Itoobiya: Iskudhacyada Qowmiyadaha Oo Minjaxaabinaya Isbadallada Uu Wado Raysal Wasaare Abiy Ahmed

0
1

In ka badan 2.5 milyan oo qof ayaa lagu qasbay in ay guryahooda ka qaxaan dalka Itoobiya ,waxaana dadkan inta badan barakiciyay rabshado la xidhiidha qowmiyado iska soo horjeeda. Arrintan ayaa la tilmaamay in ay halis ku tahay isbadallada degdega ah ee uu wado raii’sul wasaare Abiy Axmed.

Xiisad gaamurtay oo ka dhalatay sanooyiin badan oo cadaadis siyaasadeed uu dalkaasi ka jiray xiligii Meles Zenawi iyo Hailemariam Desalegn, ayaa sii xoogaysatay ka dib markii Abiy uu la wareegay awoodda bishii Abriil, islamarkaana uu fasaxay xorriyada rayidka.

Inta badan isku dhacyada qowmiyadaha waxaa dhaliyay kheyraadka oo yar iyo muran dhanka dhulka ah, balse kuwa kalana waxa ay ka dhasheen gacan bidxeyn la sheegay in lagu hayay qowmiyadaha qaar iyo in aan xukunka wax laga siin.

Kala qaybsanaantan ayaa ahayd mid jirtay tan iyo 1994 markaasi oo la asaasay nidaamka maamulka gobollada oo lagu saleeyay qowmiyado, ka dib markii ay xukunka dalkaasi la wareegeen xisbiga EPRDF.

Weeararadii lama filaanka ahaa ee qowmiyadaha ku salaysnaa ee caasimada Addis Ababa ka dhacay intii u dhaxaysay 13-16 Siteembar, ayna ku dhinteen 58 qof, ayaa ahaa tusaale muujinayay heerka kala qaybsanaanta dalka Itoobiya uu wajahayo.

Rabshadaha iyo isku dhacyadii ku salaysnaa qowmiyadaha ee dhawaan dhacay ayaa dib u dhac ku keenay Abiy Axmed oo xilka haya oo kali ah muddo 6 bilood ah.

Intii uu xilka hayay Dr Abiy waxa uu ku talaabsaday hormarro waawayn, sida in uu la heshiiyay Eritrea, xabsigana uu ka sii daayay maxaabiis, islamarkana uu dalka ku soo dhaweeyay mucaarad badan oo dibad joog ahaa.

Waxa ay rabshado ka dhaceen ugu yaraan 5 ka mid ah sagaalka gobol ee uu dalka Itoobiya ka kooban yahay .

Qaar ka mid ah rabashadahaasi ayaa ku salaysnaa qowmiyado, halka kuwa kale ay la xiriireen loolan loogu jiray daaq, biyo, iyo waliba muran dhanka xudduudaha ah.

Nidaam Federaal oo qoomiyado ku saleeysan

Dalka Itoobiya ayaa ka kooban 9 gobol oo ku salaysan qoomiyado taasi oo lagu badalay 14 gobol ee dalkaasi ka jiray muddo tobaneeyo sano.

Isbadaladan ayaa dib u qeexay gobol walba iyo qoomiyadda dagan waxa ayna sare u qaaday tartan loo galay kheyraadka iyo aqoonsi siyaasadeed.

Aragtida ka dambeysay abuurida ismaamul goboleedyada ayaa ahayd mid lagu doonayay hormarinta gobolada iyo matalaada .

Balse dadka arrintan ka soo horjeeday ayaa sheegay in tallaabadani ay ahayd qorsha ay qoomiyada Tigreeda in ay dhidibada ugu sii aasayeen awoodooda.

Sanooyiin badan ayaa xisbiga TPLF ee qoomiyadda Tigreeda xubintana ka ah isbahaysiga EPRDF -waxa ay ahaayeen kuwa awodda dalkaasi Itoobiya haystay.

Nidaamka siyaasadeed ee ay gacanta ku hayeen xisbiga haya talada dalkaasi iyo laamaha ammaanka ayaa loo aaneeyay in ay huriyeen tartan iyo isku dhacyo dhexmara kooxa kala duwan.

Laga soo billaabo dabayaaqadii 2014, ayaa qoomiyadaha Oromada iyo Amxaarada oo ah labada qoomiyadood ee ugu badan dalkaasi waxaa ay wadeen dibadbaxyo ay dowladda uga soo horjeedeen.

Dibadbaxyadani ayaa ugu dambayntii sababay in horraantii sanadkan uu xilka ka dago rai’sul wasaarihii dalkaas Hailemariam Desalegn.

Labadani qoomiyadood ayaa muddo ka cabanayay gacanbidxeyn ay sheegeen in ay ku hayeen qoomiyadda Tigreeda oo xukunka dalkaasi hayay.

Qoomiyadaha iyo barakaca

Dalka Itoobiya, oo ah dalka labaad ee ugu dadka badan qaarada Afrika, isla markaana ay ku nool yihiin dad ka badan 100 milyan ayaa waxaa ku nool 80 qowmiyadood.

Qowmiyadaha Oromada iyo Amxaarada ayaa ah labada qowmiyadood ee ugu tirada badan, waxa ayna dalkaasi ka yihiin 60%.

Qoomiyadaha tirada yar waxaa ka mid ah Soomaalida oo dalkaasi ka ah 6%, Tigree 6%, Sidama 4%, Gurage 4%, iyo qoomiyadda Welayita oo ah 2%.

Qowmiyadaha kale ee yaryar ayaa marka la isku daro guud ahaan dalkaasi ka ah boqolkiiba 20.

31 bishii Agoosto, hay’adda caruurta Qaramada Midoobay ee UNICEF ayaa sheegtay in 2.8 milyan oo qof ay ku barakaceen dalkaasi, waxaana ntooda badan barakacooda sababay isku dhacyo iyo abaar.

Hay’adda qaxootiga ee dalka Norwey ee NRC loo soo gaabiyo ayaa dhankeeda sheegtay “in dad ka badan 2.5 milyan oo qof” ay ku barakaceen gudaha Itoobiya bishii August.

In ka badan 1.4 milyan oo qof ayaa guriyahooda ka barakacay Itoobiya intii u dhaxeysay Janaayo iyo Juun 2018, sida ay sheegtay hay’adda la socodka dadka dalkooda ku barakacay ee fadhigeedu yahay Geneva.

Inta badan dadka qaxay ayaa ku sugnaa gobolada Soomaalida, Oromada iyo deegaanada shucuubta Koonfureed.

Weerarrada Oromada ay ku qaadeen dadka laga tirada badan yahay

Ugu yaraan 58 qof ayaa la dilay intii u dhaxeeysay 15 iyo 16 Siteembar, waxaana weeraradaas lagu eedeeyay in ay duleedka Addis Ababa ay ka geysteen dhalinyaro Oromo ah.

Xilliga weeraradaasi oo ka dhacay Burayu, galbeedka Addis Abab,a ayaa dadka gaystay weerarka waxa ay ku lahaayeen kuwa ay weerarayeen “ka taga dhulkeena”.

Qowmiyadda Oromada ayaa muddo dheer waxay ka cabanayeen in la gacan bidxeeyo isla markaana dhulkooda la siiyay qowmiyado kale.

Kumannaan qof ayaa 18 September isugu soo baxay caasimada dalkaasi iyaga oo ka soo horjeeda dilalkaasi.

Dadka dhintay intooda badan waxa ay ka soo jeedeen Koonfurta dalkaasi oo ay ku nool yihiin qowmiyado laga tiro badan yahay.

Weerarradan ayaa dhacay ka dib markii ay dalkaasi ku soo laabteen hogaamiyayaasha jabhadda (OLF) oo muddo dibad joog ahaa.

Isku dhacyadii u dhaxeeyay Oromada iyo Soomaalida

Isku dhacyadii dhexmaray Soomaalida iyo Oromada ayaa ahaa kuwii ugu dhimashada badnaa ilaa iyo hadda.

Xiisadda u dhaxeeysa Soomaalida iyo Oromada ayaa cirka isku sii shareertay ka dib markii ay qabatay afti 2004, taasi oo ahayd isku day lagu doonayay in lagu xalliyo muran dhanka xudduuda ahaa.

Aftidaasi ayaa codeyntii boqolkiiba 80 dhulkii lagu muransanaa waxa uu raacay gobolka Oromada.

Balse xudduuda lama calaamadeyn taasi oo ah midda sababaysa in xiisadda iyo isku dhacyada ay wali sii jiraan.

Guddiga xuquuqda aadanaha ee dalka Itoobiya ayaa sheegay in 173 qof ay ku dhinteen isku dhacyadaasi, halka xisbiga mucaaradka ah ee dalka Itoobiya ee Ethiopian Social Democratic ay sheegeen in 400 qof ay ku dhinteen.

Muranka qoomiyadaha Gedeo iyo Guji

Hay’adaha gargaarka ayaa sheegay in rabshadaha Gedeo iyo Guji ay ku barakaceen kumannaan qof

Isku dhacyo cusub ayaa bishii June 2018 ka dhex qarxay qoomiyadaha Gedeo iyo Guji oo wada daga Koonfurta Itoobiya.

Rabshadahaasi ayaa sida ay sheegeen hay’adaha gargaarka waxaa ku barakacay 642,152 oo qof.

Sarkaal u hadlay dowladda ayaa bishii Agoosto sheegay in ay dowladda dhistay 1,000 ah guriyo ku meelgaar ah si ay u dagaan dadka barakacay.

“ku dhawaa dhal milyan ayaa ku barakacay iskudhacyada qoomiyadaha Gedeo iyo Guji,” waxaa sidaasi sheegtay hay’adda NRC bishii Agoosto.

Bishii Nfeembar 2017, dowladda ayaa sheegtay in 20 qof ay ku dhinteen isku dhacyo ka dhacay Borena, Moyale, Guji iyo Baali oo ku yaalla xuddduuda Kenya.

Isku dhacyadaasi ayaa waxaa ku barakacay 10,000 oo u gudbay dhanka xadka dalka Kenya.

Bishii Juun 2018, isku dhacyo u dhaxeeyay qoomiyadaha Gurage iyo Kebena ee degga Hawasa iyo Welayita ee Koonfurta Itoobiya ayaa waxaa ku dhintay 15 qof.

Isku dhacyada Amxaarda iyo Tigreeda

Isku dhacyo u dhaxeeyay Amxaarda iyo Tigreeda oo la xiriiray muran dhanka xadka ah ayaa waxaa ku naf waayay boqolaal qof oo labada dhinac ah.

Horraantii 2016, qoomiyadda Wolkayit-Tsegede ayaa billaabay dibadbax, iyaga oo ka cabanayay in si xoog ah dagmadooda loogu daray gobolka Tigreeda.

Dibadbaxyadani ayaa sii xoogaystay deegaanada Gonder, Bahir Dar iyo qaybaha kale ee gobolka Amxaarada iyada oo lagu taageerayay dadka Wolkayit iyo Tsegede.

Waxaa sidoo kale jiray isku dhacyo ay ku lug lahaayeen qoomiyadda Qimant oo iyagu dalbanayay in xukun laga siiyo gobolka Amxaarada.

In ka badan 50 qof ayaa ku dhimatay maalmihii ugu horreeyay ee dagaalka.

Iskudhacyada Canfarta

15 qof ayaa ku dhimatay bishii April 2015 isku dhacyo qoomiyado ku salaysnaa oo dhexmaray labada qabiil ee kala ah Ablek Adali iyo Sidi Habura oo ka wada tirsan qoomiyada Canfarta oo ku nool gobolka Canfarta.

Kala qaybsanaanta dalka

Xiisadaha ku salaysan qoomiyadaha ayaa waxaa ay mar kale soo jeedisay dareenka laga qabo nidaamka Fedaraalka ee ku salaeysan qoomiyadaha.

Waxaa imika soo baxaya su’aalo ku saabsan mustaqbalka nidaamka maamulka ee dalka Itoobiya.

Xigasho: BBC-somali

SHARE
Article horeGolaha wasiirradda Oo warbiximo Ka Dhegeystay Guddida Diyaarinta Miisaaniyadda Sannadeedka 2019
Mustafe Mohammed Abdullahi better known as Mustafe Faro is a senior Somali journalist, writer and cameraman. Mustafe is the head of programmes of Hubaal newspaper - a daily Somali magazine issued from Hargeisa, Somaliland. He is the assistant editor of the Independent Newspaper in Hargeisa, also the assistant editor of Somali Commentator. You can contact him through his E-mail: loodh2013@gmail.com or +252 63 4097497

A REPLY TAGO

Please enter your comment!
Please enter your name here