HUBAALMEDIA.COM
Komishanka Doorashooyinka Oo Meesha Ka Saaray Dib-U-Dhac Ku Yimaadda Doorashooyinka Dalka Ka Qorshaysan Sanadda Soo Socota
August 21, 2016 - Written by Mustafe Faro

Hargeysa:(Hubaal)-Komishanka doorashooyinka qaranka, ayaa meesha ka saaray wax dib-u-dhac ah oo ku yimaadda doorashooyinka madaxtinimada iyo kuwa wakiillada ee dalka ka qorshaysan horraanta sanadka soo socda ee 2017-ka.komiishanka doorashooyinka

Af-hayeenka guddida doorashooyinka Somaliland Md Siciid Cali Muuse oo arrintan ka hadlay, ayaa si cad u sheegay in qorshahoodii u diyaar garowda doorashooyinka ee ay hore u dhigteen sidiisii ku socda, isagoo meesha ka saaray wax isbeddel ah oo arrintaas ku yimi, “jadwalka guddi ahaan noo yaalla wax isbeddeli ahi kuma iman, wax la kordhinayo oo si rasmi ah noosoo gaadhayna ma jiraan, wakhtigii doorashada loogu talo galayna jadwalkayagu wuu u socdaa, ilaa imikana sidii aanu ku talo galnay ayey wax noogu socdaan.” Ayuu yidhi siciid Cali Muuse.

Afhayeen Siciid Cali Muuse oo hadalkiisa sii wata, ayaa waxa uu intaas ku daray in meelinta berri ah oo ay bishan August tahay 23-ka sanadka 2016-ka,  la daahfuri doono diiwaangelinta codbixyayaasha ee gobolka sool, waxana uu bulshada gobolkaas ugu baaqay inay si hufan isu diiwaangeliyaan,“Maalinta isniinta ah ayey diiwaangelintu ka bilaabmaysaa, guud ahaan gobolka Sool iyo deegaanada hoos yimaadda, Goobaha sanaadiiqda la dhigayna waa 153-goobood.” Ayuu yidhi Siciid Cali Muuse.

Waxa uu afhayeenku ku adkeeyey bulshada gobolka Sool ku dhaqan inay komishanka iyo ciidamada ammaanka kala shaqeeyaan nabadgelyada, isla markaana ku dedaalaan in natiijo hufani halkaas kasoo baxdo, waxana uu yidhi,“dadka reer Sool ha is diiwaangeliyaan, waayo waa muhiim in qofkastaa codkiisa muujiyo, shacabkuna ammaanka ciidamada hakala shaqeeyaan, waxana aanu rajaynaynaa inay si nabad ah diiwaangelintu u dhici doonto.”

Waxaad Hubaal media kala soo xidhiidhi kartaan E-mailaddan 
Hubaal100@hotmail.com 
Hubaal100@gmail.com
 Hubaal100@yahoo.com
COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- DJIBOUTI NEWS
- Farshaxan
- Farriinnews
- Gabileymedia
- Gabiley24
- GabIleytoday
- Gabileynews
- GABILEYNEWS
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- MURTIMAAL.COM
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- Qodaalnews
- Qtlhost Website
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SAAXILTODAY
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- saylanews/a>
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews