Janankii Hore Ee Ciidammada Qaranka Somaliland Oo Ka Hadlay Heshiiska Saddex-geesoodka Ah Ee Berbera & Saamaynta Uu Ku Yeeshay Siyaasadda Mandaqadda

0
36

“Inkastoo Dal Kastaa Uu Xaq U Leeyahay In Uu Xal U Helo Arrimaha Masiiriga Ah Ee Ka Hor Imanaya Maslaxadiisa Haddana Macno Samayn Mayso In la yidhaahdo khilaafka soo dhexgalay jabuuti iyo DP World waxa qayb ka ah heshiiska DP World la gashay Somaliland”

 “Wixii Umusha U Dan Ah Ayaa Ilmaha U Dan Ah; Wixii Somaliland U Dan Ah Ayaa Jabuuti U Dan Ah [Sidaas Darteed] Waxaan Ku Talin Lahaa In Wixii Madmadow Ah Laga Dhawro Xidhiidhka Innaga Dhexeeya Jabuuti Iyo Dalalka Kale Ee Aynu Jaarka Nahay” – Gen. Maxamed Xasan Cabdillaahi (Jidhif)

Hargaysa(Hubaal) -Taliyihii Hore ee ciidanka Qaranka Somaliland Muj. Maxamed Hassan C/laahi (Jidhif) ayaa si qotodheer uga hadlay danaha guud ee ay wadaagaan Jamhuuriyada Somaliland Iyo Jabuuti, waxaanu taliye Jidhif oo ka mid ahaa saraakiishii SNM khaasatan saraakiishii dhinaca xeebta in badana u soo taagnaa waayihii duruufeed ee ay soo martay Somaliland meel adag iska taagay ilaalinta xidhiidhka Somaliland iyo Jamhuuriyada jabuuti,waxaanu qoraal kooban oo uu Magaallada Hargeysa Shalay Kasoo saaray kaasi oo nuqul kamid ahi soo gaadhay wargeyska HUBAAL Xalay. Maxamed Xasan Jidhif. “Haddii aan dul istaago Jamhuuriyadda Jabuuti doorkii [role] ay ka qaadatay taariikhdii murugada lahayd ee ina dhexmartay  innaga iyo nidaamkii diktaatooriga ahaa ee Maxamed Siyaad Barre, waxa dhacday in  sanadihii 1980aadkii uu  Xasan Guuleed Abtidoon [Madaxweynihii hore ee Jabuuti] Uu isaga oo madaxtooyada Soomaaliya la jooga  Maxamed Siyaad Barre  ku yidhi “Arrimaha woqooyiga [Somaliland] ka dhacaya indhaha ka qarsan mayno”, waqtiyadaas oo ay ku gadaanaayeen gayigeena duruufo adag shacabka Somaliland waxay miciinsadeen soo dhawayn ay siisay Jamhuuriyada Jabuuti iyada oo ay adkaan lahayd in la xorreeyo xeebaha galbeedka Somaliland oo ahaa jiido xaasaasi ah juquraafi ahaana ah dhul dhinaca dagaalka ku adag madaama oo uu yahay dhul xeebo, buuralley iyo Dooxyo ah isla markaana ay adag tahay in si fudud loo helo gargaar dhinaca saannad ah,  tusaale ahaan waxaa xilligaas oo aan  ahaa taliyihii guutadii 99aad eei ururkii Xaq u dirirka ahaa, waxa uu madaxwaynihii xilligaas ee Dalka Jabuuti naga caawin jiray taakulaynta dhinaca caafimaadka, Raashinka, shidaalka iyadoo sidoo kale ay saraakiil  badan oo ku abtirsada Jamhuuriyada Jabuuti    iyo  tijaartii reer Jabuuti ay na garab istaagi jireen,  gurmad dhinacyo badan lehna na siin jireen.  Haddaba waxaa qurux badan in si taxadir leh loo eego xidhiidhka taariikhiga ah ee innaga dhexeeya dalka aynu walaalaha nahay ee Jabuuti iyada oo wadan kastaa xaq u leeyahay in uu dhamaysto ama uu xal u helo arrimaha masiiriga ah ee ka hor imanaya maslaxadiisa iyo arrimihiisa khaaska ah;  tusaale ahaan Jamhuuriyada jabuuti waxay ka baxday heshiis ay ku wada jireen shariikada dekedaha maalgalisa ee DP World taasi wax macno ah uma samaynaso in la yidhaahdo khilaafka soo dhexgalay jabuuti iyo DP World waxa qayb ka ah heshiiska DP World la gashay Somaliland. Gebogebadii  waxaan leeyahay   waxa Umusha u dan ah ayaa Ilmaha u dan ah waxa Jabuuti u dan ah ayaa Somalilandna U dan ah Waxa Somaliland u dan ah ayaa jabuutina u dan ah” waxan ku talin lahaa waa in wixii madmadaw ah laga ilaaliyo taariikhda xariirta ah  ee dhextaal jamhuuriyada Somaliland Iyo Jabuuti mana haboona in la lumiyo xidhiidhkaas saaxiibtinimo ee inaga dhexeeya jamhuuriyada jabuuti iyo dhammaan wadanada aynu jaarka nahay”

A REPLY TAGO

Please enter your comment!
Please enter your name here