Jaamacad Maraykanka Ku taalla oo Bilowday Dood Rejo ka Muujisay Shiidaal Laga soo Saaro Somaliland

0
1

Hargeysa(Hubaal)- Jaamacadda Indiana University ee waddanka Maraykanka ayaa wada dood la xidhiidha in la gaadhay wakhtigii shiidaalka Somaliland la soo saari lahaa oo dalku ka faa’iidaysan lahaa dhaqaalaha ka soo baxa   iibka shiidaalka.

Wakaallada Wararka Somaliland ee SOLNA, ayaa soo xigatay  warbixin uu shalay diyaariyey  khabiir Mr SCOTT PEGG oo ka tirsan jaamacadda Indiana University oo saadaal wanaagsan ka muujiyey in shiidaal laga soo saaro Somaliland sannadka 2019ka, warkaasina wuxuu u qornaa sidan:-

“Sannadihii u danbeeyey waxa Somaliland ka socday sahan dhinaca shiidaal soo saarista ah oo  Shirkado kala duwani  ka sahminayeen Somaliland, waxaana la baadhay  dhulka  iyo deegaannada  xeebta ku teedsan, waxaana  rejo weyn laga qabaa bilowga sannadka 2019ka  in la bilaabo wax-soo-saarkii siday hore u shaacisay Shirkadda Genel Energy.

Wakhtigan waxa laga hadlayaa haddii la soo saaro dhib iyo dheef waxa uu u yeellan karo Somaliland. Dood ay samaysay Jaamacada Indiana University ee waddanka Maraykanka waxay is weydiinaysaa in la gaadhay  wakhtigii la soo saari lahaa  shiidaalka Somaliland  iyo in kale?.

Khabiir  SCOTT PEGG oo  siyaasadda dhaqaalaha u qaabilsan Jaamacadda  Indiana University,  ayaa xusay in iibka shiidaalku uu  kordhin doono dhaqaalaha Somaliland ee xaddidan.

Warbixin uu diyaariyey wuxuu ku soo bandhigay in Somaliland nabadgelyo ku naaloonaysay labaatankii sanno ee ugu dambeeyey, isla markaana madaxweynihii shanaad oo ku yimid doorasho dimuqraadi ah oo uu xilka kula wareegay, waxaanu  aaminsan yahay in Somaliland  looga baahan yahay inay u sii weel-tolato iibka shiidaalkeeda.

Waraysiyo laga qaaday dad siyaasiyiin ah waxay soo jeediyeen in laga  faa’iidayto  waddamada Afrika ee ku guulaystay maaraynta  dakhliga Saliida.

Baadhitaanka Shidaalka waxa  Somaliland laga daahfuray  sannadkii 1912kii, hase ahaatee xilligan  waxa bilowday   sannadkii 2012kii  shiidaal baadhista  shirkadda  Genel Energy, waxaa lagu wadaa haddii hindisaha shiidaal qodista lagu guulaysto in Somaliland laga soo saari doono in ka badan laba bilyan oo foosto sannadkii.

A REPLY TAGO

Please enter your comment!
Please enter your name here