Itoobiya ma waxay Qarinaysa Xanuun Dilay 684, Una Jiifaan 60,000 ?

0
1

Addis Ababa (Hubaal) – Dawladda Ethiopia ayaa diiddan inay ku dhawaaqdo tuhun la tuhmayo inuu ka dillaacay dalkeeda Cudurka daacuunku. 684 qof ayaa cudurkan ugu geeriyooday dalkeeda wax ka yar sanad, sidoo kale waxaa haatan u jiifa 60,000.

Iyadoo laga baqayo inay saameyn ku yeelato dakhliga ka soo xerooda dhoofinta cuntada iyo dalxiiska, ayay dowladdu ku adkeysaneysaa in cudurka uu yahay shuban biyood ayna la socoto xaaladdiisa.

Laakiin, Qaramada Midoobay iyo hay’adaha kale ee gargaarka ee jooga Addis Ababa ayaa sheegaya in baadhitaannada sheybaadhka ay muujinayaan in dhimashadu ay ugu wacan tahay cudurka daacuunka.

Hay’aduhu waxay rabaan dowladdu in ay ku dhawaaqdo xaalad deg deg ah oo ku saabsan Daacuunka si kor loogu qaado wecyiga gudaha iyo in la wanaajiyo waxqabadka caalamiga ah.

Paul Hebert, oo ah madaxa xafiiska Qaramada Midoobay ee isku dubaridka arrimaha bini’aadannimada ee Itoobiya, ayaa sheegay in inkasta oo cudurka aanu xakamaysnayn, haddana uu ku sii faafayo qaybo cusub oo dalka ah loona baahan yahay in la caddeeyo wuxuu yahay.

“Haddii lagu dhawaaqo in cudurkani yahay Daacuun,  waxaan arki doonaa jawaabo aad u xoog badan oo ka imanaya deeq-bixiyeyaasha, marka loo eego maalgalinta iyo abaabulidda,” ayuu yidhi Paul Hebert.

Cudurka Daacuunka ayaa si dhakhso ah wax u dili kara haddii aan la daaweyn. Horraantii sanadkii hore dhowr boqol oo dhimasho ayaa laga diiwaan geliyay dalka dariska la ah ee Suudaan.

Bishii Abriil caabuq ayaa laga diiwaan geliyey gobolka Gambella ee Itoobiya, taasoo keentay in shaqaalaha caafimaadka ay rumaystaan in cudurka lagu qaaday xadka.

Roobab culus iyo daadad ayaa ka caawiyay inuu cudurku ku fido 8 ka mid ah 11ka gobol ee Itoobiya.

Toddobaadkan oo keliya in ka badan 1,000 kiis oo cusub ayaa laga soo sheegey degmada waqooyiga ee canfarta.

Af-hayeen u hadlay wasaaradda caafimaadka ee Itoobiya ayaa u sheegay wakaaladda wararka ee Addis Ababa in walaacyada Qaramada Midoobay ay xad-dhaaf yihiin. wuxuu sheegay in ay dowladda Ethiopia dadaallo culus ku bixineyso wax ka qabashada cudurka dillaacay.

Dalal kale oo Afrikaan ah ayaa diiday in ay qiraan in daacuun ka dillaacay iyaga oo ka baqaya in ay waxyeelleeyaan dhaqaalahooda.

Qaramada Midoobay awood uma lahan inay ku dhawaaqdo cudur faafa waana inay raacdaa hagida wasaaradda caafimaadka ee dal kasta.

Laakiin, xilli roobaadka oo la filayo bilaha soo socda, shaqaalaha samafalka ayaa ka walaacsan in tirada dadka dhimashadu ay si aad ah kor ugu kici doonto haddii aan tallaabo deg deg ah la qaadin.

SHARE
Article horeWariye Ka Tirsan Telefishanka HCTV Oo C.I.D-da Looga Yeedhay
Mustafe Mohammed Abdullahi better known as Mustafe Faro is a Somali journalist, writer and cameraman. Now Mustafe is the chief editor of Hubaal newspaper - a daily Somali magazine issued from Hargeisa, Somaliland. He was former the assistant editor of the Independent Newspaper in Hargeisa, also the assistant editor of Somali Commentator. You can contact him through his E-mail: loodh2013@gmail.com/mustafefaro@hotmail.com or +252 63 4097497

A REPLY TAGO

Please enter your comment!
Please enter your name here