Jananka Guud Ee Ciidammada Bileyska Somaliland Oo Socdaal Shaqo Ku Jooga Magaalo-madaxda Gobolka Sool

0
1

“Sunaha Dawladnimo Ayay Tahay In Mararka Qaarkood Aanu Kormeer Ku Samayno Ciidamada Booliska Ee Gobollada Dalka”

Laascaanood (Hubaal) Taliyaha guud ee ciidanka booliska Somaliland Sareeye Gaas Cabdilaahi Fadal Iimaan ayaa kormeer uu ugu kuurgalayo hawalaha shaqo iyo xaalada ciidanka booliska ku sugan yihiin, ku tegay magaallda Laascaanood ee gobolka Sool. Taliyaha guud ee ciidanka booliska iyo saraakiisha uu horkacayayba waxa halkaasi kusoo dhaweeyay maamulka gobolka iyo saraakiisha laamaha amaanka ee gobolka Sool.

Guddoomiyaha gobolka Sool Cabdi Kheyre Dirir oo halkaasi kelmado kooban oo isugu jira soo dhaweyn iyo warbixin xaalada gobolka ah, ka jeediyay ayaa yidhi “waxa maanta (shalay) booqasho nooggu yimid taliyaha guud ee ciidanka booliska Soaliland iyo saraakiisha sare ee ciidanka booliska. Xaalada gobolku guud ahaan waa amaan, waxaanan ku leeyahay kusoo dhawoow gobolka gaar ahaan Laascaanood.”

Taliyaha guud ee ciidanka booliska Somaliland Sareeye gaas Cabdilaahi Fadal Iimaan ayaa u mahadnaqay mas’uuliyiinta kusoo dhaweeyay magaaladda Laascaanood. “kolay sunaha dawladnimo waa waajib in mararka qaarkood kormeer aanu ku samayno ciidamada booliska ee gobollada dalka, anigoo u kuurgalaya xaaladaha ay ku sugan yihiin iyo hawlaha nabadgelyo ay ka shaqeeyaan iyo arrimaha kale ee khuseeyay ciidanka booliska.” Ayuu yidhi Taliyaha guud ee ciidanka booliska Somaliland Sareeye gaas Cabdilaahi Fadal Iimaan

A REPLY TAGO

Please enter your comment!
Please enter your name here