KENYA: Xildhibaannada Ugu Mushaar Badan Afrika Ee Haddana Saluugsan

0
1

Nairobi (Hubaal) Waxa aqalka barlamaanka ee dalka Kenya horyaala hindise sharciyeed qabyo ah oo ay soo jeediyeen guddiga baralaamanaka u qaabilsan arrimaha cadaaladda iyo sharciga.

Hindisahan oo aan wali la meel marin, buuq badan na ka dhaliyay guud ahaan dalka Kenya ayaa haddii la ansixiyo waxaa uu xildhibanaada iyo guddoonka barlamaanka ee Kenya u oggolaanayaa inay helaan lacago gunnooyin ah.

Xildhibanaada ayaa heli doona baabuur, guri, shidaalka baabuurka, caymis dhanka caafimmaadka iyo lacago gunnooyin ah marka ay tagaan safarada dalka dibadiisa, waxaana qarashaadka imika ay doonayaan uu gaadhayaa boqolaal kun oo doolar.

Qorshahan ayaa waxa dabada ka riixaya xildhibaannada baarlamaanka ee Kenya, waxaana ay doonayaan in ay helaan adeegyadaasi oo dhan, maadaama qaarkood ay ku andacoodaan in aannay mushahar fiican helin.

Xildhibaannada ayaa haatan mushahar ahaan u qaata lacag ku dhaw toban kun oo doolar.

Dalabka xildhibaannada oo dad qaar ay u arkaan in aanay munaasib aheyn xiligan ayaa waxa ka hadlay madaxweynaha Kenya, Uhuru Kenyatta oo sheegay in mudanayaasha ay dib uga fikaraan, kana fikiraan danta shacabka.

“Qof walba wuxuu jecelyahay in uu ku noolaado nolol aad u wanaagsan, balse waxa wanaagsan in aan ka fikirno sidii aan u horumarin laheyn nolosha iyo danta dadka xilka inoo dhiibay” ayuu yidhi madaxweyne Kenyatta.

Arrinkan ayaa waxa sidoo kale ka hadlay afhayeenka baarlamaanka Kenya, Justin Muturi oo isna sheegay in haddii xitaa la meel mariyo hindisahan aanu qaadan doonin lacagahaasi gunnooyinka.

Muturi ayaa intaa raaciyay in tallaabadan ay tahay mid ka dhana sharciga dalka.

Masuuliyiinta xisbiyadda ee labada aqal ayaa arrintan qayb ka noqon doon taas oo maamulkeeda ay gacanta ku hayn doonaan guddiga qaabilsan aadeegyada baarlamaanka oo uu hoggaamiyo afhayeenka barlamaanka Justin Muturi.

Xildhibaannada dalka Kenya oo lagu tiriyo in ay kamid yihiin xildhibaannada ugu mushaharka badan caalamka ayaa haddana waxay ku andacoonayaan in aan loola macaamilin sida golaha wasiirrada dawladda iyo garsoorayaasha maxkamadda.

Hasa yeeshee arrinkan ayaa waxa ka soo horjeestay qaar badan oo kamid ah shacabka reer Kenya iyo hay’adaha u dooda xuquuqda aadanaha, kuwaas oo xildhibaannada ku tilmaamay kuwo calooshood u shaqeystayaal ah oo aan ka fikireyn dadka ay matalaan.

Xigasho: BBC-somali

SHARE
Article horeSaddexda Xisbi Qaran Waa Wada Muxaafid
Mustafe Mohammed Abdullahi better known as Mustafe Faro is a senior Somali journalist, writer and cameraman. Mustafe is the head of programmes of Hubaal newspaper - a daily Somali magazine issued from Hargeisa, Somaliland. He is the assistant editor of the Independent Newspaper in Hargeisa, also the assistant editor of Somali Commentator. You can contact him through his E-mail: loodh2013@gmail.com or +252 63 4097497

A REPLY TAGO

Please enter your comment!
Please enter your name here