Khabiir Sababeeyey Shidaalka Cilladaysan ee Bulshadu Ka Qaylisay iyo Sida Ay Wasakhdiisu Ku Timi

0
1

“Waxaan Ku Talinayaa In Baatroolka Iyo Hawada La Kala Ilaalliyo Taasina Waxaa Ay Imanaysaa Marka….”

Hargeysa (Hubaal)- Aqoonyahan Axmed Cabdishakuur Cumar oo kamid ah aqoonyahannada reer Somaliland ee takhasuskooda shahaadada heerka labaad ee Mastarka ka diyaariyey culuumta la xidhiidha shidaalka ayaa magaallada Hargeysa kusoo bandhigay muxaadiro aqoonneed oo uu kaga hadlay shidaalka waqti xaadirkan ay bulshadu ka muujisay cabashada ee xabagta leh ee dalka yaalla, kaasi oo uu iftiimiyey halka  iyo sida uu shidaalku u wasakhoobay.

Muxaadiradan oo lagu qabtay Hoolka Jaamacadda Hargeysa oo Aqoonyahankani khudbad ka jeediyey ayaa waxaa uu ku soo bandhigay shidaalkan oo la sheegay in uu  isaga wasakhaysan soo galay Somaliland balse waxaa uu Prof. Axmed Cabdisakuur meesha ka saaray in haba yaraatee aanay jirin wax shidaal wasakhaysan ah oo dalka soo galay balse shidaalkani uu yahay mid dunidu isticmaasho, kaasi  oo uu ku dooday in hawada qoyan ee Somaliland ka jirtaa ay saqaysay. “Compound-ka Ethanol la yidhaahdo ee Patrolka ku jiraa waa kan maanta laga hadlayo ee gawaadhigu u fadhiisteen, kaasi oo biyaha ay aragti uun ka dhaxayso oo aad buu u soo jiitaa oo Baatroolka marka ay 15%  oo ethanol ahi ku jirto oo danta laga leeyahayna ay tahay in Patrolka laga dhigo mid Oxgyenated ah si deegaanka iyo dadkaba uu u anfaco ayaa waxaa dhacday in cimillada dalkeena iyo biyaha hawada ku jira [humidity]  oo badan awgeed uu Patrolkeenii uu soo nuugay biyaha hawada ku jira, markaa Ethanol marka ay biyo soo nuugto  ee ay Baatroolka  biyo soo dhex galaan waxaa meesha ka dhalanaya  in la helo baatroolkii oo biyo leh”. Sidaas ayuu yidhi Aqoonyahan Axmed Cabdishakuur, waxaana uu intaa ku daray isaga oo dooddiisa sii wata   in marka uu biyaha soo nuugayo aan la arag laakiin buu yidhi “Marka uu bato biyaha uu hawada ka nuugayaa waxaa dhacda wax loo yaqaanno phase Supration oo ah in biyaha iyo baatroolku ay kala soocmaan oo ay sameeyaan laba dabaqadood oo aan isku milnayn tusaalle ahaan sida biyaha iyo saliida oo kale, markaa dhibaatada shidaalkeena ku dhacday maantu maaha mid xaydheed oo ah laakiin waa kaas aynu soo sheegnay ee kala soocmay”.

Aqoonyahankan Ayaa intii kulankani socday waxaa uu  khudbadiisa ku soo qaatay tallooyin uu u soo jeediyey bulshada  kaasi oo ku baaqay in lagu dadaalo sidii shidaalka looga ilaalin lahaa hawada “waxaan ku talinayaa in Baatroolka dalkeenna yaalla iyo hawadeena la kala ilaaliyo taasina waxaa ay imanaysaa marka kaydka haamaheena shidaalka si wanaagsan loo xidho oo lagu shubo booyado si wanaagsan loo xidhay afkooda, sidoo kalena kaalmaha shidaalka ee lagu shubayo si wanaagsan afkooda loo daryeello, oo lagu shubo gaadhi afkiisa si adag loo hubiyey in uu xidhan yahay. Waxaa dhacda in tusaale ahaan haantii ay booyaduhu ku shubeen shidaalka oo hawo qaadatay in marka lagu shubayo hanta kaalinta ee furka lagu furo uu hadana hawo  kale qaato, hadanna marka gaadhiga lagu bam garaynayo shidaalka in uu hawo kale qaato ayaa dhacaysa markaa mishiinka gaadhigaaga in uu ku kala baxo baatroolku xaq buu u  leeyahay, si waxaas oo dhib ahi aanay u dhicin waxaa macnaha guud noqonayaa in haddii baatroolkeena si adag looga ilaaliyo hawada in aanu baatroolku kala baxayn wax cillad ahna aanu ku samaynayn mishiinka baabuurka”. Ayuu yidhi Aqoonyahan Axmed Cabdi Shakuur.

A REPLY TAGO

Please enter your comment!
Please enter your name here