“Jawharadda Islaamka”. W/Q: Sh. Cabdirisaaq C/raxmaan Xasan-rakuub

0
1

Islaamku waa diin dhowrtay sharafta qofka Muslimka ah, u caddaalad samaysay ummadda, adkaysay xidhiidh kasta oo dhexmara laba dhinac (xidhiidh Rabbi oo cibaado ah, iyo mid bulsheed oo macaamil ah) Islaamku waa diin ku dhisan cibaado ay aasaas u tahay qiyam ka go’naasho leh oo ay tahay sida aad u aamintid in aad uga runsheegtid una dhaqangelisid.

Diinta Islaamku waa mid innagu boorisa ammaanada, caddaaladda, daacadnimada, dhowrsanaanta, xidhiidhinta sokeeyaha, akhlaaq wanaagga, ballan oofinta, runsheegnimada iyo tilmaamo kale oo aynaan halkan ku soo wada koobi karin oo jawharadda Islaamka ah, qofka oo intaa ku sugnaadaa waa mid la yimid habdhaqankii tolmonaa ee Islaamka. Sababta aynu u sheegaynaa waa qofka sifooyinkaa laga helaa in uu lafdhabarkii Islaamka fahmay. Haddaba aynnu ka soo qaaddanno kuwo ka mid ah tilmaamaha Alle STW inna faray, Muslimiintuna ay caanka ku yihiin ee lagu yaqaanno.

 

Akhlaaq Wanaagga

Saxaabigii Nawaas Bin Samcaan ayaa maalin Rasuulka u yimi, waxa aanu warsaday waxa uu yahay samafalku. Rasuulku waxa uu ugu halceliyey; waa dabeecad wanaagga, waxa uu haddana waydiiiyey waxa uu yahay dambigu, wuxu ugu jawaabay; waa arrinka naftaadu kohato, diiddana in samayntiisa dadku kugu arkaan.

Akhlaaq marka laga hadlayo waa habdhaqanka qofka oo toosnaada, waana mid diintu dhiirigalisay in lala yimaaddo, iyada oo dadka ku tartansiinaysana u tilmaantay in maalinta qiyaame sida loo kala akhlaaq roon yahay loo kala darajo sarrayn doono. Waxaana muujinaya xadiiska sugan ee Rasuulku CSW leeyahay, “Waxa Mu’miniinta ugu darajo sarreeya kooga ugu akhlaaq wanaagsan.” Hubaashii habdhaqanka wanaagsani wuxu qofka gaadhsiiya sarreedo aan salaad badnaan iyo soon badnaan lagu gaadhin.

Waa habdhaqan uu hormood ugu ahaa ummadda Rasuulku CSW, miyaanad maqal marka Alle SWT leeyahay, “Waxa kuu sugnaatay akhlaaq sarraysa.” Nabi Maxamed waxa uu tusaale ifaya inoogu yahay dabci wanaagga.

Caa’isha RC, markii la waydiiyey habdhaqankii Rasuulka CSW, waa tii lahayd, “Habdhaqankiisu wuxuu ku salaysnaa Quraanka.” Rasuulku CSW wuxu ahaa mid horseed u ah ku dhaqanka diinta sidaa darteed qofka ugu hordhaqma ayuu ahaa.

Nindoornimo ayaa uu tilmaama dabci wanaaggu, waana sababta Cabdillaahi Bin Cumar inoo leeyahay, “Ma ahayn Rasuulku mid xuma fala ama ku hadla, waxase ka sugan in uu lahaa; kiina ugu gobsani waa kiina ugu dabeecad wanaagsan.”

Hoyga lama huraanka ee aynu u sii dhididno maalin walba dabeecad wanaaggu waxa u yahay arrimaha ugu mudan ee lagu mutaysto. Abu Hurayra waxa uu sheegay in Rasuulka CSW la warsaday waxqabadyada ugu badan ee lagu galo jannada, Rasuulkuna ugu halceliyey; cabsida Ilaahay iyo dabeecad wanaagga.

Soosaariddiisi waxa uu ku lammaaneeyey habdhaqanka, “Waxa la ii soosaaray in aan dhammaystiro akhlaaqda teeda wanaagsan.” Waxa aad moodda in diinta loo soo dejiyey akhlaaqda oo qudha. Haa, haddii akhlaaqdaadu toosnaato diintaadu way toosnaanaysaa.

Habdhaqanka tolmoon waxa lagu gartaa afgaabni iyo dhawrsanaan sidaa ajligeed ayaa ergaygii Alle SWT lagu sheegi jiray in uu ahaa mid tilmaamaha ku suntan, xadiis ka suganna wuxu ahaa, “Alle wuxu ugu jecel yahay dadka qofka aan hadalka badnayn, wuxuna ugu neceb yahay qofka hadalka badan ee bilaa murtida ah.”

Culimada oo sheegaya astaamaha lagu garto dabeecad wanaagga ayaa ku soo ururiyey; qofka xishood badan, kalsoonida  runtiisa oo kalsooni lagu qabo, hadalyari, in aanu ahayn mid xanta lagu yaqaan, ceebayna dadka, isku dirna aan lahayn, in uu yahay mid Ilaahay dartii wax u jeclaada, Ilaahay dartiina wax u naca, dabeecadahaasi waa dabci wanaagga .

Habdhaqanka sare waxa ka mid ah sida aynnu soo sheegnay xishoodka, xishoodka ugu dunsani waa ka qofku Alle SWT ka xishoodo. Rasuulka CSW oo maalin la hadlaya asxaabtiisi ayaa ku yidhi, “Waar ka xishooda Alle, xishood dhab ah.” Inta ay naxeen saxaabadi ayey si degdeg ah ugu halceliyeen, “waanu ka xishoonnaa Rasuul Allow.” Intaa markii ay yidhaahdeen ayuu haddana ku yidhi, “Xifdiya madixiina iyo intuu koobsaday, xifdiya calooshiina, badiya xusuusnaanta geerida.”

Billaahi calaykum xadiiskaasi muxuu inoo reebay, haddii lagu yidhi xifdi madaxa iyo intuu koobsay; waa indhahaagu yaanay eegin wax aan Alle SWT raalli ka ahayn, dhegehaaguna yaanay dhagaysan wax Alle SWT necbaysanayo, calooshaada yaanay gelin xoolo aan xalaal ahayni weeye.  Sida oo kale badiya xusuusta geeridu waa ha isa siin noloshan, maalin aadan is ogayn ayey geeridu kuu iman kartaa, saacad aadan ogayn ayey naftu kaa bixi kartaa, mar walba waa in diyaar u noqotaa geerida.

Dalalka Islaamka maanta intooda ugu badan diinta laguma gaadhsiin dagaal, waxa se gaadhsiiyey muslimiintii dalalkaa tagay oo la majeertay habdhaqanadoodii sida; dabci wanaaggoda, runsheeginmadooda, caddaaladdooda, dhowrsanaantooda, ammanadooda, oofinta ballanta iyo daacadnimadooda. Dadyowgii ay u tageen ayaa majeertay diinta ay raggaasi sidaan in ay tahay mid dhammaystiran, waana sababta ay ugu dhiiradeen in ay Islaamaan.

Qofka Muslinka ah ee nool maantu waa in uu ogsnaado sida loogu leeyahay salaad iyo soon in uu la yimaaddo in looga rabo in uu habdhaqankiisa diinta ku faafiyo. Ogsonaado marwalba in uu yahay wakiilkii diinta, inta uu isagu toosinayo habdhaqankiisa in uu yahay iibayaha ama gaadhsiiya dunida ee diinta, jawharadda diintuna waa habdhaqanka toosan.

 

Dad-la-dhaqanka Wanaagsan

Diinta Islaamku waxa ay ka soo dhex baxday bulsho aan xaddaarad iyo ilbaxnimo lahayn, sida oo kale hab-maamulkii jiray xilligaa aan la jaan hayn, waxsoosaarkii dunida loogu kala gooshayeyna aan iyadu waxba ku darsan jirin, hase ahaate tokhoodu ahaa mid gidaar lala soo taagan yahay.

Hab-maamuskooda waxa u bud-dhig u ahaa tolnimada, ninkii laandheera ah uun baa magaalada sidu doono u dhex marayey wuxu doonana ka dhex samaynayey, ninkii laga itaal roon yahayna wuxu ahaa mid dibinta iska ruuga oo aan wax kale samayn karayn.

Markii Islaamku soo baxay ayaa dadkii diinta u sinnaadeen, Rasuulka CSW waxa wada rumeyey haldoorkii Quraysh sida Abu Bakar iyo Cusmaan, sida oo kale waxa rumeeyey addoomo la lahaa sida Bilaal. Rasuulku CSW isku si uun ayuu ula dhaqmi jiray, midna ma soo dhawaysan jirin midna ma fogayn jirin raggaa wada rumeyey. Dad-la-dhaqankaasi wuxu horseed u noqday intii la liidi jiray inay gabbood ka soo dhigtaan diinta oo ay ka heleen sinnaan

Boqor ka mid ah boqorradii ka talinjiray jasiiradda Carabta ayaa soo dirsaday ergay xog ka soo siiya nabigan soo baxay, ninkii kolkii uu boqorkiisi ku noqday xogtiisi waxa ay noqotay, “Hoggaamiye kasta ciidankiisu way kohdaan se ninkaa ‘Nabiga’ asxaabtiisu aad bay u jecel yihiin, iska daa wax kale candhuuftiisu inay dhulka ku dhacdo uma ogola.”

Dad-la-dhaqanka wanaagsan waxa ka mid ah in aanad shaqaalahaaga addoonsan oo aanad dadnimadooda xaqirin hadallo qallafsanna aanay kaa arkin, se dareensiiso in aad ixtraam u hayso una muujiso.

Anas bin Maalik waxa uu sheegay in uu toban sannadood u shaqaynayey nabiga, maalinna aanu ka arag wax u kohdo, wax uu sameeyey maxaad u samaysay kumu odhan, wax uu samayn waayeyna maxaad u samayn waydkay kuma odhan. Rasuulku waxa uu ina barayaa qaddarinta shaqaalaha. Ujeedku maaha yaan wax-la-iswaydiin se si degen oo xushmadi ku dheehan tahay waa in aad u muujisa oo aanad tusin in aad ka hayn badan tahay sidaana aad ugu baanayso.

Dadku waa sida geedka, geedka inta aad beerato uun ayaad manfacsataa, dadkana inta aad gashato ayaad ka heshaa, hayntaada haku qooqin dadkuna yaanay kula hoosayn, awooddaada maamul yaanay ku gaadhsiin heer aad yasto oo aanay agtaada dadku qiimo ka lahaan. Aqoontaadu yaanay ku dhaxalsiin in dadka aad wada liiddo, se ogsoonow aqoonta iyo garashadu in ay tahay is-dhul-dhigid iyo habdhaqan wanaagsan. xeeldheerida hadal ee suubbanaha, “Dadka  kula dhaqan habdhaqan wanaagsan.” Mid kasta oo wax is bidaya weedh si mug leh ula hadlaya weeji.

Siyaallaha aad dadka kula dhaqmayso waxa ka mid ah in wajigaagu furnaado oo aanad noqon mid kolka laga soo horbaxo laga dido, balse aad noqoto mid wajigiisu dadka soo jiito oo in lagu soo hirto sababa. Rasuulku waxa uu sheegay in uu sadaqo yahay wajiga furani.

Dad-la-dhaqanka wanaagsan waa in aad noqoto mid dadka waxtar u leh, qof kasta oo baahanna waxtara, midka jilicsanna u gargaara, aqoontiisana aan la bakhaylin, waxyeelladiisana dadka kala fogaada.

Habdhaqanka wanaagsan waxa ka mid ah in aad dadka u tunjilicsanaato oo aanad ku adkaan, Ilaahay markii uu Rasuulka u mannasheeganayey soo kuma uu odhan, “Naxariista lagugu galladay ayaa laguugu soo istaagay e, haddii aad ahaan lahayd mid kakan oo qalbi adag, hareerahaaga waa laga dareeri lahaa.” Sababta loogu soo wada joogsanayey Rasuulku waa dabacsanaantiisii uu dadka u muujiyey.

Dad-la-dhaqanka wanaagsan waxa lagu gartaa in aad tahay qof; xishood badan, ceebaha dadka ku mashquulin, caydu aanay shaqo u ahayn, isku dirka lagu aqoon, beenta sheegiddeedan ku caanbixin. Intaa ka soo horjeedkeeda haddii aad leedahay dhaqan wanaag ma lihid ee dhaqan xun oo u baahan in aad iska beddesho ayaad leedahay.

 

Runsheegnimada

Astaamaha muujiya jiritaanka qofnimo waxa ka mid ah runsheegnimadiisa, qofka haddii warkiisu noqdo mid la hubo aalaaba in aanu sal lahayn si macnawiyan ah ayuu u lumiyaa karaamadiisa. Ilaahay waxa uu ergooyinkiisa ku lammaaneeyey runsheegayaasha, “Cidda raacda Ilaahay iyo ergaygiisa, kuwaasi waxa ay ka mid noqdaan kuwa Alle u galladay ee leh; nabiyaal, runsheegyaal, kuwa dartii u godgala, kuwo samafalayaal ah, cid lala saaxiibbana iyagaa u dunsan.”

Darajada ergooyinka Alle ku xigta ee la sheegay waa runsheegayaasha, waa bishaaro san oo tilmaamaysa runtu xagga ay ku gaynayso. Qeexitanka erayga run waa qofka oo ku hadla xaqiiqo ama arrinjirta oo aanu isagu samaysan.

Inta badan qofka kolka uu beenaale yahay kuma xasilloona warka uu sheegayo, se qofka runlaha ah degenaansho ayaan laga waayin. Waxana marag u ah xadiiska sugan ee Rasuulku ku yidhi, “Runtu waa deggenaansho.” Deggenaantaa laga hadlaaya waa qofka oo aan ka werwerqabin hadalkiisa in laga dabayimaaddo oo la beeniyo.

Dhammaystirnaanta Islaamka waxa muujiya sida uu ugu dedaalo in la helo qof buuxa oo dhan walba oo la arko laga majeerto, runtuna ay tahay ta sheegta mugga iyo miisaanka qofka.

Run cidda ugu sheeggidda og waa Alle SWT, wax kasta oo uu inoo sheegaa waa xaqiiq jirta: Hadday tahay aakhira iyo warka yaal, janno iyo naar, abaalmarinta dambaysa, araggiisa la arkayo maalintaa, soosaarista maalinta dunida la laabayo, war kasta oo xagga Alle SWT inooga yimaadda waa mid xaqiiq ah. Allena isaga ayaa isku sifeeyey runnimada, waliba su’aal innooga dhigay ay tahay in aynu innagu ku jawaabno; cidna Rabbiyow kaama run badna.”Yaa ka runsheegnimo badan Alle?”

Alle SWT waxa uu runsheegnimadooda u marag furay ergadiisii, “Xus dhiganihii Nabi Ibraahim, waxa uu ahaa nabi run badane ah.” Inta nabi ee Alle SWT uu Quraanka kaga warramayo runnimadoodu tiro ma leh. Dhammaantood waxa ay hormood innooga yihiin farriinta ay Alle innooga sideen ee ah in aynu noqonno qaar ku dhaqma runta.

Gundheernimada runnimada waxa ugu horraysa in aad Alle SWT rumayso, oo qirsanaato jiritaankiisa, dheeldheelna aanay kaa ahaan ee aad xaqiiqannimo u rumayso. Waxqabadyada aad Alle dartii u samaynaysaa in aanay kaa ahaan istusnimo, abaalka doonid dadka ah, se si daacadnimo ah oo runnimo ah u caabbuddo Alle. Runnimada waxa kale oo ka mid ah in aad ka runsheegto kitaabkiisa iyo sunnaha ka sugan nabi Maxammed NNKH, oo aanad adigu allifan wax aan jirin.

Kalsoonida dadku kugu qabaan in aad dhawrato ayey astaan u tahay ku dhaqanka runtu, waana sababta Rasuulku u leeyahay astaamaha munaafaqu waa saddex─kolka uu hadlayo in uu beensheego. Haddii dadku kugu qoraan beenaale iyaduna waa mid jiritaankaaga qofnimo dhaawac aan ka soo kabasho lahayn u gaysata.

Runta oo la qabatimaa waa degenaansho, Rasuulku NNKH, waxa uu leeyahay, “Ka tag waxa ku shaki geliya, doonana wax aan ku shaki galinayn. Beentu waa shaki, runtuna waa degenaansho.” Inta aad beensheegayso ma degenid oo waxa aad ka fikiraysaa armaa lagugu qabtaa oo lagu yidhaa waa beenta, se kolka waxjira aad ku hadlayso si degen oo kalsooni leh ayaad u hadlaysaa.

Rasuulku NNKH, waxa uu ka warramay abaalka qof qabatimay in uu madalaha kaga sheekeeyo hadallo maad ah oo ujeedkiisu yahay in uu dadka kaga qosliyo, “Hoog ayaa u sugnaaday midka ku warrama been, si uu dadka ugu qosliyo.” Waa nin madal xidhay oo afkiisa uun la eegayo, oo waa aftahan hadalyaqaan ah la leeyahay, madashuna ku wada dhoolacaddaynayso hadalkiisa. Rasuulkuna waxa uu inoo sheegaya waxa uu ku warramayaa in uu yahay been u soo dhoodhoobay.

Xadiiskaa waxa aynu ka faa’idaynaa in beentu xataa kaftan iyo qosol in aanay noqon karin. Rasuulka ayaa la arkay isaga oo kaftamaya waxaanu sheegay in uu kaftamo balse hadal aan run ahayn aanu ku kaftamayn.

Masiirka runtu waa in lagu dhaxalsiiyo janno, Ilaahay agtiisana laguu qoro runsheege, “Ogaada runta, runtu dadka samaha ayey ku hagtaa, samuna jannada ayuu dadka ku hogaaye. Qofku ma qabatimo runta illaa Ilaahay agtiisa loo qoro runsheege.”

Qofku isagaa isku muraayad ah, wanaaggiisa iyo ceebihiisana yaqaan, qof kale been wuu u sheegi karaa se isagu iskuma sheegi karo, inta aan isaga meel lagu tiirin waxa habboon in uu isagu is ogaado oo dhaliilihiisana meel ku ogaado.

Runtu waa jawharadda Islaamka, inta aad runsheegayso waxa aad tahay mid Islaamnimada ka dhab sheegaya faafinteedana ka qaybqaadanaya, se haddii aad beenaale noqoto tusaale xun ayaad u tahay diinta.

 

Ammaanada

Ammaanadu waa macaamil bulsheed oo shakhsiyadda qofka halbeeg u ah, kalsooni qofeed in lagu qabo waxa muggeeda sheegta kolba inta waxa lagu aamino loogu yimaaddo. Ilaahay waxa uu sheegay in aammaanada qaadisteeda loo bandhigay cirka, dhulka iyo buuraha deeto ka gaabsadeen oo culayskeeda iska diideen, aadanihii kolka loo bandhigayna tunka ku qaatay. Culayskaa uu aadanuhu qaaday intooda ka soo baxda way kooban yihiin, hase ahaate cidda ka soo baxda waxa loo ballanqaaday abaalmarin weyn.

Ammaanadu waxa ay ahayd mid uu caan ku ahaa nabi Maxamed oo innaga wax walba tusaale inoogu ah. Naanays ayey u ahayd intii aan nabiga laga dhigin ee uu Maka joogay, Maxamed-Amiin ayaa la odhanjiray. Markii la soo saarayna Ilaahay ayaa ku yidhi, “Anigu waxa aan idiin ahay mid la idiin soo diray oo aamin ah.” Waa marag weyn oo Alle SWT, u furayo ergaygiisi, innaguna rumaynta aynu nabinnimadiisa rumaynaynay waxa ku lammaan aaminaadda in wax kasta oo xaggiisa ka sugani run yihiin una baahan fulinteed.

Rasuulku NNKH, saddex tilmaamood qofka laga helo waxa uu ku sheegay munaafaq badhaxtiran, qofka hal sifo oo saddexdaa ah lagu arkana waxa uu ku sheegay in qayb munafaaqad ahi ku jirto, “Caalamadaha munaafaqu waa saddex; marka uu hadlayo been ayuu ku hadlaa, wacadka waa uu ka baxaa, waa uu khaayinaa cidda aaminta.”

Ilaahay suuradda Nisa’ waxa uu amar ka dhigay ammaanada dadkeeda in la siiyo, “Ilaahay waxa uu idin faraya ammaanada ciddeeda in aad siisaan.” Aayaddani waa aayadaha Alle sida cad amarka ugu bixiyo samaynta arrinka uu kolkaa ina farayo.

Cabdillaahi ibnu Cumar waxa uu rasuulka ka soo wariyey, “afar hadday agtaada ku kulmaan, adduunka wax kaa maqan ma jiro: xifdinta ammaanada, runsheegnimada, dabci wanaagga iyo dhowrsanaanta cuntada.”

Suuradda Mu’minuun, oo ka warranta tilmaamaha mu’miniinta ayaa sifadan lagu sheegaa, waliba la raaciya abaalkoodu waxa uu ahaan doono, “Waa kuwa dhowra ammaanooyinka iyo wacadyadooda.”

Anas Bin Maalik waxa uu sheegay in maalin Rasuulku ku khudbadeeyey, “Rux aan aamin ahayni iimaan ma leh, ruux aan wacad lahaynna diin ma leh.” Hadalkaa suubbanuhu waa hadal xeeldheer, iimaanka oo aynu ognahay diinta xagga uu ka taaganyahay waxa lagu sidkay ammaanadii.

Xudayfa waxa uu sheegay in ammaanadu dadka abuur ahaan ugu weynayd, Quraanku kolkii uu soo dagay lagu sii adkeeyey, dhaqangelinteedana laga arkay habdhqankii Rasuulka. Xudafay waxa kale oo uu sheegay intii uu joogay sida ay ammaanadu u sii yaraatay waa geeridii nabiga ka dib e, waxa aanu sii raacinjiray sida Bukhaari iyo Muslin soosaareen xadiiskii Rasuulku ku lahaa, “Qof ayaa seexan doona, soona toosi doona isaga oo laga dulqaaday ammaanadii.”

Haddii qofka lagu tuhmo in aanu ammaano lahayn, waxa lunta kalsoonida dadku u hayaan, waxa meesha ka baxda in la aamino. Islaamku waxa uu isku ladhay iimaanka iyo ammaanada, haddii aad iimaan leedahay ammaano waa in aad lahaataa. Ogobeey, Islaamku waa diintii dhowrsanaanta, sharafta, kalsoonida, dad-ladhaqanka.

Ammaanadu waa astaan ka mid ah astaamaha lagu garto jawharadda Islaamka. Qof kasta oo Mulim ah waxa korkiisa saaran in uu ilaaliyo ammaanada, hala macaamilayo dad Muslimiin ah ama dad gaalo ahba e, waana in uu maankiisa ku haya kolka uu la macaamilayo dad aan Muslim ahayn in habdhaqankiisa la eegayo, isna uu yahay wakiilkii diinta, dhowrista sharafka diintuna korkiisa saaran tahay.

 

Dhowrsanaanta

Dhowrsanaantu waa qofka oo iska ilaaliya ku dhaca wax aan shareecadu oggolayn, samaynteedna ka doorbida iska dhowriddeeda. Is ilaalintu waxa ay qofka u horseeddaa sharaf badan oo lagu soo hirto, iyo in nafdiisu ka fogaato tuhun oo dhan amase ku dhicidda dambiga. Qofku siyaallo badan ayuu isku dhowra, taas oo ujeedkeedu yahay uun dhowrsanaanta qofnimo oo laga helo iyo in aanu noqon mid bannaan jooga oo waxba dhowranayn.

Habdhaqanka tolmoon ee dhowrsanaanta waxa lagu gartaa afgaabni, sidaa ajligeed ayaa ergaygii Alle lagu sheegi jiray in uu ahaa mid tilmaahaa ku suntan, lagana hayey, “Alle wuxu ugu jecel yahay dadka qofka aan hadalka badnayn, wuxuna ugu neceb yahay qofka hadalka badan ee bilaa murtida ah.”

Dhowrsanaanta masiirkeedu waa janno, jannadana waxa lagu mutaysto waxa ugu horreeya qofka oo qabatima runsheegnimada kana dhowrsada in lagu sheego beenaale. In uu yahay qof dhowran waxa tusaale ugu filan in uu yahay mid lagu yaqaan runta, ogsoonna abaalkeedu in uu yahay janno, ifkana samahaa lagu majeeranayo, “Ogaada runta, runtu dadka samaha ayey ku hagtaa, samuna jannada ayuu dadka ku hogaaye. Qofku ma qabatimo runta illaa Ilaahay agtiisa loo qoro runsheege.”

Dhowrsanaanta waxa ugu horreeya qofka oo carrabkiisa ka adkaada, oo waxa uu ku hadlayo hubiya. Carrabku waa xubin mihim ah oo Alle ugu deeqay bani’adamka, waana mid ka mid ah waxa aynu kaga duwannahay noolaha kale, xubinkani waxa uu ka masuul yahay dhawaq kasta oo kaa soo baxa hadduu sanyahay iyo hadduu xunyahay, sidaa darteed ayuu Rasuulku CSW u yidhi, “Yaa laba ii ballan qaadaya ilaalintooda ana u ballan qaadaa janno.” Waxa ka mid ah carrabka. Carrabku isaga ayaa innoogu filan janno iyo naar kaynu gali lahayn, markaa waxa mihim ah in aynnu ilaashanno carrabka oo wax Alle SWT oggalyahay ku hadalnaa.

Sidaa aynnu ugu baraarugsanaanno ilaalintiisu waa midda kaliya ee aynnu kaga badbaadayno Alle SWT hoojintiisa. Mucaad ibnu Jamal Rc ayaa Rasuulku CSW ku yidhi, “Miyaa la noo qabanayaa waxa aannu ku hadalno,” dabadeed Rasuulku CSW intuu carrabkiisi qabtay ayuu ku yidhi, “Hooyadaa kaa goblantay Mucaadow, dadka wajiyadooda madaxa ma wax aan ahayn waxa carrabkoodu ku hadlaa loogu tuura.”

Tilmaamaha ugu sarreeya ee lagu garto dhowrsanaanta waxa ka mid ah xishoodka, xishoodka ugu dunsani waa ka qofku Alle SWT ka xishoodo. Rasuulka CSW oo maalin la hadlaya asxaabtiisi ayaa ku yidhi, “Waar ka xishooda Alle, xishood dhab ah.” Inta ay naxeen saxaabadi ayey si degdeg ah ugu halceliyeen, “waanu ka xishoonnaa Rasuul Allow.” Intaa markii ay yidhaahdeen ayaa uu haddana ku yidhi, “Xifdiya madixiina iyo intuu koobsaday, xifdiya calooshiina, badiyana xusuusnaanta geerida.”

Nabi Muuse haweenkii uu xoolaha u waraabiyey, kolkii mid ka mid ahi u timid si ay ugu sheegto in aabbaheed doonayo in uu u abaalgudo, Quraanku waxa uu ka warramay qaabsocodkeedii, “Waxa timi midkood, iyada oo si xishood leh u soconaysa.” Hadalkeeda oo kaliya ma ahayn xishood se socodkeeda ayaa laga dheehanayey xishoodkeeda, waana sababta hadalkeeda Quraanku u odhan waayey si xishood leh ayey u hadashay, xeeldheerida hadal waxa ka sii gundheeraa qaabsocodkeeda. Waana laba layaab ta sii layaabka badan ka warran.

In aad dadka kula dhaqanto hab-dhaqan wanaagsani ayaa ah gundheernimada dhowrsanaanta, sidaa ajligeed ayuu Rasuulku CSW lahaa, “Dadka kula dhaqan si wanaagsan.”

Ka dhowrsanida xumaha oo dhan ayaa ah majeerashada la majeerto dhowrsanaanba. Qofku in uu kujiro xayndaabka sharcigu oggolyahay waxa lagu gartaa sida uu uga dhowrsanaado xumaha weyn ‘sinnada.’  Ilaahay sinnada ma odhan ha samaynina se waxa uu yidhi ha u dhawaanina, “Ha u dhawaanina sinnada, waa xumo, waddo lamarana waa ta u xun e’.”

Tilmaamaha dadka iimaanka laga helay Alle SWT, kolku sheegayey waxa uu ku daray liiskaa lab iyo dheddiga ka ilaaliya xubnahooda taranka in ay xaaraan ku dhacaan in ay ka mid yihiin dadka dhab ahaan iimaanka u leh. Waa bushaaro aad u weyn oo qofkii la leeyahay waar darajadaa ayaad ku helaysaa in garaadkaagu ku shaqeeye dhawrsanaanta ku dedaal.

Dumarka si gooniya ayaa Alle ula hadlay, wax kasta oo u soo dhawaynayana waa u kala hadlay, xataa hadalkii oo la leeyahay hadalkiinu ha ahaado mid toosan oo aan sarbeebi ku jirin, “Hajajabina hadalkiina, si aanu idin damcin ka qalbiga ka bukaa.” Hadalka kolka la isku sarbeebo waxa ka dhasha xumo oo idil iyo doonitaan shaydaan ka faa’ideeyo, se hadalka toosan waa mid aan muran galayn.

Dhallinyarannimada oo ah nolol ugub ah ayaa keenta in da’yartu u socotaa jaantaa rogan oo aanay waxba xeerin inta badan, balse ay hadhow qoomamo miciin bidaan. Shareecadu si gooniya ayey ula dardaarantay dhallinyarada iyada oo sheegtay in maalinta qiyaame afarta su’aalood ee la is waydiin doono ay ku jirto dhallinyarannimadii waxa u qofku soo qabtay, haddii uu waxsan la yimid abaalgudweyn oo raalligeliya maalintaa ayaa la siiya, haddii kalena waxa uu la kulmaa abaalcelin aanu jeclaysan. Dawada uu Islaamku qofkaa dhallinyarada ah nolosha ku siiyey waa dhowrsanaan.

Dhowrsanaantu waa qofka oo wax kasta oo xun ka dhowrsada samaynteed, wax kasta oo sanna ku dhiirada faliddeed, waana astaanta jawharannimo ee Islaamka. Waxa habboon in qofku qabatimo is dhowridda oo ah shay Alle jecelyahay dhiirigelyeyna.

Wa Bilaahi Towfiiq

Qalinkii: Sheekh Cabdirisaaq Cabdiraxmaan Xasan-rakuub

A REPLY TAGO

Please enter your comment!
Please enter your name here