Jananka Bilayska Oo Ka Hadlay Muhiimadda Akaadamiyadda Tabobarka Saraakiisha Oo Shalay La Dhagax-dhigay

0
1

“In Hore Loo Mariyo Ciidammada Boolisku Waxay Kamid Yihiin Siyaasadda Madaxweynaha Qaranka JSL” – Sarreeye Guuto Cabdillaahi Fadal Iimaan

 

Hargeysa(Hubaal)-Mashruuca Dhismaha Dugsiga Tababarada Ciidanka Booliska oo ay Maal-gelinayso Dawladda Ingiriisku, waxa si rasmi ah u dhagax dhigay Wasiir ku-xigeenka Wasaarada Arrimaha gudaha iyo Taliyaha Ciidanka Booliska oo ay weheliyaan saraakiil ka socday Shirkaddaha dhisaysa Dhismahan iyo Hay’adda fulintiisa Maal-gelinaysa. Taliyaha Ciidanka booliska Somaliland Sareeye Gaas Cabdilaahi Fadal Iimaan oo ugu horayn ka hadlay munaasibada dhagax dhiga Mashruucan, ayaa ka warramay baahida Ciidanku u qabo Akaadamigan iyo sida ay uga faa’idaysan doonaan Saraakiisha Ciidanku.  Sarreeye Gaas Cabdi Fadal Iimaan waxa kale oo uu amaan iyo mahad-naq u jeediyey Dawladda Ingiriiska iyo Taageerayaasha kale ee Ciidanka Booliska ka caawiya kor u qaadista Aqoonta iyo tababarada. “waxay kamid tahay arrimahani [dhismaha kulliyada tabobarka ciidanka boolisku] siyaasadda madaxweynaha qaranka JSL  in hore loo mariyo ciidammada booliska hadday xagga dhismaha tahay iyo hadday xagga tabobarrada tahayba. Immika waxaa dhammaaday LAB casri ah oo laga sameeyey xarunta qaybta baadhista dhexdeeda, waxa kale oo isna immika gebogabo ah xarun ay ciidamada booliska iyo saraakiishiisu wax ka cuni doonaan oo taliska ku dhex yaalla. Waxa kale oo iyana dhinac socda maadaama oo ay dhismeyaashii socdaan tabobarro aan kala go’ lahayn oo ay qaataan saraakiisha, saraakiil xigeenka, alifleyda iyo dablayda ciidamada booliska”. Ayuu yidhi jananka bilaysku waxana uu intaa kuladhay “halkan waxaynu maanta u joognaa dhagax dhiga kulliyada saraakiisha oo wax weyn ka tari doonta ciidanka booliska iyo qaranka Somalilandba”. Ayuu yidhi taliyahu. Wasiir ku-xigeenka Wasaarada Arrimaha gudaha Maxamed Muuse Diiriye ayaa isna dhankiisa halkaa uga mahad-naqay Dawladdda mashruucan maal-gelisay. dhismaha Akaadamiga Tababarka Saraakiisha Ciidanka Booliska, ayaa loo qorsheeyey in lagu dhismaystiro muddo sannad ah, waxaase hirgelinta wajiga hore loo qoondeeyey Lix bilood, sida uu sheegay Sarkaal u hadlay Xafiiska Kaalmada Dawladda Ingiriiska ee Somaliland. Akaadamiyadan ayaa loogu talo-galay in si gaar ah loogu tababaro Saraakiisha Ciidanka.

SHARE
Article horeJeel Ogaadeen Oo Maanta Albaabada La Isugu Dhuftay Iyo Waxyaabihii Naxdinta Badnaa Ee Guddihiisa Ka Dhici Jiray
Mustafe Mohammed Abdullahi better known as Mustafe Faro is a senior Somali journalist, writer and cameraman. Mustafe is the head of programmes of Hubaal newspaper - a daily Somali magazine issued from Hargeisa, Somaliland. He is the assistant editor of the Independent Newspaper in Hargeisa, also the assistant editor of Somali Commentator. You can contact him through his E-mail: loodh2013@gmail.com or +252 63 4097497

A REPLY TAGO

Please enter your comment!
Please enter your name here