Komishanka Doorashooyinka Oo Shaaciyey In $4-Milyan Oo Lacagtii Doorashada Madaxtooyada Lagu Geli Lahaa Ahi Dhiman Tahay, Kan Hadlay Shaqaale Ay Fasaxeen

0
23

guddoomiyaha-komishanka-doorashooyinka

Hargeysa:(Hubaal)-Guddida doorashooyinka qaranka Somaliland, ayaa markii ugu horraysay faahfaahin ka bixisay qabyooyinka ku jira diiwaangelintii codbixiyayaasha ee dhawaan soo idlaatay iyo weliba dhinaanshiiyo xagga kharashaadka doorashooyinka soo socda lagu geli lahaa oo jira.

Guddoomiyaha guddidaas Md. Cabdiqaadir Iimaan Warsame oo maalintii shalay arrintantan ka hadlay, ayaa shaaciyey in kharashkii diiwaangelintu dhiman yahay marka laga tago intii xukuumaddu bixisay iyo weliba waxoogaa kale oo deeq-bixiyayaashu ku ballan qaadeen, waxana uu carrabka ku dhuftay cadadka lacagta doorashada ka dhiman, “Miisaaniyadda lagu geli doono doorashada inagu soo aaddan ee madaxtooyada,waxanu uga mahadnaqaynaa xukuumadda oo bixisay lacag dhan $4-milyan oo dollar iyo qaadhaan bixiyayaasha oo kaadhadhka iyo daabacadooda iyo qaybintooda iyo doorashada badh lagu gelayaba ballan qaaday, laakiin waxa jira faraq soo baxay oo ku dhaw $ 4-miylan oo dollar oo weli aan la haynin, lacagtaas dhimanina waa mid qaran ahaan inoo taalla oo ina saaran sidii loo heli lahaa.” Ayuu yidhi guddoomiye Cabdiqaadir Iimaan.

Gugddoomiyaha oo hadalkiisa sii wata, ayaa shaaciyey in socdaalkii ay dhawaan dalka Kenya ku tageen deeq-bixiyayaasha kaga soo heleen cadad lacag ah oo diyaarinta kaadhadhka cod-bixiyayaasha loo qoondeeyey, waxana uu yidhi,“safarkii imika aanu baxnay waxa ay qaadhaan bixiyayaashu  ballan qaadeen lacag ku dhaw $2-milyan oo dollar oo loogu talo galay waraaqaha soo daabacidooda, mishiinada iyo qayb kamid ah shaqaalaha xarunta.”

Dhinaca kale guddoomiyuhu waxa uu shaaca ka qaaday markii ugu horraysay inay fasaxeen shaqaale badan oo hay’adooda ka hawlgeli jirey, balse waxa uu ku adkaystay in shaqaalaha la fasaxay dhammaantood yihiin qaar heshiiskii ka dhammaaday oo aan loo cusboonaysiinin,“diiwaangelinta wax aka halwgalay shaqaale tiradoodu kor u dhaafeen 10-kun oo qof, kuwaas  oo qandaraasyo iyo heshiisyo kala duwan aanu ka saxeexnay, qolo kasta oo wakhtigoodu dhammaadana waanu fasaxayna, kuwii ugu horreeyeyna waxa heshiiskoodu ku dhammaa dhammaadka bishan.” Ayuu yidhi cabdiqaadir Iimaan.

Mar uu meesha ka saarayey inay shaqaalahaas lacag la’aan u fasaxeen waxa uu yidhi guddoomiyuhu,“Guddida komishanka doorashooyinka qaranku waxa uu caddaynayaa inaan la kala dirin shaqaalaha, iyada oo loo kala dirayo lacag la’aan nagu dhacday,  shaqaalaha waxanu u kala diraynay qof kastaa marka uu heshiiskiisa dhamaysto ayaanu fasaxaynay.”

A REPLY TAGO

Please enter your comment!
Please enter your name here