JABUUTI: Madaxwayne Geelle Oo Qaabiley Wefti Uu Horkacayo Wasiirka Gaashaandhiga Somaliland

0
1

Jabuuti(Hubaal)Wasiirka Gaashaandhiga Somaliland, Eng Ciise Axmed Yuusuf (XAWAR)  iyo wafti uu hogaaminayo oo uu ka mid yahay wasiirka Qorshaynta Qaranka JSL Cawaale Ibraahim Shirwac iyo safiirka Somaliland u fadhiya Jabuuti ayaa khamiistii kulan la qaatay madaxwaynaha Jamuuriyada Jabuuti Ismaaciil Cumar Geele.

Wasiirka iyo waftiga uu hogaaminayo oo kulamo kala duwan maalmihii u danbeeyey la qaadanayey madaxda kala duwan ee jamuuuriyada Jabuuti ayaa maanta kulanka ay la qaateen Madaxwayne Ismaacil Cumar Geele daaranaa sidii loo xoojin lahaa wada shaqaynta iyo walaalnimada labada dal ee Somaliland Iyo Jabuuti taasi oo ah xidhiidh soo jireen ah.  Geesta kale masuuliyiinta maanta la kulmay madaxwaynaha ayaa waxay maalintii shalay booqosho ku tageen goobo taariikhi ah iyo waliba goobo cilmi baadhis oo jamuuriyada jabuuti leedahay, kulankani maanta ka dhacay qasriga madaxtooyada ee Jamuuriyada jabuuti ayaa ah mid si meeqaam sare ah loogu soo dhaweeyey wasiirada Gaashaandhiga JSL Eng Ciise Axmed Yuusuf( XAWAR) iyo wasiirka qorshaynta qaranka Cawaale Ibraahim Shirwac oo uu ku weheliyo safiirka Somaliland ee u fadhiya Jabuuti Amb Cabdifataax.

SHARE
Article horeMa Daaraha Ayeynu Dhisnaa Mise Dadkii Ummadan Hoggaamin Lahaa!
Mustafe Mohammed Abdullahi better known as Mustafe Faro is a senior Somali journalist, writer and cameraman. Mustafe is the head of programmes of Hubaal newspaper - a daily Somali magazine issued from Hargeisa, Somaliland. He is the assistant editor of the Independent Newspaper in Hargeisa, also the assistant editor of Somali Commentator. You can contact him through his E-mail: loodh2013@gmail.com or +252 63 4097497

A REPLY TAGO

Please enter your comment!
Please enter your name here