Itoobiya oo Ka Hadashay Maxakamadaynta 5 Qof Oo Ku Eedaysan Bambaddii Lagu Tuuray Fagaaraha ku Yaalla Addis ababa

0
1

“Maxakamadda Oo  Aqbashay Codsi Uu U Gudbiyey Xeer Ilaaliyaha Guud Oo La Eedaysaneyaasha Kiiskaas”

 

Addis ababa(Hubaal)- Xeer ilaalinta  Guud ee dalka Itoobiya, ayaa caddeysay    in maxkamad la horkeeni doono shan qof oo ku eedaysan inay ka dambeeyeen bambo gacmeedkii lagu weeraray 23kii Bishii June fagaare ku yaalla Addis ababa ee uu ka khudbadeynayey Ra’iisul-wasaare Abiy Ahmed, siday faafisay wakaallada wararka Itoobiya ee ENA. Xeer ilaalinta Guud ee dawladda Itoobiya waxay sheegtay  in la dhammaystiray baadhista shan qof oo loo haysto weerarkii bambo gacmeedkii lagu qaaday fagaare uu ra’iisul-wasaare Abiy Ahmed kala hadlayey kumanaan qof oo ku dhaqan Addisababa kuwaasi oo taageersanaa hindisihii nabadeynta dawladaha Itoobiya iyo Eriterea. Xeer ilaalinta guud waxay sheegtay inay maxkamaddu aqbashay codsi uu u gudbiyey xeer ilaaliyaha guud oo la xidhiidhay in muddo 15 maalmood ah maxkamad lagu hor keeno eedaysaneyaashii kiiskaas. Waxa weerarka shan qof loo haysto ku naf waayey laba qof, halka ay 150 kalena ku dhaawacmeen.

SHARE
Article hore“Kharashaadkii Dawladda Dhexe Soo Deyn Jirtay Oo Istaagay, Wuxuu Keenay In Shilinku Kor U Kaco”
Mustafe Mohammed Abdullahi better known as Mustafe Faro is a senior Somali journalist, writer and cameraman. Mustafe is the head of programmes of Hubaal newspaper - a daily Somali magazine issued from Hargeisa, Somaliland. He is the assistant editor of the Independent Newspaper in Hargeisa, also the assistant editor of Somali Commentator. You can contact him through his E-mail: loodh2013@gmail.com or +252 63 4097497

A REPLY TAGO

Please enter your comment!
Please enter your name here