“Kharashaadkii Dawladda Dhexe Soo Deyn Jirtay Oo Istaagay, Wuxuu Keenay In Shilinku Kor U Kaco”

0
1

Warbixin Uu Guddoomiyaha Baanka Dhexe soo saaray oo Afar Qoddob Ku Sababeysey Kor u Kac ku Yimid shilinka Somaliland & Hooos U Dhac Ku Yimi Sarrifka Lacagaha Qalaad

Hargeysa (Hubaal)- Baanka Dhexe ee Somaliland ayaa ka warbixiyey kor u kac ku yimid  qiimaha Shillin-ka Somaliland, iyaga oo is bar-bar dhig ku sameeyey waddamada Sicir bararku uu ka jiro iyo sababaha keenay  hoos u dhaca iyo kor u kaca lacagaha. Warsaxaafadeed uu soo saaray Guddoomiyaha Baanka dhexe ee Somaliland Cali Ibraahim Jaamac ( Baqdaadi) oo wargeyska HUBAAL soo gaadhay ayaa   lagu sheegay in shilinka somaliland uu [9.3%] kor u kacay qiimihiisu halka  hoos u dhac ku yimi sicir-bararka [15%]. Guddoomyaha banku waxaa uu warsaxaafadeedkiisa ku sheegay in raxmaadkii dalka ka hooray iyo dhoofkii xoollaha ee la furay ay qayb weyn ka qaateen kor u kaca shilinka “Waxaan warbixin kooban la wadaagayaa bulshada Somaliland, warbixintaas oo ku saabsan xaallada dhaqaalle ee haatan ka jirta dalka oola odhan karo waa mid fayow oo caafimaad qabta, waxaa dalka maasheeyey raxmaadkii alle, dagalii beeraha si fiican ayaa loo qoday, dhoofintii xoolahana waa la furay, xadigii lacagta ee suuqa lagu sii dayn jirayna si hufan ayaa loo maareeyey, taasoo keentayin qiimaha shilinku kor u kaco, sicir bararkuna hoos u dhaco”. Ayaa guddoomiyuhu yidhi, waxaana warsaxaafadeedkisa oo laba bog ka koobnaa u dhignaa sidan:

SHARE
Article horeGuddoomiyaha shirkadda La Wareegtay Dekedda Berbera Oo Mar Kale Ka Hadlay Sharciyadda Maalgelintii Ay Ku Qandaraaseen
Mustafe Mohammed Abdullahi better known as Mustafe Faro is a senior Somali journalist, writer and cameraman. Mustafe is the head of programmes of Hubaal newspaper - a daily Somali magazine issued from Hargeisa, Somaliland. He is the assistant editor of the Independent Newspaper in Hargeisa, also the assistant editor of Somali Commentator. You can contact him through his E-mail: loodh2013@gmail.com or +252 63 4097497

A REPLY TAGO

Please enter your comment!
Please enter your name here