isdhaafsi ah oo u dhexeeya labada dal sida la sheegay uu gaadhay in kabada 1 Bilyan oo dollarka maraykan ah, warbixinta tirokoobka itoobiyan ay ku tirisay Imaaraadka lanbarka sideedad marka loo eego maalgashiga dibada ee itoobiya (Embassy of Ethiopia 2015;WAM,2015)  Kulanka Gudida wadajirka ah waxay soo gudbiyeen in natiijada heshiisku uu kordhiyay xidhiidh laba geesood ah oo ay daba socdaan booqasho uu sameeyay Wasiirka Arimaha Dibada Imaaraadka ku tagay itoobiya kaasi oo dhacay dabayaaqadii sannadki 2013ka. Inkastoo war rasmi ah lagu sheegin berbera si gaar ah, weedhihii uu wasiirka arrimaha dibada imaaraadku yidhi waxay ahaayeen kuwo cad; itoobiya iyo imaaraadku way sii wadi doonaan mashaariicda gobolka geeska afrika iyadoo la rumaysanyahay in si wada jir ah looga faa,idi doono (WAM,2013).

Inkastoo khilaafka yemeneed uu siiyay eratariya fursad ay awood u heli karto inay sugto qorshaheeda juquraafi ahaan ay taagantahay si ay ugu guulaysato taageerada dibada jabisana cidlaynta, sidoo kale waxay siinaysaa fursadda ilaa iyo imika aan u banaanayn Adiis ababa taasi oo ku habboon inay ka faa,idaysato.  Wadahadalo loo sii diyaar garoobayo ayaa dhacay bishii Maarso 2015ki kaasi u u dhexeeyay Shirkadda Dubai ee iskaleh ee walaalaha la ah Shirkadda Dubai (DP world)[12] iyo dawladda Somaliland si ay u hormariyaan dekadda gobolka gaar ahaan berbera (Cornwell,2016) wadaxaajoodkani  laftiisa wuxuu ahaa mid hore loo sii muddeeyay  heshiishkii feebarwari 2015kii una dhexeeyay itoobiya iyo dawladda Somaliland si loo horumariyo dekedda (Davison,2016)inkastoo labada wada hadal aanay isla xidhiidhin, wakhtiyayntu waxay sheegaysa sida kale, gaar ahaan in itoobiya la siiyay damaca ay ku qaadici karto heshiiska casaba, iyo ogolaanshihiisa, kaasi oo wali la laayahay khayraadkiisa iyo kharashkiisaba si loo isticmaalo ama loo balaadhiyo dekedda si firfircooni leh. “itoobiya waxay rabtaa boqolkiiba soddon 30% ganacsigeedu inuu maro berbera laga bilaabo July 2015, marka loo eego qorshe shan sanno ah oo la daabacay 2010kii” waxa sheegay  Wasiirka Gaadiidka Itoobiya. Ku xidhida damaca lagu horumarinyo berbera wax kaqabashada xornimada itoobiya  isagoo sii wada waxa uu yidhi: “Inta badan todoba iyo sagaashan boqolkiiba 97% oo maraakiibta ah waxay wali tagaan Jabuuti, iyadoo ay ugu wacantahay dhibta haysta awoodda iyio xaaladda dekedda berbera,waddo xumida marka itoobiya la tagayo iyo iyadoon Dawladda somalind  aanay haysan aqoonsiga beesha caalamka” (Davison, 2016).

Daba ka riixa itoobiya ay rabto inay ku hormariso dekadda berbera kuna qanciso imaaraadka inay ka digo rogtaan  Casan waxaaa keenay laba arrimood oo muhiim ah kuwaasi oo saamayn ku yeeshay go,aanka Abu Dabay iyo Dubay labadaba. Ka koowaad waa daadkii aan hore u soo sheegnay ee u dhexeeyay  Jabuuti Iyo Dekedda Caalamiga ah ee Dubay. Ka labaadna waa isbadalka qunyar ee ciidanka imaaraadka ee hawlgalka ka wada yemen uu diiradda ku saaray inuu xeebta galbeed ka yimaado oo uu bariga cadan tago gaar ahaan xadramawt (Pollack &Knights,2016).   Wareegga ciidamada Imaaraadku ay yemen ku rabaan iyo xidhiidhka xumaaday ee jabuuti[13], Danihii Imaaraadka iyo DUbay ay ka lahaayeen berbera wuu sii kordhay (Fitch,2014). Dhaqaale ahaan dekaddu waxa noqon kartaa  mid faa,iido badan  oo la siiyay caymiska  itoobiya ay ka dhoofsato kalana soo degto, marka la eegana waxooga kharash ah oo lagu kobciyo dekedana laga rabo. Siyaasad ahaanna faa,iidada berbera waxay sii korodhay marka Imaaraadku siiyay ahmiyad inuu u dhawaado Cadan iyo dhinacyada bariga, waxoogaana yareeyo faa,iidada Casab ay u leedahay imaaraadka.

Dhaqdhaqaaqa  Dibloomaasiyadda itoobiya iyo siinta dhaqaale dhiirigalineed waxay waafaqday horumarinta gacanka cadmeed taasi oo ugu danbaytiina gaadhay natiijadii ay adiis Ababa rabtay, May 2016kii Dekekedda Dubay (DP World) waxay saxeexday heshiis 30 sanno ah oo ay ku horumarinayso kuna maamulayso dekadda berbera (Stevis &Fitch,2016)

LAFAGURIDDA HESHIISKA BERBERA

Waxaan dhici Karin in Dekedda Dubay ee caalamiga ah aanay saxeexin heshiiska berbera haddaanay ka arkayn ugu yaraan faa,iido ganacsi oo muddo dheer ah[14]. Sultaan Axmed Bin Sulaymaan gudoomiyaha Dekedda Dubai iyo agaasimaheeda  wuxuu sawir ka bixiyay sida ay dekedda beriberi u noqon doonto magnad mustaqbalka soo jiidan doonta maraakiibka  bariga afrika taasi oo dhiirigalin doontana kobaca dhaqaale ee gobolka. “Maalgashiga dekedda baddan dabiiciga ah waxay soo jiidan doontaa khadad maraakiibeed oo badan oo taga bariga afrika, casriyayteeduna waxay u taagnaan doontaa dhiirigalin koritaanta iyo koboca waddanka ah iyo waliba dhaqaalaaha gobolka” sidaasi ayuu yidhi markii uu heshiiska saxeexayay (Stevis & Fitch,2016), hase yeeshee heshiiska waxa kale oo ku jiray arrimo milatari iyo mid siyaasadeedba. Ta koowaad  Dubay iyo Somaliland waxay wada saxeexdeen Qoraal rasmi ah oo la isku afgartay marka loo eego cidda arki karta heshiiska ogolaansho ee ay dubay ku taageeri doonto shirkadda kalluumaysiga ee Somaliland; ka caawin doonto dhisitaanka wadada u dhaxaysa somalinad iyo itoobiya; dhisto hotel caalami ah (four-star) laba magaalo midkood Hargaysa caasimadda Somaliland ama berbera; damaanad qaado in somalilandarisku ay heli karaan inay tagi karaan imaaraadka kana shaqaysan karaan[15].

Markaan ka nimaadno heshiiska Dekedda caalamiga ah ee dubay, dawladda iskeed isku magacawday ee somaliand ee hargeysi waxay bishii February 2017 kula heshiisay imaaraadka in xarun military laga sameeyo berbera. Saldhigu oo 90 kilomitir oo xeebaha yemen ah waxana loogu talo galay in lagu kaalmeeyo ciidamada imaaraadku si ay xoojiyaan cunaqabtaynta yemen, saldhiga go,aankiisa waxa uu dhacay kadib markii looga coddeeyay baarlamaanka Somaliland ee hargaysa bishii feebarwari 2017kii halkaasi oo 144 (boqol iyo afar iyo afartan) mudan ay u coddeeyeen saldhigga, labana ay ka soo horjeedsadeen, labana ka aamuseen , sagaal mudane oo kalana askari dibada uga soo saartay golaha (BBC,2017a)

U coddaynta saldhigga milatari iyo heshiiska dekedda berbera ee lala galay dekedda caalamiga ah ee dubay(DP World) waxa uu kiciyay fal celin bulshada Somaliland ay ka keentay iyadoo cadho loo qaaday Madaxwaynaha Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo iyo qoyskiisa oo sida la sheegay ka faa,iiday heshiiska[16].cadhadu waxay sidoo kale xididada u gashay laba qabiil iyo jufo jufo in la iskugu qabsado dhulka gaar ahaan nawaaxiga berbera. Maxkamadda sare ee Somalilandna sida la shegay waxay danaynaysay inay dib u eegto heshiiska[17].

Cadhada ka qaraxday qaar ka mid ah somalind marka la barbardhigo ta muqdisho, taasi oo dareen siisay dawladda federaalka ee soomaaliya inay u aragto heshiis kasta oo rasmi ah oo hargaysa lala gala inuu six un u saamayn doono sheegashada awoodeed ee ay somaliand ku leedahay , waxa ku darsamay qoraal dibloomaasi oo rasmi ah oo ka yimid Washintoon, Anqara iyo Caasimaddo kale oo awoodda saaraya midnimada somaaliya, hargaysi laga soo bilaabo heshiiskii dekedda berbera waxay noqotay mid la cidleeyay marka laga reebo ergooyinka bini,aadanimo (Tika,2014)[18]. runtii ma jiro wax si fiican u tusi kara dhulgariirka ku yimid heshiiska berbera ee ay itoobiya wado marka loo eego cadhada muqdisho. Dawladda federaalka soomaaliya wasiiradooda waxay si cad uga horyimaadeen  xaqa ay Somaliland ku yeelan karto inay heshiis la gasho wax waddan ah (Shir Jaraa,id, 2017). Cadhadaasi waa mid la daremi karo markii imaaraadku kala soo noqdeen safiirkoodii somaliya  bishii march 2017, baarlamaanka soomaliya ee muqdishana sida la sheegay ay keeneen Mooshin lagu maxkamadaynayo saldhiga iyo heshiiska uu imaaraadku ka sameeyay berbera (Dalsan Radio Mogadishu,2017; Harun_Macruuf,2017). Heshiiska dhexmaray hargaysa iyo imaaraadku wuxuu sidoo kale qarxiyay dacwadda sharci ee ka timid muqdisho(Katzman, 2017). Hanti dhawraha guud ee Dawladda Nuur Jimcaale Faarax  wuxuu ugu baaqaydawladda federaalka ah inay qaadaan qorshihii ay ku dacwayn lahaayeen imaaraadka ku soo xadgudbay xeerka caalamiga ah. [ “Imaaraadku waxay ku xadgudbeen madaxbanaanideenii iyo hawadeena maxaa yeelay qorshaha ay ku yimaadeen Somaliland iyagoon bixin cashuurtii cirka aanan kana haysanna ogolaansho sharci ah dawladda soomaaliya,” faarax baa si diidmo ah ugu sheegay weriyayaasha (Shir Jaraa,id,2017).

Inkastoo sida la sheegay ay heshiiskani saxeexday shaanbaddana ku dhufatay  dawladdii hore ee federaalka ee uu gadhwadeenka ka ahaa Xasan Sheekh Maxamuud, faarax waxa uu ku eedeeyay madaxwaynaha federaalka iyo kuwa kalaba, somaliya iyo somalinad  inay sameeyeen musuqmaasuq. “Waan ognahay in shaqsiyaad hoggaamiyayaal ah oo ka tirsan somaliya iyo Somaliland lagu martiqaaday dubay, waxaanay musuqmaasuqeen  iyadoo la siiyay kiishash lacag ah si ay u saxeexaan heshiiska” sidaasi ayuu yidhi (GSN,2017).

Iyadoo la eegayn qanac la,aanta labadaba somaliya iyo Somaliland ay ku qabaan heshiiska imaaraadku lagalay hargaysa, itoobiya ayaa wadda- si wayn daaha dabadiisa- si ay u isticmaasho deked kale, sidaas darted waxay sare u qaadaysaa danaheeda dhaqaale iyo amni labadaba. Xaqiiqadu waxa weeyaan kobaca sannadlaha ah ee xamuulka itoobiya- sagaal milyan oo ton sida lagu qiyaasay 2011kii- itoobiya waxay rabtaa jid kale oo u badala ka jabuuti (Port Strategy,2011), saxeexitaanka qalinka lagu duugay dekeda berbera ee sii shiiqaysa waxay heli doontaa 442 (afar boqol iyo labiyo afartan ) milyan oo dollar oo lagu maamulo laguna kobciyo “ mashruuca dekedaad ee caalamiga ah ee wax walba qabanaya” (Staff Report,2016). Imaraadku sidoo kale waxay sheegeen inay dhisayaan jidwayn oo caalami ah oo u dhexeeya dekedda berbera  iyo magaalada xadka ah ee wajaale[19] ee u dhaxaysa Somaliland iyo itoobiya.  Tani waxay isku xidhi doontaa wadada casriga ah ee ka jirta dhinaca xuduuda ah ee itoobiya  (National Staff,2017a). intaa waxa dheer  markii heshiiska u dhexeeya Dekedda dubay ee caalamiga ah iyo somalinad qalinka lagu duugay, itoobiya waxay isku hubsatay sida uu muhiim u yahay joogitaankeed marka la hagaajinayo ee la hormarinayo dekedda iyadoo soo wakiilatay Shirkadda Maraakiibta ee itoobiya (ESL). Shirkadaasi sida la sheegay waxay maamuli doontaa 19% (sagaal iyo toban) boqolkiiba saamiga heshiiska- ku dhawaad labanlaab ka badan intay markii hore filaysay inay hesho (Manek,2017, Indian Ocean Newsletter,2017). Arrinta waxaa qayb ahaan dib ka xaqiijiyay Xuseen Cige Dayr afhayeenka Madaxwaynaha Somaliland kasi oo sheegay in dekedda Dubay ee caalamig ahi ay u qorshaysay in ku dhaw shan meeloodoow meel  dekedda inay yeelato shixnadlayda itoobiya (JOC). Wasiirka Arrimaha dibada Somaliland Sacad Cali Shire waxa uu isna sii xaqiijiyay boqolkiiba inta la leeyahay, isagoo sheegay in Dekedda dubay ee caalamiga ahi ay ka iibisay 14% (afar iyo toban) boqolkiba saamigeeda itoobiya, iyadoo somalilandna ay 5% (shan) boqlkiiba ka iibisay itoobiya (National Staff,2017b). ugu danbayntii itoobiya way awoodda inay si rasmi ah u hagto heshiis sharci oo u dhexeeya xaqiiqdii sax iyo qaladba. Hase ahaatee aan la aqoonsan,dawlad madax banana ee Somaliland iyo imaaraadka. In sidaa la yeelo, itoobiya waxa kale oo ay  sii xaqiijisay sii waditaanka kala qaybinta soomaaliya oo ay dariiqa u xaadho ugu danbayntii in la aqoonsado Jamhuuriyadda Somaliland.

GUNAANAD

Arrinta berbera ma ina tusaysaa in itoobiya ay samaysay  kala sarrayn la aqbali karo oo aan lagula loolami kari geeska afrika? Jawaabtoo koobani waa maya. Itoobiya ma sii aha awood soo kacaysa marka loo eego dhulkaa badda ka xidhan ee ay ku qasbantahay. Berberina waxay u taagantahay waddo saaxiib la ah gobolka  dawladda jilicsan ee suuqa itoobiya. Bartilmaameedkayaga aan ka leenahay siyaasadda arrimaha dibada itoobiya  marka loo eego inay tahay gobol ballaadhan waxaan isku dayaynaa uun inaan sheegno sida ay u yartahay waxa kooban ee  laga qoray siyaasadda dhul ee horumarka geeska afrika, gaar ahaan marka la eegaya horumarinta dekedaha. Sida la sheegay, intooda badan waxaan awoodda saarnay awoodaha dibada iyo xaaladda amni sida khilaafka yemen kaasi oo dhaliyay inay soo weeraraan dawlado dibada ah. Xoogga oo la saaro  itoobiya iyo ujeedada wadamada   u dhaw, waxaanu isku daynay inaan ka dheeraano dhibaatooyinka guud iyadoo wadamada afrikaanka ah ay aaminsanyihiin inay waayeen oo ay ka caajiseen yeelasho wakiil la mid ah sida ay u dhaqmaan awoodaha  iyo gaashaanbuuraysiga  gobo lee ka baxsan qaaradda (Cannon,2016b;57). Sidaa darted digniinaha ka wahaya, marka hore maqaalkayagani waxa u si kooban uga hadlayaa arrimah  ku saabsan madaxda iyo ganacsadayaasha Jamhuuriyadda Somaliland ee la xidhiidha horumarinta dekedda berbera. Lafogurka arrimahanina waxay hadiyo goor si wada jir ah ama u dhiirigalinayaan Adiis ababa sidoo kale cadhada ka timaada ku qanacsanaan la,aanta heshiiska Somaliland gashay wuu ka baxsanyahay xadka maqaalka waxaanu u taaganyahay arrin iyo mashruuc  la eegi karo, laba maqaalkayagu wuxuu si wayn u ilduufayaa siyaasadda gudaha itoobiya qayb ahaan , waayo arrimahaasi waa ay ka baxsanyihiin xaydaanka maqaalka, qayb ahaanna waxa keenay iyadoo ay yartahay xog la xaqiijin karo oo ka soo baxda itoobiya, ugu danbayntii  maqaalku wuxuu awoodda saaraya itoobiya iyo imaaraadka kaliya inay u muuqdaan tiro aan qaybsami Karin oo lagu dhuftay matalayaasha gobolka iyo caalamiga ah ee ka hawlgala soomaaliya. Si kasta ha ahaatee waxaanu qabnaa in Turkiga, Ingiriiska, Maraykan, Qadar, Talyaaniga iyo Kiiniya iyo kuwa kalaba inayku urureen Muqdisho- koonfurta fog ee Somaliland- danahooda istaraatiijiga ah waxay ka  sheegeen masraxa  iyo inay xidhiidhkooda u leexiyeen dawladd federaalka Soomaaliyeed,si Siyaasadeed, Dhaqaale iyo Amaan ahaanba oo firfircoon.

Awoodaha gobolku waa inay si go,aan leh u saameeyaan siyaasadda jaarkooda, si ay u gaadhaan yoolkooga, dhulka xidhan ee aan badda lahayn ee Adiis ababa may awoodin  inay korto dawrkaasi, inkastoo qaybinta awoodeed ee gobolka ay iyada ayidayso. Ka xanaaqidda ay ku tiirsanayd Jabuuti inay ka soo dejisato kana dhoofsato alaabteeda suuqa leh iyo waliba alaabaha muhiimka ah, itoobiay waxay qaaday duullaan dibloomaasiyadeed iyadoo matalaysaa Somaliland xidhiidhna la leh dekedda berbera si ay u sii waddo danteeda laga soo bilaabo 2008dii. Hadana markay la kulanto suurtagalnimada cadawgeeda eratariya oo ka baxaya cidlayntii caalamiga ahayd, itoobiya waxay tustaa ka horrayn iyadoo isku xidhaysa dawladd iyo maamul goboleedyo si ay ugu dhaqaajiso imaaraadka dhanka berbera kana leexiso casaba.  Goortii itoobiya ay ku guuldarraysatay inay ku qanciso imaaraadka inay guuraan dekedda eratariya, waxay ku guulaystay ujeedada ah inay hesho dekeda dubay ee caalmiga ah inay dib u habayn iyo horumarin dheeraad ah ku samayso dekedda berbera si loo maareeyo ganacsiga iyo geedi socodka alaabaha itoobiya ee isa soo taraya. Xilliga la joogo laba 2% boqolkiiba  oo alaabta itoobiya ah oo soo dejin iyo dhoofin ah ayaa yimaada dekedda berbera, kaasi oo haysta shan meelood oo markab ku soo xidho, hadana horumarka lagu hayo dekedda berbera soddon sano ee soo socda ee ay waddo dekedda dubay ee caalamiga ah waxay yaraysa sidii waynayd ee ay itoobiya iskugu hallayn jirtay Jabuuti,waxaanay ka dhigantahay in irrida ugu horumarsan ee geeska afrika  aanu ku sii jirayn kooto ganacsi oo ku haysto dhaqaalaha ugu badan geeska oo uu noqdo mid hogaamiya.

Danaha itoobiya ay ka leedahay gobolka waxa sii kordhisay muhiimada ay u sameeyeen imaaraadku Dekeda berbera ee Somaliland,  nidaamka  hawleed marka la eego itoobiya way ka barkin dheeraysatay  danahii kale ee ay ka lahayd amniga gobolka; taasi oo xaqiijisay markay heshay somaliya oo kala qaybsan oo liidata. Si caqli badan bay u samaysay inay ka hortagto fal kasta oo muuqda kaasi oo si qaldan loogu fasiran doono Muqdisho, Qaramada Midoobay iyo ururka afrika (Staff Report,2016). Halkii ay muqdisho cadhada muqdisho abaari lahayd Somaliland iyo imaaraadka. Habka wax u socdaan marka la eego, sii kala qaysanaan iyo burburka Somalia iyo waliba cidlaynta Eratariya waxay ka dhigantahay in itoobiya ay tahay dilaalka awoodda gudeed ee aan lagula loolami Karin gobolka; hoggaanka gobolka. Inta waxa dheer heshiisyada dekeda iyo macdanta oo ku sii socda xeebaha waqooyiga soomaaliya, Adiis ababa way la xaajoon kartaa Somaliland, maamul goboleedka puntland iyo dawladda federaalka soomaaliyaba si kala soocan-si toos ah iyo si dadbanba- iyadoo la eegayo danta laga leeyahay. Itoobiya way sii xoojisay  isku dhajinta  Somaliland  iyo dhankaa hargaysa, itoobiya waxay isku keentay awood ay weheliso arrin wax lagu beer laxawsado si ay u gaadho yoolkeeda. Inkastoo itoobiya ay door wayn ka gaysatay muhiimadda dibadeed ee ah in la maalgashado lana aqoonsado Somaliland , sidoo kale waxay u gacan dhaaftay arrimaha dibada. Tusaale ahaan markii wafdiga Somaliland ka socda lagu casuumay dalka Masar, itoobiya waxay muujisay dacwad dibloomaasiyadeed oo aad u daran taasi oo lagaga soo horjeedo hirdanta wabiga Niil halkaasi oo ay hargaysina joojisay safarkaasi (Somaliland Informer,2017). Sidoo kale hargeysi waxay is tustay iyadoo ku dhiiranaysa inay u dhaqanto si madaxbanaani ah hadana ku qasban baahida ah inay hesho ogolaanshaha itoobiya. Inkastoo itoobiya ay bilawday inay sii kordhiso xaddiga alaabta iyo adeega ay ka gudbiso xuduuda ay la leedahay jidka Somaliland ee cusub kuna sii marto dekedda la casriyeey ee berbera, hargaysi waxay is waydiinaysaa aragtida ugu muhiimsan ee ku lug leh heshiiska dekedda. Hadana hal aragti wali la isma waydiin; waa awoodda itoobiya ee soo kacaysa iyo saamaynta ay ku leedahay gobolka oo dhan

 

[1] Dawladaha gacanka waxa loo soo gaabiyay lix boqortooyo oo carabta ah kuwaasi oo sameeyay gudiga iskaashatada gacanka, waxaana ka mid ah; kuwayt, Cumaan, Qadar, Sucuudiga, iyo Iskutaga Imaaraadka carabta

[2] Sharaxaad dheeraad ah si aad uga hesho “awoodaha geeska” dib ugu noqo Flemes iyo Nolte (2010)

[3] Si aad si qoto dheer u sii dhex gashid jiritaanka xaqiiqada ah awoodaha gobolka eeg Nolte (2010)

[4] Bangiga adduunku wuxuu ku qiyaasay korukac lagu qiyaasay 10.8% sannadkii 2003/04-2014/15 marka la barbardhigo celceliska gobolka oo ah 5.4%

[5]  Daraasad lagu sameeyay is dhexgalka goobta degaanka, ganacsiga iyo kobaca dhaqaale waxay keentay in wadamada ka xidhan baddu celcelis ahan ay ka koritaan yaryihiin marka loo eego wadamada badda leh, eeg tusaale ahaan Mackellar, Worgotter & Worz (2002); Limao & Venables (2001); and Glassner (2003)

[6]  2015kii itoobiya waxay la soo degtay 13bilyan oo dollar oo u alaab ah, waxaanay dhoofisay 3 bilyan oo dollar sannadkaasi, itoobiya waxay isku halaysaa Jabuuti, marka la reebo ubax iyo waxoogaga cuntada ah ee dhamaanaya sida hilibka

[7]  Qoraagu waxa uu ka helay fiise itoobiyaan ah safaaradda aan rasmiga ahayn ee suuqa hoose ee hargaysa ku taal isagoo socdaal ku tagay ilaa iyo magaalada jigjiga iyo harar siina maray magaalada xuduuda ah ee wajaaale April 2015kii

[8]  Ciidamada badankoodu waxay ka yimaadeen Sucuudiga, iyo Imaaraadka. Waxa ka yimaadeen . gaashaanbuurta dawladaha gacanka, Baxrayn, Kuwayt iyo Qatar iyaguna waxyar bay ka gaysteen. Siniigaal iyo suudaana sidoo kale waxay ku waafaqeen in ay ciidamo u diraan

[9] Rogmadkaasi iyo isku dhacaasi wuxuu dhacay ka dib markii diyaarad imaaraadka ahi oo wadday weerarkii yaman ay soo cago dhigatay Madaarka Caalamiga Ambooli ee Jabuuti iyadoon soo ogaysiin. Warbixino qarsoonna waxay sheegayaan in khilaafku noqday mid gacan ka hadal ah

[10] 2016kii  Gudiga kormeerka ee qaramada midoobay waxay sheegeen “isbeddel wayn” oo dhaqdhaqaan ciidan ah kaasi oo imanaya kuna hareeraysan Casab, oo ay ku jiraan joogitaanka ciidamo aan eratariya ahayn, qalab ciidan oo casri ah iyo dhisitaanka dhisme milatari oo la xidhiidha hawada iyo baddaba

[11]  Gudida kormeerka ee qaramada midoobay waxay sheegeen in eratariya sii wado magan galinta ciidamo ka soo horjeeda itoobiya oo ay ku jiraan wadaniyiita Ginbot ee dhawaan la sameeyay

[12] Dekeda P&O waxay mataano la tahay shirkadda dekedaha ee dubay waxaanay wadaagaan hal gudoomiye,Dekedda dubay ee caalamiga ah (DP World) waxa iska leh shirkadda maalgashiga ee dubay halka Dekeda P&O ay iska leedahay dawladdu,(PCFC)

[13]  Xilligaasi dekedda dubay ee caalamiga ah waxay ku xayirtay dagaal maxkamadeed dawladda Jabuuti. 2014kii dawladda jabuti waxay u bilawday nidaam gar qaadid ay landhan ku tagtay iyadoo ku dacwaysay dekkeda caalamiga ah ee dubay inay laaluush siinaysay guddoomiyihii hore ee dekeda Jabuuti Cabdiraxmaan Boore, iyadoo arrintii dooraaleh ka tanaasulkeedana laga wada xaajooday

[14]  Waraysi sir ah oo lagula  yeeshay dubay sarkaal Imaaraad Feebarwari 2017

[15] Waraysi sir ah oo lagula yeeshay hargaysa sarkaal Somaliland ah Feebarwari 2017

[16] Waraysi sir ah oo hargaysa lagula yeeshay sarkaad Somaliland ah June 2017ki

[17] Waraysi sir ah oo hargaysa lagula yeeshay sarkaad Somaliland ah December 2016ki

[18] Tusaale ahaan haayadda turkiga ah ee ka shaqaysa horumarintu (TIKA) waxay ka furatay xafiis hargaysa dabayaaqadii 2015ka, afar sano ka dib markay muqdisho tagtay, inkastooy dhistay oo ay waday dugsiyo iyo mashaariic kale ilaa iyo badhtamihii 2012ka

[19]  Xilligaasi aan qoraynay maqaalka wadada isku xidha xuduuda ee wajaale iyo hargaysa waxa ku socday dib u habayn wanaagsan, si kastaba ha ahaatee isku xidhka wadada tagta waqooyi iyo bari ee hargaysa ka tagta, berberana tagtay kuna sii socota gaar ahan burco waxay u baahantahay hagaajin wayn

A REPLY TAGO

Please enter your comment!
Please enter your name here