Kaftan Siyaasadeedka Somali Reports: Cali Xoor-Xoor, Cabdale Sandheere Iyo Ramaax Oo Iclaamiyey Inay Jamaal Cali Xuseen Dabadii Madaxwayne-nimo U Sharaxan Yihiin

0
39

Maalinba xaajada taagani waxay keentaa in 100 xaajo oo la nooc ahi dibada u soo baxaan, isla markaana ay dadku goobaha ay iskugu yimaadaan iyo warbaahintaba la soo istaagaan arrin aan cusbayn oo hadana marka dhinac laga eego kaa qoslinaysa ama kaa yaabinaysaba.

Mudooyinkii u danbeeyey waxaa warbaahinta lagu arkayey saddex masuul oo isku beel ah oo yooyootamaya isla markaana uu mid walba dhiniciisa u abaabulayo koox ogol oo u dhago-nugul oo intuu shiriyo marka loo dhiibo cod baahiyaha uu odhanayo waxaan ahay musharaxa madaxwaynaha ee xisbiga Kulmiye ee Axmed Siilaanyo dabadii.

Arrintani waxay noqotay xaajo qof walba oo reer Somaliland ahi u fasirto sida uu doono, waxay taasi keentay in bulshadda inteeda badani ku dhaliilaan siyaasiyiintaas oo kala ah Guddoomiyaha Kulmiye Muuse Biixi Cabdi, Wasiirka Maaliyadda C/casiis Samaale iyo Wasiirka Khaarajiga Maxamed Biixi Yoonis oo mid walba aanu ka kale wax u ogolayn isla markaana aanay jirin cid kala saarta oo runta u kala sheegta, ama tusta in dhaliil iyo naqdin mooyaane aanay arrintaasi wax kale usoo kordhinaynin.

SawirkaHaddii aynu usoo noqono ujeedada mawduuceenan KAFTAN SIYAASADEEDKA MAANTA; iyadoo Title-ka aynu u xulanay Kaftan siyaasadeedkeenan aanu ahayn go’aan si dhab ah uga soo baxay saddexdaas masuul ee kala ah Maareeyaha Dekadda Berbere Eng Cali Xoor-xoor, Badhasaabka gobolka Sanaag iyo Maayarkii hore ee degmadda Berbera Mr Ramaax oo saddexdooduba ka soo wada jeeda isku beel ee aynu sheegnay inay yihiin isa soo sharaxayaan Jamaal Cali Xuseen dabadii ayaa haddana aynu u dooranay  qaabka ay bulshadeena caadada ugu noqotay mar walba in hadii mawquuc ay la yaabaan ay arkaan marka danbe loo arko 100 xaajo oo la nooc ah.

Isku soo wada-duuboo saddexda masuul ee hankooda siyaasiga ah aynu inagu u shaacinay ayaa waxa la filayaa inay kala saaraan guddida DAN iyo DUCO.

Somali Reports Staff Writer

A REPLY TAGO

Please enter your comment!
Please enter your name here