HUBAALMEDIA.COM
Itoobiya Oo Looga Digay In Xukunka Deg-Degga Ah Ay Ku Hoos Qariso Xad-Gudubyo Kale
October 13, 2016 - Written by admin

oromo-protesters

Washinton (Hubaal)-Dowladda Mareykanka ayaa uga digay xukuumadda Itoobiya inaysan Xaaladda deg-degga ah ee ay Waddankeeda kusoo rogtay ku geysan Xad-gudubyo ka dhan ah bani’aadamnimada, gaar ahaan midda shacabkeeda.

Afhayeenka Wasaaradda Arrimaha Dibadda dalka Mareykanka, ayaa sheegay inay tahay in Dowladda Addis Ababa ay caddeyso sida ay u doonayso inay ku dhawrto Xuquuqda dadka rayidka ah, muddada uu soconayo xukunkan deg-degga ah oo gaadhaysa lixda bilood.

Sidoo kale, Hoggaamiyaha Jarmalka, Angela Merkel ayaa Salaasadii laga soo gudbay ugu baaqday Xukuumadda Itoobiya in ay shacabka u ogolaato xoriyad ay ku sameeyaan dibad-baxyo nabadeed.

Xukuumadda Washington, ayaa noqonaysa dowladdii u dambeeyay ee ku biirisa codkeeda walaaca caalamku ka qabo Xukunka Deg-degga ah ee ay Dowladda Itoobiya waddankeeda kusoo rogtay.

Arrintan ayaa imanaysa kaddib markii bilooyin ay Itoobiya ka socdeen dibadbaxyo watay qalalaase oo looga Hor-jeeday Dowladda oo ay ku dhaqaaqayeen labada Qowmiyadood ee ugu ballaadhan bulshooyinka waddankaas.

Afhayeenka u hadlay Wasaaradda Arrimaha Dibadda Mareykanka ayaa intaa ku daray inay Xukuumadda Addis Ababa cabudhinta ay ku hayso shacabkeeda dhaliilaha u soo jeeda ay sii xumeyn karto Xaaladda haatan Waddankaas ka taagan.

Dhanka kale Qayb ahaan xukunka deg-degga ah ee ay dowladda Itoobiya saartay dalkeeda, ayaa waxaa ka mid ah in ciidammo u badan millatetri la geeyay magaalooyinka dalkaas iyo in la mamnuucay isku-soo-baxyada ay shacabku dalkaas dhigayaan.

Ugu dambeyn, Boqolaal ruux ayaa dhintay tan iyo markii ay dibad-baxyadu ka billowdeen Itoobiya bishii November ee Sannadkii hore, Dowladduna waxay qirtay in tirada dadka ku geeriyooday Dibad-baxyadu ay sii kordhi karto oo ay gaadhi karto ilaa iyo 500 oo ruux.

Waxaad Hubaal media kala soo xidhiidhi kartaan E-mailaddan 
Hubaal100@hotmail.com 
Hubaal100@gmail.com
 Hubaal100@yahoo.com
COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- DJIBOUTI NEWS
- Farshaxan
- Farriinnews
- Gabileymedia
- Gabiley24
- GabIleytoday
- Gabileynews
- GABILEYNEWS
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- MURTIMAAL.COM
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- Qodaalnews
- Qtlhost Website
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SAAXILTODAY
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- saylanews/a>
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews