JIGJIGA: Madaxweynaha Cusub Oo Caydhiyey Taliyihii LIYUU BOOLISKA & QALBI-DHAGAX Oo Xil Loo Magacaabay

0
1

Akhri: madaxweynaha Cagjar oo Xalay Soo Saaray Liiska Hormadii 1aad Ee Masuuliyiinta Xukuumadda Uu Soo Dhisayo

Jigjiga(Hubaal):- Madaxweynaha Somali State Mustafe Maxamuud Cumar ayaa xalay xilkii ka xayuubiyay Taliyihii Ciidamada Liyuu Booliiska Ee Deegaankaasi Cabdiraxmaan Labo Go’le. Taliyaha Ciidamada Liyuu Booliiska ayaa Lagu eedayn Jiray in ay ka danbeeyaan Xad Gudubyo lagula kacay shacabka deegaankaasi, waxaana dhawaan warbixin ay soo saartay Hay’adda Qaramada Midoobay u qaabilsan Xuquuqda aadamuhu ay ku sheegeen in ciidamadani ay yihiin kuwo qayb laxaad leh ka qaatay xad gudubyada lagula kacay shacabka. Waxa ay ku taliyeen in cadaaladda la soo hor joojiyo taliyaha ciidamadaasi, hasayeeshee gelinkii danbe ee maanta ayuu madaxweynuhu xilkii ka qaaday, waxaana la filayaa in dhawaan la soo hor joojiyo maxkamad. Xilka ka qaadista taliyaha ayaa daba socotay kadib markii isagana dorraad  Madaxweynihii hore ee Dawlad Deegaanka Soomaalida Ethiopia Cabdi Maxamuud Cumar   xabsiga loo taxaabay.    xukuumadda Cusub Ee jigjiga ayaa wadda qorshe ay isugu soo dhaweynayso dadka deegaankaasi ku wada nool oo ay kala irdhaysay xukuumadii hore.

Geesta kale  Madaxweynaha Deegaanka Soomaalida Itoobiya Mustafe Cumar, ayaa lagu soo warramayaa in uu Magacaabay Masuuliyiin cusub oo noqonaya Safkii koowaad ee Xukuumadda laga filayo inuu soo dhiso maalmaha soo socda.  Xubnaha la weriyey inuu Madaxweyne Mustafe Cagjar magacaabay, ayaa isuga jira Wasiirro, Taliyeyaal Ciidan iyo Maayerka magaalada Jigjiga ee xarunta Ismaamulka Soomaalida Itoobiya ee dhawaan uu Madaxweynaha ka noqday.

Xilalka Xubnahan cusub loo magacaabay iyo Magacyadoodu-ba, waxay u dhignaayeen sidatan:-

1- Mudane Khadar Jirde( Wasiirka Madaxtooyada)

2- Mudane Garaad Cumar Dool Xirsi (Maayorka Magaalada Jigjiga)

3- Maxamed Cabdi Mawsar (Taliyaha guud ee ciidamada Liyuu booliska)

4- Korneyl Cabdikariin ( kuxigeenka ciidamada Liyuu booliska)

5- Korneyl Sheekh Mukhtaar (Madaxa Sirdoonka)

6- Korneyl Cabdikariin Muuse  (Taliyaha ciidamada Asluubta)

7- General Maxamed yare ( komishinerka komishinka booliska)

8- Maxamed Cabdi Guray (Kuxigeenka Komishinka.) Sidaa ayaa lagu sheegay Wajaalenews oo aannu Warkan ka soo xigannay.

SHARE
Article hore“Addis-ababa Waxay 1993 Ogolaatay Madaxbanaanida Eritrea, Muqdishona Waxay La Dagaalantay dawladnimada Somaliland”
Mustafe Mohammed Abdullahi better known as Mustafe Faro is a senior Somali journalist, writer and cameraman. Mustafe is the head of programmes of Hubaal newspaper - a daily Somali magazine issued from Hargeisa, Somaliland. He is the assistant editor of the Independent Newspaper in Hargeisa, also the assistant editor of Somali Commentator. You can contact him through his E-mail: loodh2013@gmail.com or +252 63 4097497

A REPLY TAGO

Please enter your comment!
Please enter your name here