Janannada Ugu Sarreeya Millateriga & Sirdoonka Itoobiya Oo Madax-Dhaqameedka Jigjiga Soo Gaadhsiiyey Farriin Ay Ka Sidaan Dawladda Federaalka

0
1

“Waxa Dadkaas Ku Dhacay Waa Wax Annaga Nagu Dhacay, Waxaan U Sheegnay In Ay Is Dejiyaan, Iyaguna Way Qaateen” Garaad Kulmiye Garaad Maxamed Garaad Dool

 

Jigjiga (Hubaal)- Magaalada Jigjiga ee xarunta dawlad deegaanka Soomaalida Itoobiya ayaa maalintii shalay waxaa kulan ku yeeshay qaar kamid ah odayaasha dhaqanka ee deegaankaas iyo wefti dawladda federaalka ah ee Itoobiya ka socda oo shalay halkaasi ka degey. Weftigan oo saraakiil ciidamada kala duwan ee dalkaas ka tirsan kuwaas oo ay horkacayeen   Jeneraal Xasan Ibraahim oo wasaaradda difaaca ee Itoobiya u qaabilsan sirdoonka, iyo taliyaha milateriga ee bariga Itoobiya Jeneraal Balaay Sayuu, waxaanay  Odayaasha dhaqanka ka wada hadleen  Arrimo amniga u badan iyo rabshadihii todobaadkii hore dhacay  halkaasi iyaga oo odayaasha u faahfaahiyey sababtii kelliftay in ciidammada dawladda dhexe ay soo farogeliyaan arrimaha kililkooda, taasoo ay ku macneeyeen inay ahayd mid ay uga dan lahaayeen sidii xaaladda loo dejin lahaa isla markaana xasiloonida meesha loogu soo celin lahaa.

Warbixin bogga ay laanta af soomaaliga ee BBC-du ku leedahay internetka lagu baahiyey oo ku saabsan kulanka labada dhinac ayaa intaa ku dartay in saraakiishani ay ku goodiyeen sida warku sheegay inaanay dawladda federaalka ahi u dulqaadanayn cid hubaysan oo magaalladaha dhex marta ama dibada u soo baxda inta ay ciidanku gacanta ku hayaan amniga magaallada iyo guud ahaanba gobolka Soomaalida Itoobiya.

Geesta kale Odayaasha dhaqanka ayaa iyagana la weriyey inay  raalli gelin iyo garawshiyo ka bixiyeen rabshadihii ka dhacay deegaanka iyo dhacdadii lagu lagu fadhataystay meheradahii gacansi ee ay jigjiga ku lahaayeen dad ka soo jeeda qowmiyada oromiya iyo weliba tallaabadii lagu gubay kaniisada ku taal halkaas.

“Waxa dadkaas ku dhacay waa wax annaga nagu dhacay, waxaan u sheegaynaa in ay is dejiyaan, ayaguna way qaateen” Sidaas waxaa BBC u sheegay Garaad Kulmiye Garaad Maxamed Garaad Dool oo ka mid ah odayaasha dhaqanka ee saraakiisha la kulmay.

Kulanka waxaa fadhiyey madaxweyne ku xigeenka cusub, Xamdi Aadan Cabdi, oo ku sime u ah madaxweynaha dhawaantan la doortay ee DDSI, Axmed Cabdi Sh. Maxamed.

Arrintan ayaa ku soo beegantay ayadoo magaalada Addis Ababa uu shir uga socdo dawladda federaalka Itoobiya iyo xubno ka tirsan xisbiga dimoqaraadiga shacabka Soomaalida Itoobiya. Shirkaas oo maalintii labaad loo fadhiyo ayaan weli wax natiijo ah laga hayn.

SHARE
Article horeGolaha Guurtida Somaliland Oo Ka Hadlay Muranka Ka Dhashay Buuraha Berbera
Mustafe Mohammed Abdullahi better known as Mustafe Faro is a senior Somali journalist, writer and cameraman. Mustafe is the head of programmes of Hubaal newspaper - a daily Somali magazine issued from Hargeisa, Somaliland. He is the assistant editor of the Independent Newspaper in Hargeisa, also the assistant editor of Somali Commentator. You can contact him through his E-mail: loodh2013@gmail.com or +252 63 4097497

A REPLY TAGO

Please enter your comment!
Please enter your name here