Itoobiya Oo Bilawday In Ciidamadeeda Ay Kala Baxdo Deegaanka BAADHIMA

0
1

Hargeysa (Hubaal) Ciidammada Itoobiya ayaa bilaabay inay ka baxaan deegannada xadka labada dal ee horraan dagaalka horseeday, waxayna arrintani daba socotaa markii Eritrea iyo Itoobiya bishii July ee sannadka ay kala saxeexdeen heshiis nabadeed.

Wasaaradda difaaca ee dalka Itoobiya waxay sheegtay in tallaabadan ay ka qeyb tahay dhaqan gelinta heshiiska labada dal ay kusoo afjareen colaaddii dhanka xadka oo ay kumanaan qof ku dhinteen.

Shan bilood kaddib markii hoggaamiyeyaasha Eritrea iyo Itoobiya ay kala saxeexdeen heshiiskii nabadeed, wasaaradda gaashaandhigga ee Itoobiya waxay xaqiijisay in ciidammada ay kasoo saari doonaan deegaannada xadka dhaca ee lagu muransanaa.

In Itoobiya ay ciidammada kasoo saarto halkaasi waxay ka mid ahayd codsiyadii ugu muhiimsanaa ay Eritrea soo jeedisay ka hor heshiiska.

SHARE
Article horeDawladda Sacuudiga Oo Cambaareysay Go’aan Ka Soo Baxay Aqalka Sanet-ka Mareykanka
Mustafe Mohammed Abdullahi better known as Mustafe Faro is a senior Somali journalist, writer and cameraman. Mustafe is the head of programmes of Hubaal newspaper - a daily Somali magazine issued from Hargeisa, Somaliland. He is the assistant editor of the Independent Newspaper in Hargeisa, also the assistant editor of Somali Commentator. You can contact him through his E-mail: loodh2013@gmail.com or +252 63 4097497

A REPLY TAGO

Please enter your comment!
Please enter your name here