Jahwareer Ka Taagan Jigjiga + Mucaaradka Dowlad Deegaanka Soomaalida Oo Ku Baaqay Nabad

0
1

Jigjiga (Hubaal) Xaalad cabsi iyo jahwareer ayaa ka taagan magaalada Jigjiga kaddib markii ciidamo saaka ay magaalada qabsadeen. Wararka waxay sheegayaan in magaalada ay bililiqo ka jirto islamarkaasna aysan jirin cid gacanta ku hayso ammaanka, sida ay dad goob joogayaal ah ay inoo sheegeen. Boqolaal qof ayaaa lagu soo warramaya inay ku dhaawacmeen dhacdada ay militariga kula wareegeen magaalada.

Mucaaradka dowlad deegaanka Soomaalida Itoobiya ayaa ugu baaqay shacabka inay is-dejiyaan islamarkaasna ay ilaaliyaan nabadgelyada.

 

Waxay sidoo kale ugu baaqeen hoggaamiye dhaqameedyada inay ka shaqeeyaan xasiloonida iyo xallinta dhibaatooyinka soo food saaro shacabka.

 

Mucaaradka ayaa sidoo kale sheegay inay ku faraxsan yihiin in miltariga ay soo farageliyaan maamulka Soomaalida.

 

Mid kamid ah mucaaradka oo ku sugan magaalada Dir Dawe ayaa BBC-da u sheegay inay tegayaan magaalada Jigjiga ayna kulanka labaad ku ballansan yihiin magaaladaasi.

Wuxuu intaasi ku daray in maanta goobo ganacsi la bililiqaystay halka Kaniisado la gubay.

Xigasho: BBC-somali

SHARE
Article horeItoobiya oo Ka Hadashay Maxakamadaynta 5 Qof Oo Ku Eedaysan Bambaddii Lagu Tuuray Fagaaraha ku Yaalla Addis ababa
Mustafe Mohammed Abdullahi better known as Mustafe Faro is a senior Somali journalist, writer and cameraman. Mustafe is the head of programmes of Hubaal newspaper - a daily Somali magazine issued from Hargeisa, Somaliland. He is the assistant editor of the Independent Newspaper in Hargeisa, also the assistant editor of Somali Commentator. You can contact him through his E-mail: loodh2013@gmail.com or +252 63 4097497

A REPLY TAGO

Please enter your comment!
Please enter your name here